DHAGEEYSIGII OGAADEENYA EE PAARLAMAANKA YURUB OO GUUL KU DHAMAADAY
Brussels 16.03.2010
Shirkii inta badan la sugayay ee ku saabsanaa dhageeysiga xasuuqa dowlada itoobiya ka wado Ogaadeenya ayaa maanta ka dhacay xarunta Paarlamaanka Midowga Yurub (PMY) ee magaalada Brussels ee dalka Belgium. Dhageeysiga oo aay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada Ogaadeenya ee OYL ayaa waxaa ka qeeyb galay ururada aan dowliga aheeyn ee Ogaden Rights Monitor iyo Ogaden communities and civil society Association.
Dhageeysigan ayaa waxaa daadahinayay haweeneeyda xubinka muhiimka ka ah PMY ee Anna Gomes oo uu dhinac fadhiyay xoghayaha guud ee (UNPO) ururka caalamiga ah ee u olaleeya umadaha dulman ee aan doowladaha lahayn. Marwo Gomes ayaa khudbad cajiib ah oo aay goobta ka jeedisay ku sheegtay in itoobiya tahay dowlad masuuliyad daran oo aan lagu aamini karin umada soomaalida Ogaadeenya loona baahan yahay in umadaa laga badbaadiyo gumaadka taliska itoobiya deegaankaa ka wado. Ana Gomes ayaa carabka ku dhufatay in mar aay la kulantay dhiibyacabka itoobiya kalana hadashay dhibaatada Ogaadeenya uu ku jawaabay in dan iyo xaajo uusan ka lahayn dadka reer Ogaadeenya. Hadalkan ayeey ku tilmaamtay in uu muujinayo sida itoobiya uga go’an tahay baabi’inta iyo ku tumashada xuquuqda shacbiga Ogadeenya laakiinse beey tiri in uusan socon doonin qorshaha guracan itoobiya gobalkaa ka wado sababtoo ah caalamka oo idil ayaa ku baraarugay baaxada dhibaatada halkaa ka taagan.
Anna Gomes ayaa ku tilmaamtay kaalmada dhaqaale ee Midowga Yurub siiyo itoobiya in eey la mid tahay ka qeeyb qaadashada xasuuqa ciidamada itoobiya mandiqadaa ka wadaan uguna baaqday xilibaanada dhigeeda ee PMY dib uga fiirsadaan lana joojiyo lana hor is taago in wax kaalmo ah nooceey doontaba ha ahaatee la siiyo regime aan waxba xeerin. Gomes ayaa goobta ka muujisay taageerida shuruud la’aanta ah oo aay u heeyso in umada dulman ee Soomaalida Ogaadeenya si walbaba laga samato bixiyo dhibaatooyinka ula kaca ah ee loo geeysanayo aadna ula dhacday marqaatiyada marag ma doontada ah ee laga hayo gabood falada itoobiya u geeysaneeyso shacbiga xabsiga dusha ka furan ku jira.
Xoghayaha guud ee Ururka caalamiga ah ee matala umadaha aan doowladaha lahayn Mr. Marino Busdachin oo isna hadal jeediyay ayaa xusay in danbiyada dagaal ee Ogaadeenya laga galay la horgeeyo maxkamada danbiyada dagaal ee Heeg. Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa cadaayey in umadaa oo loo ogolaado in aay aayaheeda ka tashato tahay xalka kaliya ee dabka geeska Afrika ka hurayo lagu damin karo. Dhageeysigan oo si heer sare ah u dhacay shalay kana soo qeeyb galeen heeyado gaar ah si toos iyo si dadbanba saameeyn uga leh Ogaadeenya ayaanan halkan lagu soo koobi karin. Arintan oo noqoneeysa mid taariikhda gashay ayaa miro dhalkeeda la filayaa waqtiyada dhow ee soo socda.
Mudane Abdikarim Yonis oo ka socday ururada aan dowliga aheyn ee Ogaadeenya iyo Mudane C/llaahi Maxamed oo ka socday ururka isha ku haya tacadiyada xuquuqda aadanaha ee loo yaqaano African Rights Monitor ayaa iyagana goobtaa warbixino maqal iyo muuqaal ah ka soo jeediyay. Waxaa sidoo kale goobta xaadir ku ahaa ergooyin ka kala socday jaaliyada Ogaadeenya ee wadamada Holland, UK, Norway iyo Switzerland.
Ogadentoday.com. Ogadentoday oogu imow Warar, Faalooyin Iyo Warbaxino Xaqiiq ah oo Madax Banaan.
Brussels/Belgium
Ana Gomes hosts EU hearing on Ogaden, Ethiopia crisis
Published 03/17/2010 - 7:20 a.m. GMT Human Rights and Security in Ogaden: European Parliament
Film screening (excerpts):
Silent Cry
Ms. Ana-Maria Gomes, MEP
Mr. Marino Busdachin, UNPO
Mr. Abdullahi Mohamed, African Rights Monitor
Ms. Xasan Ruqiyo, Ogaden Communities & Civil Society Association
The hearing, whose topic is “Human Rights and Security Situation in Ogaden,” will be opened by Ms Ana Gomes MEP, who is chairing the event, and Mr. Marino Busdachin, General Secretary of UNPO. Mr. Abdullahi Mohamed, from African Rights Monitor, and Ms. Xasan Ruqiyo from the Ogaden Communities & Civil Society Association will be speaking on behalf of Ogaden.
There will also excerpts from a film, Silent Cry, a grassroots documentary produced by British students, reporting the lives of Somali refugees from Ogaden. These stories were discovered accidentally when the students, visiting Nairobi on vacation, met Omar, a taxi driver who shared with them his personal tragic story. The students then went to the Ifo Refugee Camp, in Northern Kenya, where they interviewed several refugees, including victims of rape and torture.
Ogaden is a region in eastern Ethiopia with a majority population of Somalis. The Ethiopian government has waged a long-term war against the Ogaden, suppressing the region and its people. Years of neglect and war have left Ogaden in a state of turmoil, and human rights abuses by the Ethiopian government are commonplace. There is limited infrastructure, and due to Ethiopia’s corrupted federal structure, no political power on the part of the people of Ogaden to develop the area.
The hearing is sponsored by Ms Ana Gomes, MEP from the Progressive Alliance of Socialists and Democrats (http://www.socialistsanddemocrats.eu) of the European Parliament in collaboration with the Unrepresented Nations and Peoples Organization






