Postby grandpakhalif » Mon Jul 26, 2010 4:20 pm
Mogadishu (GMN) – In ka badan Toban ruux, ayaa ku nafwaysay ku dhawaad 50-kalana waa ay ku dhaawacmeen ka dib dagaalo madfacaysan oo maanta markale ka dhacay Caasimadda Somalia ee Muqdisho.Dagaalkan oo xoogiisa ka dhacay degmada Boondheere ee Waqooyiga Muqdisho, ayaa madaafiic xoog leh waxaa si saf siman ah loogu garaacay xaafadaha ay shacabka rayidka ku badan yihiin, iyadoo khasaraaha dagaalkana uu soo kordhaco saacadba saacadda ka dambaysa.Xoogaga AMISOM, ayaa madaafiic badan ku hurgufay goobaha ay ku badan yihiin xoogaga Al-Shabaab, ka dib markii madaafiic kale oo hoobiyeyaal ah lagu garaacay fariisimaha AMISOM ay ku leedahay aagaga hore ee dagaalka waqooyiga MuqdishoDhawaacyada dagaalkii maanta ayaa badankooda la dhigay Isbitaalka Madiina, sida ay xaqiijinayaan ilaha caafimaadka ee halkaasi laga helayo.