amisom are killing and shelling the poor civilians of muqdisho all in the name of a fake peacekeeping mission..since when did it became peacekeeping to massacre civilians..and the worst of all is no one seems to care about how this heartless merceneries are killing and destroying the somali people..where are all the so called patriotic hardcore somali nationalists..why are they silent about this,,
Jimco, 1 January 2010 (HOL)- Inta la xaqiijiyay 7 ruux ayaa geeriyootay, 14 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaartay kaddib markii ay maanta gelinkii dambe ay duqeyn ka dhacday magaalada Muqdisho.
Duqeynta oo inta badan ay geysteen Ciidamada Amisom ayaa waxay timid kaddib markii ay kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ay madaafiic ku tuureen fariisimada ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Goobaha ay dadka ku dhinteen kuna dhaawacmeen ayaa waxay intooda badan ka tirsan yihiin Degmooyinka Hodan iyo Dayniile, kuwaasi oo ay ku dhaceen madaafiic aad u faro badan oo ka soo dhacayay dhinaca fariisimada Ciidamada Amisom.
Waxaa dhici karta in khasaaraha uu inta hadda soo baxday ka badan yahay, hayeeshee wixii warar ah ee ku soo kordha duqeynta ka dhacday magaalada Muqdisho waxaad kula socon doontaan wararkeena dambe haddii alle idmo.





