Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby Babygirl- » Sun Jan 10, 2010 7:33 pm

Reer -Isaaq Ogadeen keliya..

Dhulos naa are not all reer Hawd!!


after the ogaadeen armed themselves like the habaryoonis who were armed by the british, they've unleashed a fury and blitskrieged their way thru the habaryoonis. masaakiintu suffered many consecutive bad defeats and were pushed back for miles and miles, that a fellow ciidagale poet said this to the defeated habaryoonis:


a fellow ciidagale poet said this to the defeated habaryoonis:

waayadanba habaryonisbaa, wahabku saarnaaye
wadaaddada halkii lagu diliyo, Eegi waraqeeda
wareegada hadday ugu qalaan, waadhidii Xananley
oon sida dabaylaha wacdiga, weerarku is dhaafin
ay Waaxley mariyaan colkii, webiga jiidhaayey

markalena wuxuu yidhi isla abwaankii ciidagale:

siday caawa habaryoonis tahay, diidyay ciidagale ee
Last edited by Babygirl- on Sun Jan 10, 2010 7:39 pm, edited 1 time in total.

User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby Babygirl- » Sun Jan 10, 2010 7:38 pm

Dagaalkii Dhurwaale ee Reer Isaaq (Ogaadeen) iyo Ciidagale (Isaaq) ku hardameen hase yeeshee guushu ku raacday Reer Isaaq ayuu Qawdhan Ducaale gabaygan ka tiriyey. Wuxuu gabayga ugu calaacalyaa uguna dano-sheeganayaa Isaaq intiisa kale oo uu ku leeyahay Ciida Gale jabyee birmad si deg deg ah noola soo gaadha. Allaha u raxmee wuxuu yidhi:

