kooxda Shabaab oo saaka la baxay Lafihii Macalin Maxamed Biyamaalow.
Thursday 25 March 2010 10:21 AM
...
Maleeshiyada kooxda Al shabab ayaa maalintii sadexaad Qabriyo qodid ka wada Magaalada Muqdisho ayagoo saakana bilaabay in ay la baxaan lafihii Macalin Maxamed Biyamaaloow.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka bilaabay in ay burburiyaan Qabrigii Macalin Maxamed Biyamaaloow oo ku yaalay Degmada Howlwadaag waxaana la xaqiijiyay in ay la baxeen Lafihii sheekha isla markaana ay jawaan ku qaateen iyadoo aan la ogeeyn halka ay u qaateen sida ay Radio muqdisho u sheegeen dadka deegaanka.
Maleeshiyadan oo afafka soo duubtay ayaa waxaa ay xireen dhamaan waddooyinka soo gala Masjidkaasi iyagoona dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo socodkii gaadiidkaba hakiyay, si ay u fuliyaan falalka guracan oo ay ku caanbaxeen maleeshiyada kooxda Al shabab oo maalmihii la soo dhaafay magaalada ka waday olole qabriyo qodid ah.
Labadii maalmood ee aynu ka soo gudubnay ayaa kooxdaasi waxa ay ku dhaqaaqeen falal ay ku qodayaan Qabriyada ay muddo dheer ku aasnaayeen qaar ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee halganka dheer u soo galay fidinta Diinta Islaamka.
Hore ayaa kooxdani waxa ay soo u qodeen dhamaan Qabuurihii ay ku aasnaayeen Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku yaalay Gobolada Bay iyo Bakool iyo jubooyinka,waxana Ummada Soomaaliyeed ay muujinayaan sida ay uga xunyihiin falalka ay ku dhaqaaqeen kooxdan kuwaas oo ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalida.
waa Sawiradii Qabriga Sheekh Muxudiin Celi,burburinti kadib.
Saudis started this bad behavior by destroying graves of ahlulbayt members and some sahaba,but even they dont dare to demolish masjidul nabi and digg out the skeleton of the prophet pbuh!





