Degmooyinka Kooban ee maamulka Ahlusunna Waljameeca Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Dalka Soomaaliya wararka ka soo baxaya waxay sheegayaan in aan maanta laga soomanayn deegaanadaasi.
Maamulka Ahlusunna Waljameeca qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud Bartamaha dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen maanta oo Arbaco ah in aysan ahayn Maalin Soon ah, maamulkoodana bari Soomayaan.
Gobolada kale ee Dalka Soomaaliya intiisa badan waxaa maanta si wada jir ah uga sooman Shacabka Soomaaliyeed, balse deegaanada Gobolka Galgaduud Ahlusunna waljameeca kaga sugan yihiin iyo gobolka Mudug qeyb ka mid ah maanta wax Soon ah kama jiro oo dadka si caadi ah ayay u cunteynayaan kadib amar ka soo baxay Ahlusunna Waljameeca.