Waayadanba Dhuu baan xidhay oo, dheg uma noolayne

Anuunbaa dhabriiraye ragii, waa dhalasho raacaaye

Maan gabay dharaarta iyo dayaxa, dhayda ka cadeeyo



Abtirsiimo lama dhumiyee, dhamacda maan oogo

Maan dhamaan Isaaq kula dhex dhaco, waa dhambaal culuse

Dhalinyarada Reer Nuux col, waa looga dhaar maraye



Dhaxal eego mooyee ma laha, dhiiranaan ficile

Haduu dhirranaa Reer Shirdoon, naga dhawaafeeye

Ina Buux haduu nagu dhawyahay, naguma dhawreene



Dhamalqaylo nimanka u dhashayiyo, dhirif Makaahiile

Reer Samatar waa dhacan yahay, oo dhiigse laga waaye

Waxa dhaboolaqa lagu teediyaa, dhiisha ceebta ahe



Dhuxdhuxlaynta Reer Fiqi Cigaal, haygu dhiriyeene

Goortay dhafoorada jabshaan, haw dhiseene aqale

Dhabbaan ku hadlayaa Reer Baniin, dhididi maayaane



Waadhidii dhextaal iyo bankii, Dhedibba loo diidye

Meeshiyo dhallaannimo col baan, Dhuungalaw xigaye

Dhakhsaan uga gigilanoo anagaa, dhiifin cadawgaase



Arab wuxu ku dhaantaynayaa, dhaawaca nagu yaalle

Dhacamuhuba ways tiiriyaan, dhawrta celiyaaye

Dhiigii Dammuun buu Sammane, soo dhufanayaane



Idinkuba dharaartii Ballaadh, waydun dheregteene

Waataydun dheeraadka iyo, dhicirta layseene

Dhanka Bari haddaannaan degeyn, maydun dhaqateene

Maantana miduun ugu dhaqsada, dhibiya ehelkeede



Habar Yoonis dhudaheeda badan, waysu dhawnahaye

Nin walaalkii soo dhinac degoo, dhiirran baan ahaye

Isaxaaqna dheeraadku waa, xeerki noo dhacaye



Ugaadh Cumar dhawaaqaan u diray, dhoobey warankiiye

Muuse Cabadalli dheen fadhiyey, waa kan dhiidhiyaye

Dhirta Maydhisaar meesha iyo, dhinaca Buhoodle



Dhar casti Laan-Mullaaxiyo raggaan, dhawrayaa imane

Kol haddii dhawaaqa iyo dilkiyo, dhagartu weynaato

Oo ficilku dhegahooda galo, way ka dhididaane



Kama dhawrsadaan abid hadii, uu dagaal dhaco'e

Dhiigyacabbadii Habar-Jeclaa, dhaanka soo rarane

Dhulbuteeye waan galin hadaan, dhiman Xigaalkay'e



Eray kalana waa Ciidagale, midaan ku dheereeyey

Sheekh Yuusuf waa laga dhabqay, ee dhab u siyaareeya

Culimada wankii dhaban leh iyo, dhebi-cadkaw sooca

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby The_Emperior5 » Sun Jan 10, 2010 7:42 pm

Reer -Isaaq Ogadeen keliya..

Dhulos naa are not all reer Hawd!!




a fellow ciidagale poet said this to the defeated habaryoonis:

waayadanba habaryonisbaa, wahabku saarnaaye
wadaaddada halkii lagu diliyo, Eegi waraqeeda
wareegada hadday ugu qalaan, waadhidii Xananley
oon sida dabaylaha wacdiga, weerarku is dhaafin
ay Waaxley mariyaan colkii, webiga jiidhaayey

markalena wuxuu yidhi isla abwaankii ciidagale:

siday caawa habaryoonis tahay, diidyay ciidagale ee

babygirl is putting up abdi gahayrs gabay funny shit :lol:
na cabdi gahayr na ya ku baray
it was a gubabo what happened marki danbe marku gabayga tiriye this happened
H.y xirsi cismaan have borders with Reer cabdulle reer warfa While the the rest of the garxajis have borders witht he reer isaaq . intana wa Maxammad suber.

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby The_Emperior5 » Sun Jan 10, 2010 7:43 pm

Babygirl soodiga na la galay dagaaladi dhurwaale. Hada guba ayaanu joognay Guba ma ku adkaysan kari weyday :lol: Dhuurwale na guulihi laga soo hoowya ma taqana Ragii ku dhintay ma taqana?

User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby Babygirl- » Sun Jan 10, 2010 7:44 pm

Emperiors Family being molested by Ogadeen on another front. lool

Wuxuu gabaygan abwaanku tiriyey mar uu joogay Nairobi oo loo soo sheegay in dagaal dhex maray laba qoys oo midna Ogaadeen yahay midna Isaaq yahay kadibna kii Isaaq laga adkaaday geel badana laga dhacay. Isagoo qoyskii Isaaq oo ahaa Sacad Muuse, ceebinaya canaanayana ayuu yidhi:

Waa lagu dhintaa geel ninkii, dhaqo yidhaahdow e
Waa dheeman iyo luul ku jira, dhib iyo aafaade
Dhayal iyo ciyaar laguma helo, dhuug iyo aar laaye

Iyadoo xeryaha looga dhigay, qaydka dhinaciisa
Oo ay markaas wada dhashood, dhaan la furey moodo
Dhufaankeeda iyo aarankoo, dharabka loolaaye
Kolkuu dheelmo kibirkii durduro, dhagac ka soo siiyey
Ee uu baarqabkii dhalay nirgaha, dhaafi kari waayey
Dhal jaceyl daraadii markuu, dhuunta galinaayey
Dhan u heegga laafyaha markuu, dhabal u qaadaayey
Dhego loo sameeyiyo tawaad, dhuxul la moodaayo
Kolkay dhibidu labadiisa qaar, dhaantay midabkiisa
Oo doobtii lama dhawrsanine, galowga dhiilleeyey
Ee uu micida dhumacaysatiyo, dhoosha ka ciseeyey
Dhirifka iyo cadhadii kolkuu, dhiraha laynaayey
Waa dhidibka geelee markuu, dhab u shaxeexaayey

Dhengadaha kolkii dhabiga maran, dhawda laga saarey
Dhoobigii Ogaadeen kolkuu, dhaanto dabo qaaday
Ay ololka dhacadiidisay baad, dhicin lahaydeene
Dharcastii magaalo iyo dilaal, dhuuntay baa wadaye

