Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Postby LiQaaye_TDH » Thu Jun 17, 2010 12:21 pm

Image

Burco (Buraoonline.com) 17.06.10 Cuqaasha, sallaadiinta iyo madaxdhaqameedka Awal Bari, ayaa shir ballaaadhan oo ay saaka k yeesheen hudheelka Barwaawo ee magaalada Burco waxay si buuxda u taageereen go’aan dhawaan ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi oo sheegay inay beeshu isku raacday sidii taageero buuxda loo siin lahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo.

Shirkan ka dhacay magaalada Burco ee lagu taageerayo go’aanka ay hore u soo saareen sallaadiinta Beesha Subeer Awal waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyaha Awal Bari X.Cabdillaahi Maxamed C/raxman, xildhiban Siciid Cilmi rooble iyo Cuqaal ay ka mid yihiin Chief-Caqil Cabdi Maxamed Siciid, Caqil Cabdi Maxamed Cigaal, Caqil Cabdi Siciid Maxamed, Caqil Cumar ibraahin Maxamed, Oday Axmed yasiin, oday Cabdi Cisman, Oday Curaagte Siciid, iyo weliba Guddomiyaha Beesha Cabdalle Cabdule (Cabdalle Qoyan) Saleban Cawil Abokor.


Shirkan waxa lagu taageeray hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Suldaanka Guud ee Subeer Awal suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ee uu ku sheegay in beesha Subeer Awal taageero la garabtaagantahay xisbiga kulmiye, islamarkaana ay u arkaan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE inuu yahay shakhsig qudha ee Somaliland ka saari kara marxallado badan.


Caqil Cabdi Maxamed Cigaal iyo Caqil Cabdi Siciid Maxamed aya iyaguna halkaas ka qiray kana caddeeyey taageerada ay beel ahaan u hayaan xisbiga KULMIYE, waxanay sheegeen Cuqaal ahaan inay u arkaan xisbiga KULMIYE mid waxqabad iyo horumar dalkan iyo dadkan u horseedi karo.

Labada Caaqil waxay ku eedeyeen xisbiga UDUB iyo xukumadda Rayaale mid wadda naxli abuur iyo colaad, waxaanay sheegeen in ballanqaadyo badan oo been ah uu u sameeyey shacabka reer somaliland siiba Gobolka Saaxil ay ku danbeeyeen Been, naxli iyo isku dir.

“Xukuumada iyo xisbigeeda UDUB waa mid wada naxli iyo colaad, waxaanay ku caanbaxeen ballanqaadyo beenoobey, gaar ahaan gobolka Saaxil, UDUB waxay ka shaqaysaa isku dir dadka dhexdooda ah, waxaanu leenahay waxaa iyo wixii ka sii daranba idinku taageeri mayno, idinkana dulqaadanmayno" sida waxa yidhi Caaqil Cabdi Maxamed Cigaal

Caqil Cumar Ibrahin Maxamed iyo Sh.shaakir Bashe C/laahi, oo halkaa ka hadlay, ayaa si kulul u weeraray xisbiga UDUB iyo xukumadda Rayale waxayna labadooduba sheegeen in xisbiga UDUB uu Kaambayn u nqoday soo fadhista iyo ku hal qabsiga maytida, waxaanay sheegeen in hadalkooduba isugu soo ururay in wax ka daba yidhaahdaan Madaxweynihii xaqa ahaa ee Geesiga ahaa Maxamed X.Ibrahain Cigaal.

Caaqil Cumar Ibraain, ayaa xukuumadda ku dhaliilay in qaar ka mid ah wasiirada xukuumadu u tafaxayteen dacaayado isku dir oo ay ku gelinayaan dadka reer Berbera in lagala wareegi doono magaalada haddii ay xisbiga KULMIYE doortaan, taasoo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay caaqilku" WAXANU TAAGERSANAHAY,GARAB TAAGANAHAY,DHIIGANA U SHUBAYNAA MUJAHID AXMED MAXAMED MAXAMUD SIILAANYO" Ayu yidhi Caaqilku

Caaqil Cumar waxa uu si kulul u weerary hadal ka soo yeeshay Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub oo laba todobaad ka hor Burco ka sheegay in geeridii Marxuun Cigaal ay faa’iido ahayd, warkaas oo ay baahisay shebekadda Berberanews.com, ayaa waxa uu yidhi Caaqilku isagoo ka jawaabaya “Inaad maytida nagu soo hadal qaadaan oo aad maah maah ka dhigataan wallahi , billaahiidinka yeeli mayni, idinkana dulqaadanayn, mar walba ma waxaan iska dhego marnaa, maytida aad maahmaahda iyo halqabsiga xun ka dhigateen, dadka naxli iyo kala fogayn ayuunbaa u haysaane waxba dalka iyo dadka umahaysaane Ilaahay ha nakiin dhaafiyo"

Guddomiyaha Awal bari Xaji Cabdilahi aw Maxamed, ayaa sheegay in Danta dalka iyo dadkuba halka ay ku jirtaa tahay xisbiga kulmiye, wuxuuna sheegay in xukuumaddani caadadeedu noqotay qabyaaladda oo ah waxa ugu xun ee dalalka jarka ahi ku halaagmeen, wuxu sheegay in xusbiga kulmiye noqon doono kii qabyaaladda tirtiri lahaa.

