http://www.oodweynenews.com/display_pag ... leid=13215
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
Dagaalkii Abdi ugu Cuslaa oo Shalay Jilibka la Isu Aasay Magaalada Gaalkacyo Iyo Warkale
Written by Qarannews
Dec 24, 2009 at 07:43 PM
Gaalkacyo(Qarannews)-Dagaalkii ugu xooga badnaa ee abid ka dhaca Magaalada Gaalkacayo, ayaa shalay jilibka la isu aasay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, ka dib markii ay dhinaca Koonfureed ee Magaaladu bilaabeen in ay duqeymo ugeystaan xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo.
Ilaalada dawladda Hoose oo dagaalka ku jirey, ayaa waxa wararku sheegayaan lugu soo qaaday guluf adag oo uga yimid dhinaca Koonfureed ee Magaalada, oo adeegsaday madaafiicda goobta iyo boobayaasha culus, taasoo walaac daran ku abuurtay dadka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo.
Abaara 02:40 duhurnimo ee shalay, ayaa si toos ah uga bilaabatay Magaalada adeegsiga rasaasta waa weyn ee ka dhacaysay gaadiidka dagaalka, waxaana dhinacyadu isu adeegsadeen rasaas geystay dhimasho iyo dhaawac xoog leh.
Ciidamada dawladda Puntland o iyaguna soo galay Dagaalka, ayaa waajahay xoogaga ka soo dagaalamaya dhinaca Koonfured ee Magaalada, markii ay sheegeen in lugu soo humaajiyey xarumahooda dagaalka, isla markaasna ay dagaalada ka soo qeybgaleen si buuxdana uga soo mid noqdeen ciidamada Maamulka Galmudug oo aan ukala harin.
Saraakiisha dawladda, ayaa difaacay adeegsiga hubabka waa weyn,waxa ayna sheegeen in magaalada gaar ahaana xaafadaha Puntland lugu garaacay madaafiicda goobta oo geysatay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ka jawaabidii hubabkii ka imaanayay dhinaca Koonfureed ee magaalada ayaa kalifay in ay dib ubaxaan ciidamada Galmudug, isla markaasna ay kuwa Puntland ay gaaraan goobihii ay fadhiyeen ciidamadii ka soo horjeeday.
Kulamo xasaasi ahaa oo looga hadlayay xaajada dagaalka iyo waxa ay Gaalkacyo baaqi ku ahaan karto, ayaa go'aamo kala duwan ay ka soo baxeen, kuwaas oo ilaa hada aan loo soo gudbin Saxaafada madax banaan.
Warkaalada Wararka ee APL, ayaa xidhiidh ay la sameysay cusbitaalada Waqooyiga iyo Koonfurtu, waxa ay sheegeen in ay qaabileen dhaawacyo fara badan oo ay ku jiraan dhinacyada dagaalamaya iyo dad Shacab ah, iyagoo sheegay in ay sidoo kale lasoo gaarsiiyey dad Meyd ah oo ay ku jiraan dad shacab ah.
Madfac ka yimid dhinaca Koonfureed kuna habsaday xaafad ay joogen dad rayid ah ayay ku dhinteen qoyskii dagana, qaarkoodna ku dhaawacmeen, taasoo ka mid ahayd talaabooyinkii laga dhaxlay dagaaladii Shalay.
Dhawaaqa rasaasta ayaa hada yaraatay, inkastoo marar qaarkood la maqlayo Rasaasta qoriga BKM iyo AK-47-ka oo ay dhinacyada caadi uadeegsanayeen ilaa shalay, inkastoo ay hakad weyn gashay madaafiicda goobta oo la adeegsanayay intii udhaxaysay 02:40 ilaa 3:30 Saacada magaalada Gaalkacyo.