Haddii Habar-Xabuush laga dhaciyo, dheegga Habar-Yoonis
Ama dhalantidii Ciidagale, lama dhaqaajeene
Dhiigyacabyadii baan lahayn, dhagartu saarreyde
Dhurwaagaa lafaha boobay laa, bil iyo dheeraade
Hadday dhuunbirkoodii sitaan, Arab ma dhaafteene
Dhammaan Ciise-Muuse yaan nin ogi, sii dhexmariyeene
Dhiirida Ayuub kama tagteen, sidigta dhaameele

Idinkaa markii laydin dhacay, soo dhanbuuqsadaye
Abidkiinba dhoomaha Isaaq, dheg uma noolayne
Dhankaad naga xigtaan yey wadnaha, dhooli mood tahaye
Dhalool yahay xaggiinaa warxumi, nooga soo dhacaye
Hadduun baydin dhaar xoog leh, iyo dhiirri barateene
Irbad dhuub ma galisaan afkuna, waydin dheer yahaye.

Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby Queen_Arawello » Sun Jan 10, 2010 7:46 pm

:lol: :lol: :lol: :lol: Babygirl so ma ogid my sub-clan of reer isaaq alone gave the entire Garxahis good ass-whooping.


a fellow Garxajis poet (ciidagale ) said this to the habaryoonis when they were defeated by Reer Isaaq:

waayadanba habaryonisbaa, wahabku saarnaaye
wadaaddada halkii lagu diliyo, Eegi waraqeeda
wareegada hadday ugu qalaan, waadhidii Xananley
oon sida dabaylaha wacdiga, weerarku is dhaafin
ay Waaxley mariyaan colkii, webiga jiidhaayey

markalena wuxuu yidhi isla abwaankii ciidagale:

siday caawa habaryoonis tahay, diidyay ciidagale ee.


:lol: :lol:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby The_Emperior5 » Sun Jan 10, 2010 7:47 pm

This what happened marki danbe after gabaygi guubaabe la tiriye Ciidagalle soo rogaal celi

Warka xalayto sida roob Gudgude raradu noo keentay
Ee Taarka nagu soo riday ee noo rafaqay uunku
Ma runbaa Cismaanaw adduun raasamaal malehe

Rigta Boodhley raarida Burcada rabadintii Tuurta
Iyadoo sidii Raybad shiray Rigo la hoos joogo
Oo ay ratiga qoodha iyo rimaydu laacayso

Rubboo fool ah Raaxoo dhashay iyo rogoblihii goolka
Qaalimaha ragaadkii qarsaday ee raanta kala jeexay
Ayadoo markaa laga rawaxay Raari xeradeeda

Aroortaas sidii raashininkii raray Ogaadeene
Carabtaba risiqa doonayahaa loogu soo rogaye
Taayaduna waa Raydab iyo ramadka maandeeqe

Sida faradka nagu raatibaan ugu rafaadnaaye
Rucle oradka mariqii markay Radi ku laafyootay
Ee reer Mataanow lahayd rimay la qaadaayay

Rabi waaxida loo cuskaday iyo Rasuulkiiye
Wax rasaasta loo jiidhay waa ololkii Raaxayse

DanWadaago kama raagin shalay raacdadii Bile'e
Maantana riyii soo hadhay ribix u laayeene
Kolkii horoba waa kii ruqsaday raatubtii boqore

Ina Jaamacii reebi jiray raxan miyuu la'yahay
Aafartaas waa reedhi niman loo rakaabsadaye
Sidii raage layguma qabtee rubuc kalaan baanay

Ragbaa yidhi riddada Ciidagale ruuxna dili mayso
Ragbaa yidhi rogaaliyo coliyo raacda kuma laabna
Ragbaa yidhi sidii loo riqriqay raran miyay oogi

Ragbaa yidhi ramaaskii Afmeer reer la furi maayo
Rawaxii dharyaha Tuurta iyo Rabadinkii qoolka
Raqda taal rabaallada qudhmayee rer la furi waayey

Iyo meydka Roosa u dhacay ee rayski laga yaacay
Idinkaa rafiiq iyo ahaa raalliyoo kale'e
Reer Nuuxba wuu naga naxaye waad riqriqateene

