Maanta (26/12/09) abaarihii 12:00 duhurnimo ayeeyna xubna badan oo uu horkacayo gudoomiyaha ururka ku xigeenkiisaa, odoyaasha siyaasada ee beesha,qaar ka mida haweenka jaaliyada iyo waliba hawlwadeeno kale ay u ambabaxeen magaalada Leiceter.
Safar qaatay saacad kadib waxay gaareen Leciester tiiyoo ay horey ugu sii sheegeen walaalahooda reer Leicster oo iyagu si aan hagar lahayn ugu sii diyaar garoobay martida uga imaanaysa london diyaarshayna hoolweeyn oo aad loo qurxiyay oo ay u dhamaayeen dhamaan agabyadii loo baahnaa in shirku ku qabsoomo.
Walool dadka badankiisu ay soomaanaayeen hadana taasi ma baajin kulankii oowaxay jaaliyada sade ee reer Leicester sii tageen goobta goorhore.
Shirku waxa uu ku biloowday jawi daganaansho iyo xasilooni ku jirto waxaana sida caadadu tahay lagu furay aayado quraanka iyo wacdi uu Col.Sheekh Xasan Colujoog soo jeediyay kaasoo aad ugu dheeraaday wanaag ay leedahay midnimadu iyo in laga fogaado kala tafaraaruqa ,waxa fiicana lays faro xumahana laga tago wacdigaas oo aha mid aad iyo aad usoo jiitay qaluubta dadkii goobta joogay.
Waxaa hadalka qaybinayey gudoomiyaha jaaliyada sade ee leicester farax diiriye kaasoo fadhiyay bartamaha marti sharafta reer london.fadhigu waxa uu ahaa mid kasoo qayb gala yaashu ay fadhiyeen miisas wareega oo indhaha dadku is wada arkayeen waxaadna ka dheehan kartay wajiyada jaaliyad weeynta leister farxad rajo wanaagsan iyo isku calool furnaasho waxayna uwada riyaaqsanaayeen qaabka uu kulanku usocdo.
Waxaa hadalka qaatay gudoomiyaha ururka Mr.Cabdullahi Cabdisalaan Ashkir (Garoon) kasoo bixiyay warbixin kooban oo ka turjumaysa hadafka iyo ujeedada ururka SPDC isagoona sheegay in SPDC ay ka goan tahay in meelkasta ay joogto jaaliyada beeshu ay ugu tagi doonaan gaar siin donaana ujeedadooda ku salaysan horumarka iyo taakulaynta dadkooda lana shaqeen doonaan cidwalba oo wanaag iyo horumar wada isagoo ujeedada ay maanta halkaan u yimaadeena kusoo koobay sadex qodob oo mihiim ah taasoo uu ka codsaday walaala heena reer Leicster inay fikirkooda ka dhiibtaa kana geeystaan waxii talo iyo tusaalaa.
Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ururka Maxamed Xayir waxa uu isna xusay baahida kajirta dalkeenii iyo waliba kala daadsanaanta ka muuqata jaaliyadaha beesha sade ee ku nool dalka dibadiisa. Gen. Xuseen Shuqul ayaa isna waxa uu ku nuux nuuxsaday in ay tahay waajib saaran qofkasta oo jaaliyadaan ka mida inuu u istaago sidii uu ugu hagar bixi lahaa wax qabadka looga baahan yahay hadii ay noqon lahayd dhisida airporka iskoolada iyo dhinaca caafimaadkaba. jananka oo isagu aqoon badan ulahaa wanaaga iyo is jaceelka jaaliyada sade ee qurbaha kunool kuna tilmaamay inay yihiin dad aan kala maarmin oo marwalba isku baahan ayaa waxa uu si xushmadleh oga codsaday inay dibu dhiska dalka si buuxda oga qayb qaataan iyadoon loo kala harin.
Col. Aadan Cilmi ayaa isaguna tilmaamo wax ku oola halkaas kasoo jeediyay isgoona ku ayiday hadaladii ay ragii hore sheegeen ee qiimaha lahaa. Dr.Maxamed Xasan Ali (Statesman) oo ah nin markuu hadlayo ka muuqato sida ay u dhibayso dhibaatada daba dheeraatay ee ku habsatay soomaali weeyn qaasatan deegaanada beesha sade ayaa waxa uu tilmaamay in maanta loo baahan yahay in caqligu shaqeeyo lagana gudbo wax yaabaha qiyaaligaa loona guntado howl iyo hurukac.
Marwo aamino iyo sahro oo iyagu ka mid ahaa marti sharafka ka yimid london waxay door bideen inay dhagaystaan talooyinka wax ku oolkaa oo lays weeydaarsanayo waloo marwo aamino dhamaadkii shirka ay ka jeedisay hadal guubaabo iyo waano isugu jira oo ay dadku u riyaqeen.
