Habar Yoonis meel baa lagu ogaa oo ay ka tirsanayd mabda’eedii bay haysataa wax hudheel qaadona maah Written by Qaran news
Apr 05, 2010 at 06:59 AM
Guddoomiyaha Arrimaha Gudaha Guurtida, Xil. Axmed Muuse Obsiiye :
“Habar Yoonis Meel Baa Lagu Ogaa Oo Ay Ka Tirsanayd Mabda’eedii Bay Haysataa, Hudheelna Ma Qaado, Wasiirada Guclaynayaana Xaaladda Iyo Buunbuuninta Ha Joojiyaan”
Hargeysa, (Qaran news) - Gudoomiyaha guddida arrimaha gudaha ee golaha guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ka mid ah xildhibaanda golaha guurtida ugu jira beesha galbeedka Burco ayaa cambaarayn ujeediyay talaabadii ay ardayda jaamacadaha beelaha habar yoonis eek u biiray Jimcihii xisbiga Kulmiye ay ku sheegeen magaca beeshaasi, oo uu ku tilmaamay inay xor u ahaayeen halka ay ku biirayaan, balse ay qadaf ahayd adeegsiga magaca beeshu, isagoo intaa ku daray, in beelaha habar yoonis aqlabiyadooda lagu ogaa xisbiga Udub, islamarkaana aanay jirin talo ay beeshu ku go’aansatay in Udub laga baxo Kulmiye-na lagu biro.
Waxa kale oo uu xildhibaan Obsiiye uga digay xubnaha golaha wasiirada kaga jira beelaha HABAR Yoonis inaanay buunbuunin shirarka khuseeya beelahooda, isagoo dhinaca kalena axsaabta siyaasada si weyn ugu dhaliilay inaanay bulshada kusoo biiraysa loolan siyaasadeed uga dhigan magacyada beelaha ay kasoo jeedaan.
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, oo wargeyska Haatuf xalay khadka tifoonka xogwaraysi aanu kula yeelanay aragtidiisa ku wajahan xafladii Jimcihii loo qabtay ardayda jaamacadaha ee kasoo jeeda beesha habar yoonis.
Xildhibaan Obsiiye oo ka hadlaya arrinkaasna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “magaca beesha habar yoonis in loo adeegsado axsaabta ku biiristeeda waa kalmad xaaraana, waanan cambaaraynayaa, mabada’ guud ee beesha habar yoonis-na waa meel oo ujeedo ayay leedahay danta beesha iyo ujeeda shaqsiguna waa kala gaar ismana dabooli karaan, sidaa darteeda qolada magaca beesha habar yoonis sheegatay waxaan leeyahay ama jaamacad ka yimaada ama meel kale ka yimaada oo afkaarta aad doontaan aaminsanaada, balse magaca beesha ha u adeegsanina siyaasad, magaca guud ee beesha waxa ku hadli kara ciday u igmatay waanan cambaaraynayaa cid kastoo magaca adeegsata.
Beesha habar yoonisna maaha shinni kolba meeshay doonto iskaga guurta beeshu waa mid dhaqan taariikh soo jireena leh oo talo iyo mabada’ guud leh sidaa darteed xisbigay doonaan ha ku biiraane qofku isagaa u xor ah laakiinse waa meel kadhaca sheegashada magaca beelaha in axsaabta siyaasadu dhiiri galiyaan, adeegsiga magaca beeluhuna waa xadgudub, beesha habar yoonis-na wax hudheel qaado way ka weyn tahay talo ay iskugu timid oo halkee aynu u guurnana ma jirto”.
S : Waxa lagu sheegay in ololaha dhalinyarada ee beesha ee jaamacadaha wax ka bartay ay ku jihaysan tahay xubnaha Golaha Wasiirada kaga jira iyo siyaasiyiinta Kulmiye oo ay ku loolamayaan kalsoonida beesha siddii ay u kala kasban lahaayeen, arrimahaa maxaad ka leedahay?
J :labadoodaa midkoodna kalsoonida beesha ma heli karo, qofku haduu is yidhaahdo adigu tuurta ku qaado oo wax ha kuu goyso, waa wax aan suuro gal noqon Karin, qofka aqoontiisa, kartidiisa, wadaniyadiisa, waxaasaa wax gooya laakiin tuurtaan magac beeleed ku qaadanayaa si aan wax ugu helo wax siyaasada dibada ka ah ayaan u arkaa.