Waataad rugaha Fiqi Cigaal ramash lahaydeene
Lafta Raaran reer Samataraw ruuga madaxeeda


Afartaasi waa reedhi niman loo rakaabasadaye
sidii Raage layguma qabtee rubuc kalaan baanay

Xarboow faanku waa ribo denbi leh runina waa taase
Rayid waxad ka yaacdeen markii laysku riiqsadayo'e
Waligii ragi ways dili jiray ee riximki dheeraaday
Sawtii u reer DhagoYariyo ruux Midgo ah sheegtay

Ramaas iyo marbaa geedcadeey rudhiba waydaane
Ratigiina waa noo diyaar raadka hayn jiraye
Rabbasaw ballana guutadii reedhiga ahayde
Raanbuusi maad noqon Jigjiga rubucyo loo miiso

User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby Babygirl- » Sun Jan 10, 2010 7:47 pm

Geelii Indha-Badane iyo jabkii Ogaadeen u gaystay Isaaq iyo gabaygii Maxamuud Cali Beenaleey ee digashada iyo goodiska ahaa oo wada socda ayaa loo geeyay Cabdi Gahaydh. Isagoo haddaba Isaaqu ka filayo inuu dhiiri-galiyo oo uu dagaalansiiyo ayuu tiriyey gabaygan calaacalka iyo marag-furka isagu jira. Gabaygu wuu dheeraa intan unbaanse hadda ka haynaa. Wuxuu yidhi

Dhiilaabayey xalay miyaan, dhagidi soo booday

Ma dhabeyti dhawr baan hurdada, dhinacyaduu diiday

Gogoshii la ii dhigay miyaan, dhan isu weydaarshay

Sidii qalanjo dhaawacan miyaan, dhiraha laynaayey

Sidii naag ninkeedii dhintoo reer, ka dhaxal meertay

Ma dhulkaan shan baac qoday, Cabdow dhalasho waa yaabe



Ma dheg xumada Kiinguna maqlaa, dhibaya jiidhkayga

Dhanuu jiraba Daarood miyaa, dhool ku wada faanay

Dhabayaciyo Reer Dalal miyaa, dhaanto laga keenay =majerten and marexaan enjoying what ibrahiim did to idoor

Ma raggaanu dhaxirka u xidhnaa, dhudi ku geeraarey

Ma dhawaaqa Cali soo diraa, waliba dheerada

Waa taynu dhaabaha lahayn, labada dhoomoode

Lama dhaco anaga reerkayaga, sida dhukaameede

Ama geelu seymuu u dhashaye, dhaqashadii daaya

Ama dhiciya sida reer tolkay, dhudi ma meerteene

Ama dhoofa waad taad sidii, dhalo nugleydeene

User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby Babygirl- » Sun Jan 10, 2010 7:50 pm

Queen I know, Cagdheer baa Madaxa laga saray. :up: :lol: :lol: :lol:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby The_Emperior5 » Sun Jan 10, 2010 7:53 pm

Emperiors Family being molested by Ogadeen on another front. lool

Wuxuu gabaygan abwaanku tiriyey mar uu joogay Nairobi oo loo soo sheegay in dagaal dhex maray laba qoys oo midna Ogaadeen yahay midna Isaaq yahay kadibna kii Isaaq laga adkaaday geel badana laga dhacay. Isagoo qoyskii Isaaq oo ahaa Sacad Muuse, ceebinaya canaanayana ayuu yidhi:

Waa lagu dhintaa geel ninkii, dhaqo yidhaahdow e
Waa dheeman iyo luul ku jira, dhib iyo aafaade
Dhayal iyo ciyaar laguma helo, dhuug iyo aar laaye

Iyadoo xeryaha looga dhigay, qaydka dhinaciisa
Oo ay markaas wada dhashood, dhaan la furey moodo
Dhufaankeeda iyo aarankoo, dharabka loolaaye
Kolkuu dheelmo kibirkii durduro, dhagac ka soo siiyey
Ee uu baarqabkii dhalay nirgaha, dhaafi kari waayey
Dhal jaceyl daraadii markuu, dhuunta galinaayey
Dhan u heegga laafyaha markuu, dhabal u qaadaayey
Dhego loo sameeyiyo tawaad, dhuxul la moodaayo
Kolkay dhibidu labadiisa qaar, dhaantay midabkiisa
Oo doobtii lama dhawrsanine, galowga dhiilleeyey
Ee uu micida dhumacaysatiyo, dhoosha ka ciseeyey
Dhirifka iyo cadhadii kolkuu, dhiraha laynaayey
Waa dhidibka geelee markuu, dhab u shaxeexaayey