Iyadoo shirku marayo meel wanaagsan oo ay wali martidii reer london ku guda jiraan hadalkoodii ayaa maadaama dadka qaarsoomanaayeen salaadii maqribna la joogo waxaa lagu balamay in laqaato qadar yar oo nasashaa bacdal salaadna dib layskugu soo noqdo. Dadku waxay ahaa yeen kuwo ay aad ugu weeyn tahay midnimadu kana daalay hogaan la aanta haysata guud ahaan beesha una hamuun qabay inay mar uun arkaan umadoodii oo ku midaysan hal mabda waxaayna dhamaantood kasinaayeen inay hada muuqato rajo wanaagsan oo keeni karta is af garad iyo wada shaqayn.
Islamarkii laga soo noqday salaadii maqrib afurkiina uu dhamaaday ayaa halkii lagasii ambaqaday wada tashigii saacad iyo bar kahor biloowday waxa markaan loo guda galay in ay reer Leicster aragtiyadooda dhiibtaan waloow dadku aad utira badnaa hadana waxaan la iloowi karin ragii meesha ka hadlay oo uu ugu horeeyay Maxamed Xaashi oo ahaa ninkii ku deeqay goobtii shirku ka dhacayey kaasoo aan ku tilmaami karo inuu yahay nin ku dayasho mudan kana goan tahay inuu wax la taaban karo ka qabto deegaanada beesha.
Sidoo waxaa halkaasi ka jeediyay soo dhoweyn ah Eng.Maxamed Nuurre Yaryare oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee jaaliyadda magaalada Leicester ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmayiyadda ay leedahay booqashada ay masuuliyiintaasi sarsare ay ku soo gaareen magaalada Leicester, fikirkii ay wateen uu si weyn u soo dhoweeyey aynla la shaqeyn doonaan. En.Yaryare oo qeyb wen ka qaatay soo dhoweynta masuuliyiinta SPCDa ee magaalada London ayaa sheegay inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin howlaha culculus ee uu ururkaani u taagan yahay.
Waxaa isagana xusid mudan wakiilka ururka caankaa ee HIRDA eeka mida ururada fara kutiriskaa ee maanta ka muuqda deegaanadeena mudane guuleed osman,kaasoo runtii na dareen siiyay in uu qofkastoo rabo inuu wax qabto hadii ay ka fursan weeyso oo uu waayo bulsho la fahanta wanaagiisa inuusan ka caajisin ee uu isku dayo inuu kaligiis wax qabto wax kastoo uu wadankii geeyana hayaraato ama ha badnaatee ay tahay faaido dadbadan anfici karta.
Yuusuf xoday waxa uu isagu ku taliyay in dib loo eego hogaan dhaqameedkii oo talada loo celsho waayo aragnimana ka qaadano qaladaadkii hore oo aan dib loogu noqon. Raga jaaliyad reer Leicester ee hadlay way badnaayeen dhamaantoodna waxay kasinaayeen in waqtigaan xaadirkaa la joogo markii aan gacmaha is qabsan lahayn dadkeenana aan wax u qaban lahay kana gudbi lahayn is qabqabsiga iyo is fiirsashada dhexdeenaa. Waxaa iyagana xiriir qadka telefoonka lagu xiriiray xildhibaanadii ku sugnaa qaaradda yurup inta uu shirka socday oo si weyn u soo dhoweeyey fikradahii la isku dhaafsanayay goobtaasi.
Reer Liecester waxay leeyihiin hogaan midaysan iyo goob weeyn oo qaadi karta dhawr boqol oo qof waxayna talo ku soo jeediyeen inay dhigi doonaan hadii la weeydiisto gogol ay isugu yeerayaan dhamaan jaalida sade si loo helo hal hogaan o osare oo dhamaanteen aan ku midaysanahay . Marnana ma iloowi karno kulankii taariikhiga ahaa iyo sidii diiranayd ee ay noo soo dhaweeyeen jaaliyad sade ee leicester iyo Qadadii macaaneed ee ay nagu soo dhaweeyeen.
Guntii iyo gabagabadiina kulankaasu waxa uu ku soo dhamaaday guul iyo in labada dhinacba ay kala faaidaysteen isna dhaafsadeen rayiyo taaba gala waxa uuna midba kan kale ku adkeeyay inuu sii laba laabo dadaalkiisa kana shaqeeyo danta guud iyo masiirka umada soomaaliyeed gaar ahaan beesha jaaliyadu ku abtirsato .
(Fiiro gaara) haliloobin inaad saxiido FREEABDULLE.INFO
Diyaariyey Xasan shiekh maxamud. Madaxa xiriirka guud ee beesha SADE,London. UK.






http://www.gedonet.com/index.php?news=532




