Arabku wa geesiyoo
Arab few years back
hadhwanaag 2006-07-04 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Dagaal Culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac xad-dhaafa ayaa saaka ka qarxay aaga deegaanka YOOCAALE ee Ethiopia, gaar ahaana meesha la yidhaahdo goraya-cawl.Dagaalkaas oo ay isaga horyimaadeen Beel ka mida beelaha deegaanka Somaliland Arab( Subeer-celi) ee fadhiisinkeedu yahay deegaanka Yoocaale iyo jabhada Ogaadeeniya ONLF.
Dagaalkan ayaa ka danbeeyey kadib markii ay beesha Arab( Subeer-celi) ay todobaadkii aan soo dhaafnay ay ka dileen laba qof jabhada ONLF, oo ay kaga aargoosanayeen laba nin oo ay hore gardara cadaana ay kaga dileen oo lagu heshiin , Inkastoo labada dhinac ay waan-waan lagu dhex dhexaadinayey ay ka wadeen Salaadiin iyo cuqaal, hadana may noqon mid lagu guulaystay oo ay ku kala furdaamiyaan ciidamada labada dhinac ee is hor fadhiyey mudada aad ka u badnayd.
Sida ay tibaxayaan wararka naga soo gaadhayaa Degmada Bali-gubadle ee kala qeybisa Somaliland iyo Ethiopia Inay dagaalka saaka ka soo cusboonaaday aaga Yoocaale ee aaga Goraya-cawl uu sababay dhimasho iyo dhaawac xad dhaafa, ka dib markii ay jabhada ONLF ay dagaal gaadmo ah ku soo qaadeen beeshi ay xurguftu ka dhaxeysay Arab(Subeer-celi) oo ay dileen in ku dhow 9 qof, in ka badana sideed qofna ay kaga dhaawaceen.
Dhinaca kale sida ay sheegayaan warar aan lagu kalsoonayn oo naga soo gaadhaya DHAX-BUUR inay jabhada ONLF ay kaga dhinteen dagaalkaasi in ku dhow 9 qof iyo dhaawac aan tiradooda la qiyaasi Karin.
Waxa caawa magaalada Hargeysa la soo gaadhsiinayaa dhaawac iska soo daba dhacaaya oo lagu soo guraayo cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, Si kastaba ha ahaatee dagaalka ka soo cusboonaaday Deegaanka yoocaale ayaa u muuqda mid dhaxalsiindoona dadka ay dirirtu u dhaxeyso, colaad reebta xiiq-dheer oo aan asal guurin.
Dagaalka u dhaxeeye beesha Arab (Subeer celi) iyo jabhada ONLF ayaa si adag looga dareemay caasimada hargeysa, waxaana la sheegayaa inay Baabuur gurmadii ay ku sii qul-qulayaan deegaanka colaadu ka aloosantay.
Boqolaal qof ayaa ku sugan xeerada kubada cagta oo ah meesha ay ka baxayaan Baabuurta Gurmadku, ehelada reerkaa ay colaadu ka dhaxeyso jabhada ONLF ayaa caawa taag-taagan oo ay hurdo ka fogtahay.
Wixii intaa ka soo kordha kala socda shabakada Hadhwanaag oo wakhti wakhi idiinla socodsiindoona
Weriye, Mustafe-janaale
Reporter hadhwanaag/hargeysa
E-mail,
janaale94@yahoo.com