Dirir ka dhacday degmada Carmo
Shaqaaqadan ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii labo Maleeshiyo aay isku dhaceen degaan u dhow degmada Carmo oo lagu Magacaabo Durdur
Isku dhacan ayaa socday Muddo kooban, waxana ku dhaawacmay labo ruux oo mid ka mid ah aay tahay Haween, Waxana la sheegay in dagaalku ka bilowday goob Ceel Biyood ah oo aay isku qabsadeen laba Maleeshiyo oo ka soo kala jeeda degaankaasi
Ciidanka Ammaanka ayaa halkaasi gaaray isaga oo labadii koox kala dhexgalay, In kasta oo Weli Xaaladda aysan aheyn mid la isku haleeyn karo
Dagaalada Qabaa’iilka ayaa noqday kuwa ku soo badanaya degaanada Puntland tan iyo markii u Xilka la wareegay Dr Cabdiraxmaan Faroole
Wixi Warar Ah Ee Dambe Kala Soco Galgalanews.com



