Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Gudoomiye Cirro oo sheegay inu san mardanbe isi'so sharaxayn

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Contact:

Gudoomiye Cirro oo sheegay inu san mardanbe isi'so sharaxayn

Postby Bohol iyo karaman » Fri May 07, 2010 4:46 am

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo sheegay in aanu isu-soo-taagayn Doorashada Golaha Wakiilada
May 6th, 2010

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), ayaa ka warbixiyay muddada xilka ee u hadhay Golahooda, habka loo soo dooran karo Guurtida iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Golayaasha Qaranka. Waxaanu sheegay in aanu mar kale isu-soo taagayn xubinimada Golaha Wakiilada.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo shalay waraysi siiyay Telefishanka HCTV, waxa uu sheegay in marka uu dhammaado mudda xil-haynta ee Golahoodu, isla markaana laysla qaato qabashada Doorashada Mudanayaasha Wakiilada aanu isu-soo taagi doonin Doorashadaas ee uu ka hadhayo, kana baxayo xubinimada Golahaas.

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu sheegay in Xukuumaddu aanay sidii uu Sharcigu dhigayay ula shaqayn Golahooda.

Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa wuxuu u dhacay sidan;

S: Ugu horrayn Guddoomiye warbixin naga sii Golaha Wakiilada iyo hawl-qabadkiisa?

J: Golahani waa golihii u horreeyay ee la soo doortay 2005 dhammaadkeedii, sanadkiisii u dambeeyay ayuu ku jiraa, doorkiisa ugu muhiimsani waxa weeye in uu Xeerar sameeyo, taana inuu buuxiyay ayaan qabaa..isaga oo aan ka helin doorkii wada-shaqayneed ee Xukuumadda. Waxaan qabaa in waxyaabo badan oo Shacbigu ka filayay aanu qaban oo dhaliilo badan shacabku u hayo, laakiin waxaan qabaa in uu dedaalay intii itaalkiisa ah. Arrinku wuxuu taagan yahay, xeerarkii la sameeyay ma ku dhaqanaa, sababtoo ah ku-dhaqanka ayaa Xeerka ka dhiga Xeer, waxaana arrintaas iska leh fulinta, waxaanad mooddaa in aanay taasi hirgelin.

S: Wada shaqaynta ka dhaxaysa saddexda Waaxood ee Qaranka Somaliland ee Fulinta, Xeer-dejinta iyo Garsoorka iyo sidoo kale madax-bannaanida waax kastaa waa sidee?

J: Dastuurku wuxuu tilmaamayaa in saddexda waaxood ee Qaranku kala madax-bannaan yihiin, isla markaana wuxuu farayaa in ay kala madax-bannaanaadaan. Waxaad mooddaa in Xukuumaddu saamayn badan ku leedahay ama doorkii ay lahaayeen ay maroorsatay Xukuumaddu. Laakiin, mar kasta waxay ku xidhan tahay waxa markaa taagan iyo duruufta markaa jirta. Waxaanu ku dedaalnay in la hagaajiyo wada-shaqaynta Golayaasha Qaranka, waanay jirtaa wada-shaqayntu, laakiin waxaad mooddaa in ay ka hor yimaadaan carqalado mararka qaar soo baxayaa. Anagu ma odhan karno Golaha Wakiiladu dhaliil ma laha, laakiin waxaanu qabnaa in aanu nahay in Golaha ugu badan ee doonaya in wada-shaqayntu ahaato sidii loogu talo-galay..Waxaanu qabnaa in wixii qaranku u dhutinayo ay tahay in layska arko.

S: Sidee ayay saddexda waaxoog wada-jir ugu gudan karaan xilka saaran iyo hawlaha qaranak?

J: Sidaa ay waaxyaha qaranku u kala qeexan yihiin, ayuu Distoorkuna u qeexayaa waajibaadkooda. Xeerarka oo dejintooda ay saaran tahay Golaha Wakiilada, fulinteeda waxa leh Xukuumadda. Sharciyada aanu samayno 98% waxa soo curiya Xukuumadda, anaguna waanu ka doodnaa, Golaha Guurtiduna wuu ka doodaa wixii aan ahayn Maaliyadda iyo dhaqaalaha waxa ku saabsan oo Golahani gaar u leeyahay. Dastuurku wuxuu gaar u siinnayaa Guurtida arrimaha nabadgelyada, Diinta iyo Dhaqanka, Xukuumaddana hawl-maalmeedkii Qaranka ayaa laga rabaa iyo fulinta wixii Golahan ka soo baxa.

S: Idinka ka-Gole ahaan goormay ku egtahay dhammaadka muddadii laydin doortay, maxayse tahay dhammaadka muddadiina qorshaha idiinka meel yaalaa?