S : beesha Habaryoonis waxay taageero weyn siin jirtay UDUB sida doorashadii Madaxtooyada dalka ka dhacday, waxana lagu tilmaamaa oo qaar ka mid ah beeshu ay ku tilmaami jireen, Rayaale dhabta libaaxa ayuu ku hurdaa, intan dambena waxay mucaaridku sheegeen in beeshu Kulmiye u soo janjeedhsatay,arrimahaasi ma wax baa iska bedelay?
J : horta maalintii dhoweyto ee Jimcihii, hogaan dhaqameedkii, xildhibaanadii, odayaashii, midkoodna may joogin xafladaasi loo qabtay dhalinyarada, beeluhuna talo hayeen hogaamisa ayay leeyihiin, Habaryoonis-na aqlabiyadeeda meel baa lagu ogaa, Vote maanta dhacayna muu jirin, ninkii iskaga tagayoow adigay ku jirtaa laakiin Habaryoonis baa halkaa ka tagtay oo halkaa ku biirtay anigu ma ogi, beeshuna mabda’eedii hore ayay joogtaa.
S : halka lagu ogaa beesha Habaryoonis ee aad sheegaysaa waa halkee?
J : majooratiga Habaryoonis UDUB buu ahaa, iyadaana markii hore Madaxweynaha soo saartay, markii dambena dhab libaax sheeganaysay, iyadoo maanta majooratigii shacbiga Somaliland ay UDUB ku soo qulqulayaan inay maanta dadka daba maraan kumaan wadin laakiinse ninka KULMIYE iyo xisbiyo kale joogaa ha qabo kalsoonidiisa balse beesha magaceeda yuu sheeganin.
S : xubnaha Golaha Wasiirada beesha ayaa lagu eedeeyaa inay iyagu mashruuc ka dhigataan arrimaha beesha, arrinkaasi maxaa ka jira?
J : wasiirada waxad moodaa inay had iyo jeer xarakaad ka dhigtaan beesha oo marka ay maqlaan meel baa shir lagu qabanayaa ay gucleeyaan oo ay u yaacaan, beeshuna xilka umay dhiibane Madaxweynaha ayaa magacaabay, beesha magaceeda ayay ku joogaan iyagu hawlaha yimaada buunbuuninta ha ka ilaaliyaan, waxad moodaa inay iyagu buunbuuninayaane.
S : waxa la sheegay in dhalinyaradan ku biirtay Kulmiye, ay wasiirada beeshu la shireen balse ay qancin kari waayeen, arrinkaasi maxaad ka ogtahay?
J : way la shireen baa la igu yidhi laakiinse waxay ka wada hadleen xaqiiqdii ma hayo.
S : waxa la sheegay in xubnaha wasiirada ay su’aal ka weydiiyeen balanqaadyo hore oo xukuumaddu u sameysay beesha xiligii doorashada oo aanay waxba ka fulin, wasiiraduna jawaab shaafi ah ka siin waayeen?
J : Somaliland wax badan ayaa ka qabyo ah balan qaadyo aan suuro gelina way jiraan, haddii wasiiraada arrinkeeda wax laga weydiiyana waxay ahayd inay jawaab shaafi ah ka siiyaan in la suuro gelinayo, qofna lama odhan karo xisbigaa ma geli kartid ee qofku isagaa u xor ah halkuu afkaartiisa ku tagayo.
S : waxa la sheegayaa in beeshu ka soo horjeedo wasiirada Maaliyada iyo Hawlaha Guud, taas darteedna ay xukuumadda culays ku saarayeen, arrinkaa maxaa ka jira?
J : horta waxay la mid yihiin wasiirada kale, kamana karti badna kamana yaraa, wasiirkana madaxweyne ayaa magacaabay oo xilka u dhiibay, waa maamul ee hawlaha beesha looma diran, wasiirkuna ileen shaqo beeleed ma hayee umadun buu u hayaa haddaanu wax siyaasado ah keenin madaxweynuhu ha eryo xaqba looguma laha.
S : siyaasiga Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo Kulmiye ka tirsan ayaa lagu tilmaamaa in xubnaha beesha ugu jira xukuumadda uu kaga guuleystay kalsoonida iyo taageerada beesha, aqlabiyadeediina u jiheeyay Kulmiye. Arrintaa maxaad ka odhan lahayd?
J : run bay tagi doontaa maalinta ay doorashadu dhacayso ee codka la bixinayo ayuunbay xaaladu kala cadaan doontaa, siyaasi isagu meel dantiisa moodayna maslaxada beesha kama sii turjumi karo, xisbiyadana loogama baahna in bulshada ay qabyaalad kaga dhex ololeeyaan, waa inay barnaamij siyaasadeed ku kala kasbadaan laakiin reer hebeloow iyo tolaayeey mabda’a siyaasadeed maaha.
Haatuf



