Postby The_Emperior5 » Sat Jul 10, 2010 12:46 pm
TARIKH NOLOLEDKII GARAD SALEBAN DAHIR AFQARSHE OO KOOBAN
TAARIiKHDA QOOSKIISA .
Saleebaan daahir afqarshe Alla haw naxariistee wuxu kasoo jeedaa qoys umada soomaliyeed dhexdeeda magac iyo maamuus ballaadhan ku leh, taariikhdana baal dahab ah kaga xardhan, waa qoys aan filayo marka laga tago dadka taariikhda iyo waayaha somalida u dhuun daloolaa ay ka wada dheregsan yihiin dadka caadiga ahi.
Waayo waxay taariikhdu daabacday kaalintii lama ilaawaanka ahayde qoyska saleban ka qaaday halgankii lahaa hindisihii gobanimada Africa, waxaan ogahay akhriste ila garatayoo waa DARAWISHTII � uu horkacayey hal abuurkii weynaa iyo halyeygii dhaliyey saxansaxadii xornimada qaarada madow, waa halgamaagii bilaabay ee baray umada ku nool qaaradan Africa in layska tuuro reeryadii saancadaalihii reer yurub ee usoo doolay bahdilka iyo gumaysiga dadka africanka ah.
Marxuumkan hada geeryooday aabihiis AWDAHIR AFQARSHE Alla haw naxariistee waa ninka u tafaxaytay ee hurdo iyo hadhsiinaba uga tegay inuu ururiyo suugaantii dhaxal galka ahayde ee SEYID MAXAMED C/ XASAN.
Isagoo maanka iyo maskaxdaba ku hayey inay helaan jiilalka soomalida ahe soo socdaa suugaan ay ku naaloon karaan iyo af hooyo oo kaalin macna leh ka ciyaari kara marka la joogo fagaarayaasha luuqaduhu ku beretamaan laguna soo bandhigo.
AWDAHIR AFQARSHE Alla haw naxariistee waa ninka iska leh codka cajiladaha ku duuban ee gabayada seyidka lagu uruuriyey oo malaha in badanoo somalida ka mid ahi ay codkii seyidka u haystaan mase aha ee waa kii awdaahir afqarshe.
Sidoo kale marxuumkan aabihiis waa ninka sawirkiisa lasoo dheegto marka la doonayo in qaabkii iyo muuqaalkii seyidka fahamka dadweynaha loosoo dhoweeyo, waayo aad ayey isu shabahaan siday qireen ragii noloshu la daba dheeraatay ee isu arkay labada nin
TAARIIKHDA SALEBAN
Saleban awdahir afqarshe Alla haw naxariistee waxa uu dhashay sanadii 1943 waxa uu ku dhashay magaalada laascaanoodka ee xarunta gobolka sool.
Isla sanadkaas saleban dhashay waa sanad umadeena somaliyed qiimo gaar ah ugu fadhiya waayo waa sanadkii la aasaasay ururkii dhalinyaradii somaliyed Somali youth league ( SYL) ee u halgamay madax banaanida dalkeena hooyo.
Saleban magaalada laascaanood ayuu ka galay malcaamadii qur�aanka halkaas ayuuna ku dhamaystay qur�aanka kariimka ah.
Isla magaaladas ayuu dugsigiisii hoose ku qaatay ka dinba wuxu u wareegay magaalada sheikh ee gobolka togdheer halkaas oo uu kasii ambaqaaday heerkiisii waxbarasho wuxuuna bilaabay dugsigii dhexe.
Halsano oo dugsigii sare ah ayuu ku qaatay dugsigii caanka ahaa ee CAMUD, intii kalelan wuxu ku dhamaystirtay dugsiga sheikh.
Saleban Alla haw naxariistee markuu ka qalin jebiyey dugsigii sare wuxuu aqoon korodhsi u aaday dalkii la odhan jiray SOVEIT UNION hadana RUSSIA loo yaqaan halkaas ayuu aqoon badan kasoo qaatay course kiisiina kusoo dhamaystay.
Badhtamihii lixdaneeyadii ayuu dalka dib ugu soo laabtay marxuumku waxa uuna ka mid noqday saraakiishii warbaahinta somalida berigaas isagoo ahaa xidig caanka ah bahda warbaahinta dhexdeeda.
Gaar ahaan wuxu ka shaqo galay idaacadii ugu caansanayd dalka waagaas waa RADIO MUQDISHO.