Xildhiban Cali Mareexan ayaa isna munasibadda ka sheegay in marxuum cigaal iyo Axmed Siilaanyo ay saddex iskaga mid yihiin, Siilanyo iyo Rayaalena ay saddex ku kala duwan yihiin , isagoo ku sheegay saddexda cigaal iyo siilanyo iskaga midka yihiin waayo aragnimada, halganka, Nabadaynta ama nabad jacaylka, saddexda ay ku kala duwanyihiin Madaxweyne Rayaale iyo Siilaanyona yihii Ballanta sida fudud uu u galo madaxweyne Rayaale ee aanu fulin, hawlkarnimo la’aan oo uu ku sheegay in aanu madaxweynuhu waddankisaba war ka hayn kana soo degin daarta uu saaranyahay, isago Siilanyo ku sheegay masuul xafiiskiisa aan ka maqnaan jirin 8-da subaxnimo.

Qodobka saddexaad waxa uu ku sheegay musuqmaasuq badan oo madaxweyne isaguna uu 5 sano ahaa Guddiga dhaqaalaha ee barlamaanka, wuxu sheegay in Axmed siilaanyo aanu musuqmaasuqas shaqo ku lahayn.

Dr.cabdi aw Daahir ayaa isna halkaas uga hambalyeyey dhammaan ba cuqaasha iyo odayaasha Subeer Awal, waxaanuu dhammaanba shacabka ku booriyey in hadalada dicifika ah ee xukumadda rayaale aan dheg loodhigin, waxaanu ku sifeeyey masuuliyiin aan ku hadlayn wax nin weynu ku hadlo.

Ugu danbaynti waxa Beesha Awal Bari cuqaashoodu shirkan saaka ku caddaysay inay si rasmiya madaxa iyo mijoba taagersanyihiin lana barbartaaganyihin taakulayn axmed siilaanyo, waxana munaasibadda sidoo kale fadhiyey dhalinyarta awal bari oo dhan.

Dhinaca xisbiga Kulmiye waxa shirkaas goobjoog uga ahaa Xildhibaan Cali mareexaan, Mujahid Maxamed Kaahib, Dr.Cabdi aw Daahir, Xildhiban Sicid Cilmi rooble, iyo weliba xubno ka tirsan Golaha fulinta ee xisbiga kulmiye.

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Postby SahanGalbeed » Thu Jun 17, 2010 2:34 pm

Aadan ciisaha dhacar budhuq jooga e maddaxweyna ku xiigeenka waddanka tageeradooda siiyay, miyaaney habar awal ahayn ?
Kuwa Wajaale mama Arabsiyo degan e UCID xagga dareenka siyaasadeed ku darsaday , miyaaney habar Awal ahayn?
War bal baadilkan halkan ka socda daya .
Ilaahow nimankan iyo beentooda inaga qabo!{haddan runta u sheego iminka la igu wada cabaadii doona , xaraan weeye waxanoo kale}

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Postby hargaysaay » Thu Jun 17, 2010 3:48 pm

Aadan ciisaha dhacar budhuq jooga e maddaxweyna ku xiigeenka waddanka tageeradooda siiyay, miyaaney habar awal ahayn ?
Kuwa Wajaale mama Arabsiyo degan e UCID xagga dareenka siyaasadeed ku darsaday , miyaaney habar Awal ahayn?
War bal baadilkan halkan ka socda daya .
Ilaahow nimankan iyo beentooda inaga qabo!{haddan runta u sheego iminka la igu wada cabaadii doona , xaraan weeye waxanoo kale}

excatly :up: :up:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Postby The_Emperior5 » Thu Jun 17, 2010 3:52 pm

Well done salaadinta Suber awal , Talada Suldaanka guud ,, Awal bari :up: :sland:

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Postby hargaysaay » Thu Jun 17, 2010 3:55 pm

is their awal galbeed horta

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Postby The_Emperior5 » Thu Jun 17, 2010 3:56 pm

is their awal galbeed horta

There is awal galbeed awal bari awal hawd

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Postby hargaysaay » Thu Jun 17, 2010 3:57 pm

is there awal mars

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30806
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Postby Khalid Ali » Thu Jun 17, 2010 4:03 pm

is there awal mars

No we have jupiter

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Postby hargaysaay » Thu Jun 17, 2010 4:06 pm

dee maxaan sameeyaa habar awal baad iiga dhigtay kuwa hawd bari iyo galbeedba jooogee :?

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Postby The_Emperior5 » Fri Jun 18, 2010 10:25 am

dee maxaan sameeyaa habar awal baad iiga dhigtay kuwa hawd bari iyo galbeedba jooogee :?
Habarawal maha qabil wa qawmiyad wa kala af wa kala Dhaqan , sa ula soco

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Saladiina H-Awal Bari Supports Goaanki Suld.Zuber Awal

Postby Dhaga Bacayl » Fri Jun 18, 2010 11:13 am

Madax dhaqameed yadu inay siyaasad ka hadlaan waa qalad. Dad baa jira ay matalaan oo xisbiyada kale ku jira magacyo waawayna ku leh beesha dhexdeeda xaq miyay u lee yihiin markaa inuu yidhaa nin Suladaan ahi waxaan sheegaya inay beel hablooyi dhamee xisbi hebel oo codayso. Muxuu samaynayaa hadi xisbigu u ololaynayo laga badiyo? Shanta sanee dambee ma dhagax hoostiibuu galayaa isga iyo beeshiisu saw hoos iman mayso maamul uu ka so horjeeday markay doorashada ku jireen?

Waxaas e waa qalad dhaqanki suldaanimadee la yaqaanayna way ka fog thay waxaana wanaagsan in inak an runta lo sheego o la yidhaa siyaasada ka dhex bax waa waxa kii kaa horeeyay faqashta dabada loogu xidhaye.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests