Wafti ka socda golaha wasiirada somaliland oo ka soo jeeda gobolka Sool oo gaadhay Laascaanood.
Warkii 16-May-2010 iyo Qormadii: news
Wafti wasiiro oo ka tirsan golaha wasiirada somaliland ayaa xalay fiidnimadii soo gaadhay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool waftiga ayaa degmada oog waxaa kaga hortagay gudoomiyaha gobolka sool Faarax askar Xuseen isaga oo u soo galbiyay dhinaca magaalada iyadoo markii ay soo gaadheen Tuulada Guumays uu ka baydhay wasiirka Horumarinta Deegaanka Maxamed Hagar Dirir oo u kicitimay dhinaca Degmada Xudun halkaas oo uu soo kormeerayay sida hawlaha kaadh badelku uga socdo.
[youtube]ACCfOnADeF8&feature=player_embedded[/youtube]
Sidoo kalena waftiga wasiirada oo ay ka mid yihiin wasiirka Caafimaad Axmed cali casoowe Wasiiru dawlaha waxbarshada Maxamuud Garaad Maxamed iyo Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta kormeer ku soo maray goobaha ay ka socoto kaadh badelista ee Magaalada laascaanood iyagoo halkaasna shaqaalaha komishinka ka dhagaystay warbixino la xidhiidha sida ay shaqadu uga socoto
Gudoomiyaha Gobolka sool Faarax Askar Xuseen ayaa isna farin u daray shacabka gobolka sool isga oo faray in dadweynuhu qaataan badeshaana kaadhadhkooda si uga qayb galaan doorashada madaxtooyada somaliland ee soo socota
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni ayaa isuga ku dardaaray shacabka in la ilaaliyo nabadgelyad si isku mid ahna looga wada shaqeeyo.
Afnugaal news Desk.
Contact:info@afnugaal.com




