Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay
Doqon dib bay wax ka garataa
Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan
Doqon iyo habeen baa madaw
Doqon milantay iyo geesi damac bartay dhexdoodaa miidaamo ka hacdaa
Doqon nebi Muusaa habaaray
Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto
Doqon sokeeye maaha
Doqoneey dabkaa ba
Doqoni amaanay lahayn bay u rixisaa
Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
Doqoni calaf ma leh
Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa
Doqoni hoosiis bay hadh mooddaa
Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye sema oga
Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa
Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo
Doqoni sokeeye ma aha
Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso
Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa
Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa
Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga
Doqoniino waa shil
" Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; ""Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye"
Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa oo geshaa
Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil
Doqontu hadalkay dib u gocotaa*
Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey moodaa