J: Golahan waxa la dhaariyay 29 November 2005, markaa waqtigaas ayay leeyihiin sharciyan, waxaynu ka war qabnaa in Doorashadii Madaxtooyada oo ahayd 2008 aanay qabsoomin, in Doorashadii Deegaanka oo ay ahayd in ay 2007 qabsoonto aanay qabsoomin. Golaha Wakiiladu waxay diyaar u yihiin wakhti kasta oo Qaranku diyaar u yahay in Doorashooda la qabto oo ay Guddida Doorashadu u muddeeyaan doorashadaas.

S: Haddaan doorashada Golaha Wakiiladu qabsoomin oo ay muddadaa qabsoomi waydo, Goluhu muxuu ku sii joogayaa, sharciyaddiisuna maxay noqonaysaa?

J: Si cad ayay Dastuurka ugu qeexan tahay, waxa uu tilmaamayaa Golaha Wakiiladu xilka wuu sii haynayaa ilaa Golaha kale la soo dooranayo, markaa waxay ila tahay in marka lagu dhawaaqo wakhtiga Doorashada waajib bay ku tahay Golahi in uu diyaar-garoobo oo xilku waa meertee ciddii soo bedeli lahayd fursaddaa la siiyo muwaadiniinta kale.

S: Arrintaasi ma waxay u dhadhamaysaa in aydaan muddo-kordhin u baahnayn?

J: Waxaan filayaa haddii inta wakhtigu aanu soo dhawaanin ka hor laga hadlo, waana daw, in haddii sidaa Dastuurka ay ugu caddahay loo daynayana loo daayo, haddii Qaranka ama Golayaasha xeer-dejintu isku waafaqaan in arrintaa laga doodo oo laga soo saaro Go’aano sharci.

S: Kulan gaar ah oo aad dhawaan ku yeelateen Maansoor Hutel ee Hargeysa waxa lagu tilmaamaa in aad kaga hadlayseen arrinta Doorashada, arrintaa faahfaahin ma naga siin kartaa?

J: Runtii arrintaasi mawduuca ugu muhiimsan ee halkaa Mudanayaashu kaga wada hadleen muu ahayn arrintaas, arrimo kale oo shaqada Golaha ku saabsan ayay u badnaayeen. Waxaase laysku waafaqsan yahay in wakhti kasta oo Guddida Doorashada dalku diyaar u yahay in la qabto ay qabsoomayso Doorashadu.

S: Haddiiba ay Doorashada Golaha Wakiiladu timaaddo, Xeerkee lagu soo dooranayaa?

J: Doorashadii Golaha Wakiiladu waxay ku salaysnayd lix Gobol, waxaad ka war qabtaan in Gobollo cusub uu Madaxweynuhu sameeyay, welina Golaha looma soo gudbin in la ansixiyo Gobolladii iyo Degmooyinkii la bixiyay, maadaama ay Doorashadaasi ku salaysan tahay Gobollo, waxay u baahan tahay in Qaranku go’aan ka gaadho Gobolladan cusubi ma jiraan, mise ma jiraan. Markaa waxaan qabaa in Xukuumadda waajib ku tahay in Golaha u soo gudbiso sharciyaynta Gobolladaas iyo Degmooyinkaas cusub, Qarankuna ka doodo Kuraasta. Sababta ama mushkiladdii u waynayd ee Doorashadii dib ugu dhacdayna waxay ahayd sidee loo qaybinayaa Kuraasida Gobollada. Markaa si taasi u sahlanaato, waxa Xukuumadda laga sugayaa in ay Golaha u soo gudbiso Gobolladaas, waxaanan qabaa in sharcigu aanu wakhti badan qaadanayn, waayo kii horeba (Xeerkii lagu galay Doorashadii Wakiilada ee hore) waxa dhici karta in waxyar uun laga bedelo.

S: Dhinaca kale, Golayaashii Deegaanka oo wakhti hore muddadoodu dhammaatay maxay tahay sharciyadda ay ku fadhiyaan?

J: Dee, horta sababta Dalku dib ugu dhacay waa Doorashooyinkaas, sababta ugu muhiimsanna waxay ahayd Diiwaangelin oo Xeerka Qaranku waajibinayay in la qabto Doorasho kasta horteed. Markaa waxay ila tahay arrintaa waa laga dooday, markii horena waxay ahayd in laysku daro Doorashada Madaxtooyada iyo ta Golaha Deegaanka, laakiin waa la kala reebay, waxaanan qabaa uun wakhtigoodii wuu dhammaaday ee waxa Qaranka ku waajib ah in marka ugu horraysa ee ay suurtagalayso in la qabto Doorasho.

