Laasqoray Qow ma Hoos Imandoontaa !!!
June 7, 2010
By Admin
Gobolka Bender Siyaada oo Magaalo madax u noqon doonto Qaw, ayaa waxa hoos iman doona Ceelaayo,Majayahan,Dhalan,Durduri,Cadcado iyo Laasqorey Gobolkan ayaa wuxuu noqonayaa mid ka soo hor mari doona Gobolkii Haylaan oo maalin lagu wada dhawaaqay eeKarkaar oo ah mid ka hirgalay Puntlandta kale.
Dhowaan ayeey ahayd markii Mashruuc caro badan ku abuuray bulshada Reer Sanaag ee ku nool dalka iyo dibadaba kaas oo aha Mashaariic laga hir gelin laha Degaano hoos yimaada Gobolka Sanaag sida laasqorey iyo Ceelaayo,ay Dawlda uu Madaxweyne Faroole Madaxweynaha ka yahay ay ka hor istaagtaan saacadihii u danbeeyey in degaanadaas laga dhiso.
Xaq jir badan oo ku jiray dawlada Puntland intay jirtay iyo qaar badan u ahaa la taliyaal ayaa waxay wateen qorshe ah dhul balaarsi Beeleed iyadoo tijaabadii u horaysay ay noqotay mid u hir gashay,ahna tan ay ku faanaan kuna helaan taageerayaal badan, taas oo ahayd qabsashadii Degaanka Carmo,iyadoo isla markiiba loo soo daad gureeyey dadweyne badan , dawlada Puntlandna si ay u xalaalayso arintan laysaga daba iman doono ay ka furtay mashaariic sida kan lagu tababaro Booliiska si loogu dhiirado in halkaa la soo dego,wax yar ka dibna ay u magcawday Degmo.
Maanta waxa ka socda Qaw maaha mashaariic loogu daneenayo Bulshada Reer Qaw ama Reer Puntland ee waa mid la mid ah tii Carmo oo ahayd u adeega Beel iyaga oo lagu qaraabanayo Magac dawladeed dhulna lagu boobayo iyada oo Degaano jiray kumaakun sano la hoos keeni doona meel maanta la xaarayo. Magaaladan oo dhowaan la keeni doono askar gaaraysa Kun askari ayaa dadka qaarkiis oo ahaa xaq jirka waxay u sahlaysaa Riyadoodii ahayd in ay maalin Majahayn ku tagaan xoog iyaga oo isticmaalaya magac dawladeed.
10kii sano oo Puntland jirtay waa markii u horaysay oo Bulshada Reer Sanaag intooda badani ay ka luntlay kalsoonidii ay u qabeen dawlada Puntland sidaas awgeed mashruuc walba oo aan ahayn mid ku salaysan wada tashi amase ay ku jirto tuhun iyo sad bursi wuxuu keeni karaa cawaaqib xumo iyo kala guur
Ugu danbayntii Degaanadan la hoos keeni doono Gobolka soo socda ee Bender Siyaada ayaa waxa laga sugayaa inay wax ka qabtaan ama ka hadlaan kuwii Bulshada Reer sanaag metelayey oo shalay markii Carmo gacanta ka baxday u raaciyey Faataxda sidoo kale intii puntland jirtayna oo ahayd 10 sano aaan hal mashruuc keenin degaanadooda taas oo laga qaaday canshuur gaaraysa malaayiin doolar iyo kaalmo lagu helay Magacooda