Garaad saleban alla haw naxariistee dalka ayuu ka tegay isagoo arkay inaan lala shaqayn Karin dawladii kacaanka ahayde talada dalka la wareegtay sanadii 1969, garaadku markuu arkay in saxaafadii la cabudhiyey oo xoriyadii iyo xuquuqdii hadal ka badaba lagu tuntay cabirkii maskaxdana la hor istaagay ayuu sanadii 1971 dalka ka baxay isagoo sida filmkii ugu horeeyey ee laga sameeyey dabaal degii 21 octobar wuxuuna tegay dalka jarmalka halkaasoo uu uga sii gudbay dalka UK.
Saleban markuu tegay cariga ingiriiska ayuu bilaabay shaqadiisii idaacada laanta afka somaliga ee BBC-sida iyadoo uu mar noqday wariyayaash ugu caansan uguna cod baxsan, dhegaystayaasha bbc-siduna maalinta uu warka akhrinayo si gaar ah ayey ugu riyaaqi jireen saleban .
Tarikhdu markay ahayd 1978 ayuu marxuumku shaqo ah journalisti-nimo oo aad u fiican ka helay xafiiska weyn ee boqorka dawlada imaratka carabta sheikh said alla nahyaan, wuxu shaqadaas ka tegay saleban bilawgii sideetamaadkii markuu bilaabmay kacdoonkii hubaysnaa ee lagala horjeeday dawladii janankii geeryooday ee maxamed said barre horjoogaha ka ahaa. Ka dib markii ay lasoo xidhiidheen musatafe xaji nuur iyo c/laahi xaaji oo labaduba BBC-sida ka shaqayn jireen waxayna dhamaantood ku kulmeen magaalada adis ababa ee dalka Ethiopia oo ah meeshu hada saleban ku geeryooday.
Tarikhdu markay ahayd 1979 saleban alla haw naxariistee wuxu ka mid ahaa dadkii dhaliilay taliskii milateriga ahaa ee berigaas Somalia ka ariminayey, ayna la ahaatay in la raadaceeyo maamul bedela milateriga ay macangega u arkayeen ..
Wuxu saleban ku biiray jabhadii hubaysnayd ee Somali salvation democratic front (SSDF) in muddo ah ayuu ka mid ahaa dadkii jabhaadaas daadihinayey.
Ka dibna wuxu u wareegay jabhadii kale ee iyana qudheedu hubaysnayd waa Somali nation movement ( SNM).
Sidaan horayba u tibaaxay saleban alla haw naxariistee wuxu ahaa shakhsiyad ilaahay ugu deeqay haybada cod macaanka iyo luuq samida wuxuu aad uga hadli jiray loogana dhegaysan jiray idaacad ay mucaaradku lahaayeen oo la odhan jiray RADIO HALGAN.
1991 bilawgii qaran jabkii somalida markii xeedhiyo fandhaal kala dheceen ee la kala bay hoofay saleban wuxu kusoo guryo noqday magaaladii uu ku dhashay eek u barbaaray LASCANOD.
Ka dibna wuxuu ka qayb galay shirarkii nabadaynta gobolada woqooyi ee Somalia gaar ahaana kii Burco iyo Berbera, wuxuna ka ciyaaray kaalin marka laga tago kuwii goob jooga ahaa ay qireen ahmiyadeeda kuwii sheeda ka daawanayey ee geyiyada shishe joogay.
Garaad saleban alla haw naxariiste wuxu iska diiday inuu qaato jago wasiirnimo isagoo dadkii uu kasoo jeeday u tiir naxayey wanaagna la doonayey .
Waxa uu markasta naawili jiray in bulshada la bisleeyo oo maskax ahaan loo diyaariyo si ay bulshoyinka kale ee ay ood wadaagta yihiin wax ula qaybsadaan.
Marxuumku wuxu noloshiisa intii ugu danbaysay ku qaatay magaalada Hargaysa ee caasimada u ah jamhuuriyada la baxday Somaliland, halkaas oo xilal kala duwan ka qabtay sida agaasimaha guud ee idaacada maamulkaas iyo xoghayaha joogtada ah ee gudiga qandaraaska iibka maamulka Somaliland.
Tarikhda saleban aw daahir afqarshe maaha mid lagu soo koobi karo faallo gaaban iyo maqaal urursan waa tarikh heerar kala duwan soo martay.
Waana tarikh nuxur fara badani ka dhaansan yahay.
15/06/2009 maalin isniin ah ayuu ku geeryooday adis-ababa dalka Ethiopia.
Waxaan ilaahay uga baryeynaa naxariis iyo denbi dhaaf aamin aamin aamin.
W/Q : Aadan cige cali