S: Golaha Guurtida Guurtida laf ahaantiisa muddadii way ka sii dhammaanaysaa, haddii ay muddadu ka dhamaato muxuu ku sii joogayaa, maxaase dib loogu soo dooranayaa sharciyan?

J: Golaha Guurtida weli lama dooran, mar baanu xeer samaynay 2006 oo aanu ugu talo-galnay in toos loo soo doorto Golaha Guurtida, taasi ma hirgelin waxaana ka hor yimi Guurtida laftiisa iyo Xukuumadda, welina arrinkaas qaab-dhismeedka loo dooranayo haddii kaa hore la diiday, waxa weeye in mid kale la curiyo oo laba mid uun loo soo doorto, ama sida Golaha Wakiilada loo soo doorto, haddii talo kale jirtana in la eego ayuu u baahan yahay. Laakiin, wuxuu la mid noqon doonaa bay ila tahay ka Golaha Wakiilada, waxaana lagu soo dooran doonaa si laysku waafaqsan yahay oo laga heshiiyay. Waxaanan qabaa in ilaa Gole kale la samaynayo uu sii joogi doono (Guurtidu) ileen bannaanaan maayo’e.

S: Hore waxa Golayaasha qaarkood uga horjeesteen muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, imikana waxaad mooddaa in Golayaashii Qaranka muddadoodii ku sii durkayso muddo-kordhin, markaa muddo-kordhintu markee ayay waxyeello tahay, markeese ayay waxtar tahay?

J: Runtii waa laga yaabaa inay doorashadaa dib u dhacday saamayn ku yeelato saddexda Gole Qaran, laakiin waxaan qabaa in intaasi Somaliland ahaan waayo-aragnimo inoo noqoto. Waxaan qabaa in Doorashooyinka waxa laysku dari karo laysku daro, sida Caalamkana la cayimo wakhtiga ay dhacayso Doorashada oo la yidhaahdo Doorashada Baarlamaanku maalintaas ayay dhacaysaa (In la sameeyo muddo cayiman oo ay tahay in aanay Doorashada qabashadeedu dhaafin wakhti kasta), Markaa looma baahna in muddo dambe la sameeyo oo Komishanka laga sameeyo. Waxaanann qabaa in muddo-kordhintu aanay danta Umadda ahayn oo aynu ka faa’iidaysano waayo-aragnimadeena, khaladaadkii horena aynu saxno, isla markaana Komishanku maalmo cayiman u qabto Doorashada isaga oo la tashanaya Qaranka.

S: Xaaladda siyaasadeed ee Somaliland saamayn intee le’eg ayay ku yeelan kartaa muddo-xileedka Golayaasha Qaranka?

J: Kuwii hore u dhacsanaa iyo kuwa kaleba haddii ay isa soo gaadhaan, horta umad ictiraaf sugaysa ayaynu nahay, doorashaduna waa waxa kaliya ee lagu qiimeeyo umadaha, markaa waxaan ku celinayaa in kuwaa (Golayaashaa) wakhtigoodu hore u dhacay iyo kuwaa uu hadda dhacayaba aynu siyaasad ka dhigano marka ugu horraysa ee doorashadu qabsoomayso la qabto, iyada oo aan loo raadinaynin cudur-daar.

S: Guddoomiye ahaan, sideed u aragtaa Komishanka Doorashooyinka iyo hawlahooda shaqo?

J: Waxaan qabaa inay aad u shaqaynayaan oo ay isku xidhan yihiin, waxyaabaha aan ku arkay ee aanan Somaliland ku arag waxa ka mid ah, maalin dhawayd waxaan la hadlay mid ka mid ah afartii galabnimo ee maalin dhawayd, waxaanu ii sheegay in ay shaqaynayaan wakhtigaa, sidii ay u soo galeen subixii. Soomaliland laba saacadood shaqee waa laga la’yahay. Markaa inaynu dhaqankaa Komishanka ka barano ayaa wanaagsan, waan ku boorinayaa, waxaanan u arkaa niman dedaalaya.

S: Sanadkan 2010 imisa Doorasho ayaa aragtidaada ka dhici kara Somaliland?

J: Waxaan isleeyahay Doorashada Madaxtooyadu way dhacaysaa, wixii kale ee aynu ku dari karnana, inkasta oo ay adag tahay dedaal la sameeyo mooyaane, laakiin wixii kale ee suurtogeli kara Komishanka ayaynu ka waraysanaynaa.

S: Ma kuu muuqataa in ay Doorashada Madaxtooyadu qabsoomayso bishan June ee la iclaamiyay?

