Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Isusoo-baxa Taageerayaalka Ucid ee Ceerigaabo +SAWIRO

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Isusoo-baxa Taageerayaalka Ucid ee Ceerigaabo +SAWIRO

Postby Siciid85 » Mon Jun 14, 2010 6:08 pm

Ceerigaabo(OWN)- Waxa mar kale maalintoodii afraad Xarunta Xisbiga Ucid gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo horteeda isugu soo baxay taageerayaalka xisbiga Ucid kuwaas oo halkaas kusoo bandhigay Boodhadhka ay ku qoran yihiin halku-dhegyo ka turjumaya taageeradooda xisbigan Sawirrada guddoomiyha xisbigan iyo kuxigeenkiisa iyo weliba calammada iyo calaamdda xisbigan.

Isuso-baxan waxa taageerayaalka kala qayb galay Xubno sar-sare oo xisbigan ah Guurti Dhallinyaro Aqoonyhan. Kuwaas oo isusoo-baxaylka uga mahad celiyey sida diirran ee ay u muujiyeen dareenkooda ku waajahan taageerada xisbiga Ucid. Sidoo kalena halkas ka sheegay hadallo ku waajahan ololaha iyo is-abaabulka looga baahan yahay bulshada taageersan xisbigoodan iyo in ay codkooda ku doortaan guddoomiyaha xisbiga Ucid ahna murashaxa madaxweynennimada Feysal Cali Waraabe iyo kuxigeenkiisa.

“Maanta xisbigan Ucid sedan oo kale ayuu guryihiisa ugu bannaan baxay beertii laysugu tegi jireyna waxa la kala garan waayey dadka isugu sioo baxayey markaa annagu dadkayaga goonni baannu ula soo baxnay”. Sidaas waxa yidhi madaxa ololaha Ucid gobolka Sanaag Ibraahin Cabdi Mataan.

“Siyaasadda iyo barnaamijka xisbigan Ucid waa mid cad oo aad aragteen guddoomiyaha xisbiguna uu saxeexay annaguna xisbi ahaan waxannu idiin ballan qaadaynaa waxyaabaha ku qorani in aannu fulin doonno. Waxad kaloo ogtihiin xisbiga Udub ma laha siyaasad qoran oo cad”. “Waxan idinkula dardaarmayaa dhallinyaroy Udub waa tegaysaaye walaalayaal ha tahriibin codkiinnana Ucid ku doorta”. Sidaas waxa halkaas ka yidhi guddoomiye kuxigeenka guud garabbada dhallinyarada xisbiga Ucid Mubaarik Axmed Saalax.


“Xisbigani waa xisbi nabadeed xisbi dhisme xisbi aan aflagaaddo lahayn maantana waxan xaal ka bixinaynaa hadal maalin dhoweyd nin saaxiibkayo ah oo beerta xorriyadda ka hadlayey ka qarxay”. “Waxan kaloo leeyhay xisbiyada liicay taageerayaalkoodii in ay kusoo biiraan xisbigan Ucid oo codkooda siiyaan madaxweynaheenna mustaqbalka Feysal Cali Waraabe ballanteennuna waa 26-ka June iyo Ucid”. Waxa isaguna hadalladaas yidhi madaxa ololaha gobollada bariga ee xisbiga Ucid Saalax Barre.


Guddoomiyaha Ucid gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur oo ugu danbayn halkaas hadallo kooban kazoo jeediyey ayaa yidhi

“Maanta waa maalin aynu ku ducaysanayno guusha soo ururtay rajadiina waa muuqataa”. Isagoo ka hadlaya xubno maammulka Udub Ceerigaabo oo xalayto xxilalkoodii iska casileyna wuxu yidhi “Waad aragtaan kuwii ugu dardar badnaa ee Udub halkay maanta xaaladdoodii marayso waxa laysku qabtayna waa wax Ucid oo aan cidina taageerani ay ka faraxalatay”. Isagoo intaas kusii daray “Udub dumaasheeda yaa leh?”. Halkaas oo dadweynihii isu soo baxay hal mar kor ugu dhawaaqeen Ucid baa leh.

Intaas kaddibna guddoomiyaha Ucid ee gobolka Sanaag wuxu halkaas kazoo jeediyey duco uu dalka iyo dadkaba u duceeyey.


Oodweynenews.com/Ceerigaabo




Image


Image



Image



Image

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Isusoo-baxa Taageerayaalka Ucid ee Ceerigaabo +SAWIRO

Postby The_Emperior5 » Mon Jun 14, 2010 6:25 pm

Well done very nice for ucid , its seems day after day they are getting stronger we might see big suprises this election.

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Isusoo-baxa Taageerayaalka Ucid ee Ceerigaabo +SAWIRO

Postby Siciid85 » Tue Jun 15, 2010 5:02 am

Indeed. :up: :sland:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 8 guests