Dhengadaha kolkii dhabiga maran, dhawda laga saarey
Dhoobigii Ogaadeen kolkuu, dhaanto dabo qaaday
Ay ololka dhacadiidisay baad, dhicin lahaydeene
Dharcastii magaalo iyo dilaal, dhuuntay baa wadaye

Haddii Habar-Xabuush laga dhaciyo, dheegga Habar-Yoonis
Ama dhalantidii Ciidagale, lama dhaqaajeene
Dhiigyacabyadii baan lahayn, dhagartu saarreyde
Dhurwaagaa lafaha boobay laa, bil iyo dheeraade
Hadday dhuunbirkoodii sitaan, Arab ma dhaafteene
Dhammaan Ciise-Muuse yaan nin ogi, sii dhexmariyeene
Dhiirida Ayuub kama tagteen, sidigta dhaameele

Idinkaa markii laydin dhacay, soo dhanbuuqsadaye
Abidkiinba dhoomaha Isaaq, dheg uma noolayne
Dhankaad naga xigtaan yey wadnaha, dhooli mood tahaye
Dhalool yahay xaggiinaa warxumi, nooga soo dhacaye
Hadduun baydin dhaar xoog leh, iyo dhiirri barateene
Irbad dhuub ma galisaan afkuna, waydin dheer yahaye.


aahahha the famouse indha badane. geela indha badane geeli fara badane ba ka horeye and ina nuur fadal inadeeekri buu dhiri galinaye :up:

babygirl is smart she goes from guba all the way to dhurwaale. then she returns to indha badane babygirl lets focus on Dhulbahante bal hada. ileen taasa muhim eh ah
This what history will remmeber


this concering babygirl. :lol:

45. Heegaale kama qayliseen hoga kaliileede heegale reer hagar ba dagaan jiray
46. Goortaan hadhkaba kaa eryaad hawd u cararteene
47. Waa kaa hubkii sida raggii wada hareednaaye

48. Habarwaana waa kaa hingilan labadii haamoode
49. Shirsooruhuba hoy maleh kuwaad hilib wadaagtaane
50. Waa kaa hayaankii ku dhacay Hoobayiyo xeebe
51. Ararsame ma haybsado nugaal hogashadii ceele

52. Hanas iyo abaar kulu adoo habaqle soo guurey
53. Caynaba hadhuub kama dartaan hoga kaliileede
54. Ka hulleele Hagar aadankii hoobalayn jiraye
55. Aduunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye

56. Afartaa ha'da intaan ka deyey hilin ma qaadsiiyey
57. Caawana hiyiba waa hiyi ee hadal kalaan baanay

58. Habar Yoonis waataa hantiday haradi ciideede
59. Iminkay hundiyo reer fureen harawidii faafe
60. intay hootadii garab dhigeen himidhna loo geeye

61. Ku hinjiye colkay humin jireen caliyo haaruune
62. Wax Ammaadin webigaw hirdiyey harabku waa khoofe
63. Huurkii shabeelluu galee hure banaaankiiye

64. Huubhuubsigii lagu idlee hurinti Jeeraare
65. Nimankiihawada weyn lahaa haatan lagu leefye
66. Ka hidiidnay hodankii barqiyo hibadi ceel Fuude

67. Hayruufka Dalal bawga dhiman hegerbi Daaroode
68. Maantana hablaha loo dhisay ku hamranaayaane
69. Haydaaro cadaw looma tudho heermay boqontiiye

70. Ma hanbayne Dunidii hantiye taniyo Hiiraane
71. Aduunbaa hinaayiyo u jilan haawis iyo ceebe
72. Haadaa qabiiliga Isaaq hibo ilaah siiye