J: Shakhsiyan markaan qiimeeyo shaqada socota hadda sida ay u wadaan Komishanku, waxaan ku qanacsanahay in ay fulin karaan hawshaas, sababtoo ah waxaynu ognahay in ay Kaadhadhkii yimaadeen oo qaybintooda ay sheegeen in ay laba toddobaad qaadanayso. Markaa waxa dhiman oo kaliya ayaan filayaa in lagu dhawaaqo Doorashada maalinta la gelayo iyo Ololaha.

S: Xisbiyada Qaranka xog-ogaal baad u tahay, xisbigana waad ka soo jeedaa, markaa aragtidaada Xisbigee ayaad isleedahay Dimuqraadiyadda wuu ugu dhaw-dhaw yahay?

J: Su’aashaas anigu Guddoomiye ahaan xilka aan u hayaa umadda waa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, waxaan jeclahay in aan ku soo koobo oo kaliya in Dimuqraadiyadda Somaliland ku hirgeshay nidaamka xisbiyada badan, waxaanan aaminsanahay in ay dhammaantood dedaalayaan.

S: Waxaad tahay guddoomiyihii Golaha intii uu jiray, maxaad isleedahay waa lagugu doortay ee aad ku kasbatay xilkan?

J: Horta, waan u mahad-naqayaa shacabka iyo Mudanayaasha Golaha Wakiilada, waxay mudanayaashu igu sharfeen in aan Guddoomiye u noqdo, muddadii xilka aan hayayna waxaan ka mid ahaa mudanayaasha aan ka daalayn in ay xilka ay umadda u hayaan ay sidooda u fuliyaan. Waxaan isleeyahay waxyaabihii layga baahnaa in aananu wada buuxin rejadii umadda, laakiin waxaan qabaa in aanu Umadda u nahay Golihii u horreeyay ee ay soo doorteen..Taasi rejo badan inay umada siisay ayaanu qabnaa iyo in aanu weli kor u hayno rejadii umadda. Shaqsiyan umadda waan ugu maha-dnaqayaa taas, laakiin iima qorshaysna in aan mar dambe u tartamo xilka Golaha Wakiilada iyo Guurtida toona, waxaanan ogolahay in aan u banneeyo Umadda. Sababtoo ah, waxa jira umad aqoon badan oo karti badan, waxaanan jeclahay in aanu banneeyo fursadaas.

S: Maxaa kugu kallifay in aad ka tanaasusho in aanad mar kale isu-taagin Doorashada Golaha Wakiilada?

J: Markii hore waxaan ku talo-galay in aan Golaha joogo, laakiin haddii la sii baadho, waxaa ka mid ah in aan jeclahay in aan tabaruc ugu shaqeeyo umadda, shantii sannana way buuxsantay, waxaanan jeclahay in aan xilkii umadda u soo celiyo.

S: Taa macnaheedu ma tahay in aad gebi ahaanba ka baxayso Siyaasaddii?

J: Ma jecli in aan siyaasadda ka baxo, laakiin xilkan Wakiilnimada ama mudanenimada ayaan jeclahay in aan ka baxo, waxaanan jeclahay hawlaha kale ee Qaranka oo Xisbigaygu ugu horreyo dib ugu noqdo.

S: Mudanayaasha kale ee Golaha kaala tirsan intee jecel in ay kugu weheliso go’aankaas?

J: Waxa jirta in mudaayaal ila qabaa ay jiraan, mudanayaal jecel in ay sii joogaanna ay jiraan, waan ugu hambalyaynayaa labadaba.

S: Ma laga yaabaa haddii Doorashada Wakiiladu qabsoonto in Mudane kastaa uu iska soo sharaxo Xisbi aan ahayn kii uu berigii hore ka soo baxay?

J: Waa suurtogal in mid iyo laba la helo, siyaasaddana waa u suurtogal mudane Xisbigiisaii ka tegay, mid kalena tagay, halkaana uu u arko in hankiisa siyaasadeeed ay ugu muhiimsanatay.

S: Maxaad u jeedinaysaa Umadda ee aad intaa ku daraysaa?

J: Kelmadda dardaaranka ahi waxa weeye, Somaliland waxaynu diyaar u nahay in aynu galno Doorasho, waxaan kula dardaarmayaa in Doorashadaas sidii laynooga bartay doorashooyinkii hore aynu hab nabadgelyo ah oo Dimuqraadi ah ku galo, Shacabkana waxan leeyahay xaq baad u leedihiinn in aad doorataann ciddaad doontaan, balse aad nabadglyada ilaalisaan.

Xigasho: Wargeyska Ogaal

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 14 guests