Boqor Cismaan Buurmadow Oo Meel Fagaare Ah Kaga Dhawaaqay In Uu Ka Baxay Xisbiga UDUB Oo Uu Taageeri Jiray Kuna Biiray Kulmiye.
Hargeysa(Ramaas) June 22, 2010 - Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo ka mid ahaa salaadiinta sida weyn ee aan gabashada lahayn u taageera xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa shaaca ka qaaday in taageeradii uu siin jiray xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB uu laga noqonayo, isla markaana uu u wareejin doono dhinaca xisbiga Kulmiye.
Boqor Burmadow oo si adag u difaaci jiray madaxweyne Rayaale, ayaa waxa uu maanta kaga dhawaaqay in uu Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda Taageeradii kala noqoday isu soo bax uu xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ka sameeyey magaalada Caynaba ee Xarunta gobolka Saraar.
Boqorku waxa uu sheegay in xukuumadda iyo xisbiga UDUB ay lumiyeen kalsoonidii shacabku ku qabeen, taasina ay ku dhalisay in uu ka baxo xisbigaas, isaga iyo taageerayaashiisuba kuna biiro xisbiga Kulmiye oo uu hore si weyn u weerari jiray masuuliyiintiisa.
Waxaanu ugu baaqay taageerayaasha xisbiga ee UDUB u hadhay in ay iskaga tagaan oo ay ku biiraan xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in uu wadanka ka dhalin karo isbedelka.
Yaa yidhii reerkanu waa caadi?! siday udhamaayeen waxay nooqdeen Kulmiye



