Somalida VS Afkooda/Fartiisa maxaa kala haystaa! Dadkani waxay Qoxooti u noqdeen Afaf Shisheeye taasoo ay xilli kasta ka ordayaan Afkoodii hooyo iyadoo ay marmarsiiyo iyo cudurdaar ka dhigganaya laba Qodob midkood. Labadaas Qodob oo kala ah:
1: In (Soomaalida qaar) ayaga oo yar ay ka yimaaddeen Somalia--sidaas aawadeed ayaysan nasiib u helin barashada Afkooda iyo Fartiisa
2: In AF Soomaaliga iyo Fartiisuba ay dhib badan yihiin isla-markaasina ay adag tahay in wax laysugu sheeggo, iyo in lagu wada xariirro.
Labadaas Qodobba waa waxba kama jiraan miisaan mug leh oo meel marana ma lahan. Haddii ay sidaas tahayna, waxaa la oran karaa in dadka qaar badan oo ka mid ah ay isu dhiibaan gacan hoorsadasha iyo qaaddashada Afaf shisheeyo oo lagaba yaabo in intooda badan Abbeyaashood/Awoowyaashood lagu soo gumeystay, sida Afafka Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Aar Afka iyo Fartiisa yaan laga teggin ee ha la xoojiyo..




