Waxaa degmada Doolow Soomaaliya looga dhawaaqay guddi loogu magac daray Guddiga Dib u xoreynta Gobolada Koonfur Galbeed kuwaasi oo lasheegay in ay u ka shaqeynayaan qaabkii looga xureyn lahaa deegaanno badan Ururka Alshabaab iyo Xisbul Islam.
Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasina kusugan Doolow ayaa waxa uu sheegay in guddigani ay kudhawaaqeen kadib markii ay isla arkeen dhibaatooyinka badan ee dadka kunool Gobolada Koonfur galbeed ay sii kordheyso.
Guddigani ka kooban 14-ka xubnood ayaa Maxamuud Sayid Aadan waxa uu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo xureyn lahaa Gobolada kala ah Bay, Bakool, Jubbada Hoose, Jubbada dhexe, Gedo iyo Sh/hoose.
Guddigani ayaa u hawlgeli doona qorsheyaasha dib u xoreynta iyaga oo qorsheyn doona weeraro iyo hab kasta oo looga saari karo kooxda Alshabaab Goboladaasi guud ahaantiisa.
Guddigani ayaanan la ogeyn waxa ay kusoo kordhin doonaan iyadoo Gobolada ay sheegayaan in ay doonayaan in ay xureeyaan guud ahaantii ay heystaan Ururka Alshabaab iyo Xisbul Islam, hayeeshee waxaa looga fadhiyaa maalmahani waxa ay soo kordhin doonaan.




