Wasiirka Ciyaaraha SLD Iyo Xildhibaan Baarlamaaka Ah Oo Gaadhay Degmada Dhahar Ee G. Sanaag
Waxa Magaaladda Dhahar ee Gobolka Sanaag caawa fiidkii gaadhay, wafdi wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland oo halkaa ka hawl gali doona qaybinta kaadhadhka cusub iyo sidii dadweynaha loogu wacyi galin lahaa inay qaataan oo si mug leh uga qayb galaan.
Sida uu ku soo warramay weriyaha wargeyska Maalmaha ee gobolka Sanaag C/laahi Xuseen Darwiish oo aanu warkan ka helnay waxa caawa fiidnimadii gaadhey degmada Dhahar ee gobolka Sanaag Wasiirka Dhallinta iyo Cayaaraha Maxamuud Sciid iyo Xil-dhibaan Baar Siciid oo ka tirsan golaha wakiillada.
Xildhibaan-Baar siciid oo weriyuhu khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegtay in socdaalka iyada iyo wasiirka aanay jirin cid kale oo ku wehelisa sidoo kalena sheegtay in socdaalkoodani yahay mid ku salaysan kaadhadhka cusub ee xilligan laga beddelanayo degaankooda balse aanay jirin wax olole kusaabsan xisbi ahaan Udub oo ay xilligan u socdaan.
“Socdaalkayaga marka hore waxannu nimid degaankayagii laakiin wuxu ku salaysan yahay in aannu dadkayaga kala qayb qaadanno wacyigelinta kusaabsan kaadhadhka cusub ee la qaadanayo iyo annaga oo markii horeba kaadhadhkayaga ka qaadannay halkan imminkana ka beddelanayna”. Sidaas waxa tidhi Xildhibaan-Baar oo weriyaha khadka telefoonka ugu warramaysey.
Xildhibaan-Baar oo weriyuhu weydiiyey socdaalkoodani in uu la xidhiidho olole ku waajahan in la doorto xisbigooda Udub ayaa tidhi “Xilligan uma soconno tas waayo lama gaadhin waqtigii axsaabtu ololayn lahaayeen”. Wasiirka cayaaraha ayaa khadka telefoonka awgiis waxa suurto geli weydey in weriyuhu wax xidhiidh ah la sameeyo.
Dhinaca kalena Maayorka degmada Dhahar Cali Kilwe Cismaan ayaa isagana weriyaha oo khadka telefoonka kala xidhiidhay waxna ka weydiiyey guud ahaan xaaladda degmadiisa iyo hawsha beddelashada kaadhadhka cusub ee codbixinta wuxu yidhi
“Guud ahaan xaaladda degmadu xag nabadgelyo iyo xagga roobabkaba waa fiican tahay wax dhibaato ahina kama jiraan hawshii diiwaangelintuna gudaha Dhahar iyo magaalooyinka ku gedaaman ee ay ka mid yihiin Balli-busle Boodda-cad Baraagaha-qol iyo meelaha baadiyaha ah intaba waa ka socotaa”.
Source sanaag.org



