
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Shir Balaadhan La Yeeshay Saraakiisha Booliska Iyo Guddiyada Bulshada ee Booliska La Shaqeeya
(Hadhwanaagnews) Saturday, August 14, 2010
Hargeysa (HWN)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Gaboose, ayaa maanta shir balaadhan kula yeeshay Guddiyada Nabadgelyada ee laga hirgeliyay shanta degmo ee Caasimada Hargeysa ee taageera Booliska.
Shirkaasi oo lagu falan qeeyay sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada Hargeysa isla markaana ay Ha’yadaha u xil saaran sugidda nabadgelyadu u xoojin lahaayeen isku xidhnaantooda. Waxa shirkaasi goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, Duqa Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska ee Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo shirkaasi gudoominayay ayaa hadal uu ka jeediyay wuxuu ka waramay xaalada nabadgelyada ee dalka waxaanu xusay inay aad u wanaagsan tahay marka la eego mandaqada qiiqaysa ee Somaliland ku taallo.
Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu sheegay in xukuumadiisa cusubi soo dhawaynayso inay gacan siiso dhalinyarada arrinta nabadgelyada kala shaqeysa Booliska ee xaafadaha magaalada laga sameeyay, waxaanu tilmaamay in la tababari doono.
Dr. Gaboose wuxuu madaxda ciidamada Booliska Somaliland u soo jeediyay inay dedaal dheeraad ah u galaan sidii ay isha ugu hayn lahaayeen wixii nabadgelyada Somaliland dhaawici kara waxaanu faray Ciidamada Booliska inay xidhiidh dhow iyo wada shaqayn buuxda mar walba la yeeshaan shacbiga Somaliland.
Waxa kale, oo halkaasi ka hadlay Duqa Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo balan qaaday inuu sii wadayo taageero shiidaal oo uu siiyo saldhigyada Booliska ee Magaalada Hargeysa.
Waxa kale, oo isaguna shirkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, oo sheegay in ciidanka Boolisku diyaar u yahay inay sugaan nabadgelyada waxaanu ku adkaystay in Boolisku ay ku filan yihiin nabadgelyada gudaha iyagoo kaashanaya shacbigooda oo uu tilmaamay inay yihiin shacbi aad u daneeya dalkooda.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Hadhwanaag News/Hargeysa