73. Aniguna halkaad degi jirtaan ka hawisaayaaye
74. Hadba waxa ku soo gocan sidaan kuu harraatiyaye
75. Hibashada xun waa lagu yaqaan Habar Xabusheede :lol:

gabaygan till the day of today laga ma soo jawaabin amazing

Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby Queen_Arawello » Sun Jan 10, 2010 7:58 pm

:lol: :lol: Babygirl Caagdher baanu la dagaalamay bey ku faanan when infact the garxajis has never met the entire OG family such as cawlyahan-abudwaaq-cabdalle that settle in NFD and Jubaland.The whole of H.Y were fighting against small jilibs of Makaahil and Reer Isaaq, the Abrahim of Makaahil and Reer Cali of Reer Isaaq, not even Reer Haroun was involved yet they managed to keep the maggots at bay Qiiq baan labada dhagood ka sii daaysan .


Chec this out a small jilib called Abrahaim of Makaahil also made them surrender :lol: :lol:

Abraahiin iyo waxaa dagaalamay Habar Yoonis. Abraahiin ayaa ku gacansareeyey dirirtaa oo nimankii Isaaq libtii iyo qalabadii ka qaatay. Abraahiin dagaalku wuxuu ku ahaa kali oo iyagoo goloyo ah oo xataa Makaahiilka kale uusan ka ag dhawayn ayey, sida la wariyey, Habar Yoonis dharbaaxo xun ku dhufteen.
Maxamed Cumar ayaa warkii la gaadhsiiyey oo looga xogwaramay baqihii, diiftii iyo darxumuadii goobtii dagaalka ka dhacday. Gabaygan hoose ayuu dabadeed tiriyey isagoo Abraahiin ku boggaadinaya siday iyagoo kaligood ah uga adkaadeen Habar Yoonis, guusha tolkii usoo hoyatay ku dhaadanaya, Daarood dhammaantiina warka dagaalkaa gaadhsiinaya.

Rag hadaad dakano kala qabtaan, dil iyo qaad gaadhay
Waa lagu digtaa maalintay, xagashu daacdaaye
doollo iyo warkii Bari, waan ku diirsaday e
Waataan dabaaldagay markay, soo dawariyeen e
Farxad baan la duubnaa intuu, kheyrku soo dagaye
Iidoor duliga gaadhay waa, roob gu’u oo da’aye
La durduuray doog iyo siddii, daribta caanoode
Daarood Ismaaciil na waa, u doogsin galabeede
Afartaa digtaan odhan jiriyo digashadaydii dheh
Rag baa gabayga deelqaafiyee digasho wayeel dheh
Darib iyo dibaax iyo amaan diiran oo kulul dheh
Malab dibnaha gaadhiyo waxaan badanku diidayn dheh
Deeqii Ilaahay iyo raxmaad da’ay masaalkii dheh
Diin iyo quraan waxaan ahayn, hal ugu duug roon dheh
Damiin hadalka waa lagu dacshee, kaygu waa dahab dheh

Tixdaa daayey oo waan dabraye, dood kalaan celine

Gaaskii la soo dumay colkii, duman ka soo duulay

Dabka guutadii loo shidee, waayo lagu daalay

Dirka Sugule Caynaanshe Dalab, duuda Habar Yoonis

Dunji Habar Magaadlaba colkuu, soo diyaar gariyey

Wareegada haddii lagu dilay, halable daanteeda

Goortuu ducaystee la yidhi, daawo aan u yeelo

Rag ilaalo loo diray haddii, dibada loo saaray

Dal yaqaan la aaminay haddii, dowga lagu joojay

Degmo gibin ah beel dagan hadday, dooyaddii aragtay

Dib salaan hadday ugu cesheen, hadal la doonaayey

Dagdagsiinyo loo qabay haddii, duhur la yaanseeyay

Duqaydiyo ninkii culus haddii, laga dawaareeyay

Cirkoo dadan habaynkoo dam yidhi, curashadii deyrta

Duul nabad usoo galay hadduu, caddow dul gowriiray

Dildilaaca waaberi haddii, weerar lagu daacshay

Oo laga dareersaday wareeg, dagalkii loo ooday

Darbigii iyo Idiin iyo hadday, Daawad ololaysay

Waa darajadeedee haddii, dumarku booyaayey

Dun carbeed la mood yeey cilaan, rag isu dayn waaye

Dab ayeey yaa lahaayeey markii, daawo laga yeeshay

Dabka qiiqa waxaa loo dhax galay, ololkii Dooyeyse

Ogaadeenku wuu durugsanaa, daayinkuu yahaye

Dalka kama dhawayn reer Subeer, laysku dilayaaye

Makaahiilna uma duul dhanayn, doodankii shalay e

Danwadaage iyo reer Cabdaa, dayro ku ahaaye

Dango lama amaanee Xirsoow, dirir Abraahiine

Nasab bay ka doorteen inay, dib uga laabtaane

Daliilkiyo waxaa loo cuskaday, diinta xoogga lehe

Dunbuqiyo markii laysku riday, danane dhowr qaad ah

Waa tay dulaameen kuwii, dabada aasnaaye

Nimankii adhxaha daacsanaa, damac ku beenoowye

Waa tuu waraabuhu dibxaday, daribtii Iidoor e

Dibjiraha dhurwaagii ahaa, Diiqa ka ibaadye

Dugaagii cunaan ugu jeclaa, dowladdii bahale

Danbaa marisay deyr oodan iyo, xagarkii Doolood e

Dariiqii qorraa iyo arliga, looga dacareeye

Habar Yoonis Hawd inay degaan, uma daymoodaane

Bari uma dabjeedaan haddii, dayr xumaad dhaca e

Dabra kale inay soo ceshaan, diiday rubadiiye

Ku didsade duleedada raggii, daadsanaa shalay e

Ku dareersha furihii Danood, dilla horweynkeeda

Ha durduriso deerooy kobtii, doogu uu u yiilay

Iidoorku inuu soo didshaa, loo dan lee yahaye

Dalka gaamay doolada baxdaye, dili ka dheeraatay

Haradaan diraacdiyo gudhaynin, duraha jiilaalka

Mar haddaan la daan daaninayn, dacarta doogeeda

Oo dabin iyo laguu rogay, digadii Oodweyne
Dubaax weeye geeridu haddaan, damug nidhaahnaaye

Alleelahay bagaa laysu dilay, Daahiroow sabanka

Xidid loo daryeeliyo bagaa, darajo loo waayey

Dagaal aan qarsoonayn bagaa, loogu kala duugay
Bagaa Dir iyo Daaroodba, qiiqu uga duulay

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby The_Emperior5 » Sun Jan 10, 2010 8:04 pm

queen wa qabiliste weyn gabayga reer isaaqa uun bay soo qaadata.
Maxammad cumar dage a reer isaaq aya gabaygiisa so qaadatay Cilmi raage maxa ku diiday . maxa ku diiday ragi reer cabdulle inad gabaygooda daliilsatiid :lol: :lol:

User avatar
abdalla11
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8228
Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby abdalla11 » Sun Jan 10, 2010 8:06 pm

Silsalada Guba waxay ceeb u tahay IIdoorka.
Marki u billbay cali dhuux 'doqonkii ogadeen daano laga qaadyay...." Idoorka joogay ba cabaadey oo yidhi ' caliyow waan ku barinay ee naga dhaaf' markaas buu ku xiray shuruudh oo uu yidhi 'waan dhaafayaa lakiin yaan dadka maqlin hadii kala waan dhameestiraayaa gabaygaan''. Iddor waxay la cabaadeen baqdin darteed, maysa rabin in lagu diro OG's

User avatar
Twisted_Logic
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Fri Aug 31, 2007 4:09 pm
Location: Speaking up against Somalinet's tolerance for Al Qaida Loyalists

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby Twisted_Logic » Sun Jan 10, 2010 8:08 pm

I didn't know cabudwaq was an ogadeen subclan :lol:

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Hawiye Iyo Isaaq Are Aids To Somalia

Postby Goljano Lion » Sun Jan 10, 2010 8:10 pm

Qaxootigii jebertiga calaacal iyo fadhi ku diri baa ka soo hadhay........kii jebertiga yaa habaaray :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Isseayaanle and 32 guests