Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Gudoomiye Ku-Xigeenkii Hore Oo Khilaafki So Af-Jaray

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Gudoomiye Ku-Xigeenkii Hore Oo Khilaafki So Af-Jaray

Postby Siciid85 » Thu Oct 07, 2010 2:06 pm

Gudoomiye Ku-Xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer oo Maanta Gaadhigii uu Khilaafku Ka Dhashay ku Wareejiyay Maamulka Gobolka‏
Burco(Oodweynenews)-Gudoomiye Ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar ayaa saaka si rasmiya ugu wareejiyay Maamulka Gobolka Togdheer iyo masuuliyiin sarasre oo ka socday Xukuumada Somaliland Gaadhiguu uu watay oo dhawaan wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland amar ku bixiyay in la soo xidho taas oo dhalaisay xiisad kacsan keentayna in arintaasi laf iyo tahar ku noqtay Xalinteedu Madaxtooyada Somaliland.

Dahawaan ayay ahayd markii ciidmada Booliskua ay isku dayeen inay Xidhaan Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolk Togdheer Guuleed Daahir Samatar kuwaasi oo ku hungoobay inay xidhaan taasina ay keentay in bulshada Gobolku ay ka xanaaqaan sifaha noocani oo kale ah ee lagula kacayo madaxda xukuumadii hore taas oo ay ku tilmaameen sharci daro keena karta iska horkeenka bulshada Gobolka.

Munaasibadani saaka lagula kala wareegayay gaadhigani oo ka dhacday xarunta maamulka Gobolka Togdheer ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar,maamulka Gobolka Togdheer,Kan Degmada,Saalaadiinta iyo wax garadka Beesha uu ka soo jeedo Guuleed ,Saraakiisha Bilayska iyo madax ka socotay Madaxtooyada Jaqmhuuriyada Somaliland.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar Waxaanu sheegay inuu u mahadcelinayo cid walba oo ka soo shaqaysay sidii ay hawshani u dhacaday waxaanu tilmamay inuu manta wareejinayo gaadhiga khilaafka dhaliayay isaga oo tilmamay in sifaha uu ku wareejinayaa aanay ahayn mid ay dawladu sharci ahaan ugu yeelatay balse ay tahay xeerin iyo tixgelin uu tixgalinayo odoy dhaqameedad hawshani ka hawlgalay waxaanu tilmaamy in gadhigani uu isagu leeyahay sharcigiisiina uu hayo.

Guuleed waxa uu eedayn u soo jeediayay maamulka Gobolka Togdheer oo uu sheegay inay si karaamo daro ah ula dhaqmeen taasina ay tahay mid aan loo baahnayan waxaanu sheegay in markii lagu eedaynayay in ciidan beeleed uu samayanayo uu ku saxsanaa isaga sheegay in arintaasi ay ky timi ka dib markii maamulka Gobolku Tixgelinwaayeen haybada iyo sharafta uu leeyahay.

Geesta kalae Guuleed Daahir Samatar ayaa mar uu ka hadalayay hantida Guriga uu haatan ku jiro ayaa waxa uu uga digay inaan cidini ku soo walaacin isaga oo tilmamay in gurigani la mid yahay Aqalka Madaxtooyada ee madaxweynuhu ku jiro sidaas oo kalena uu ugu jirayo.

Ugu danbayntii Guuleed waxa uu maan u soo jeediyay Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo u ku tilmamay inuu sameeyay sidii ay xeego xeego u noqonlahayd ilakana u nabad galilahaayeen oo ku tilmamay inuu gaadhay xalkii loo baahnaa taasina aya tahay qwaajibaadka ay dadku u doorteen.

Waxa kale oo isna kulnakaasi ka hadalay Gudoomiayaha Gobolka Togdheer oo ka raali geliyay Guuleed Daahir samatar wixii lagaula kacay intii hawshani socotay isaga oo tilmamay inuu jecelyahay inay sxb u ahaadaan sidii ay awalba u ahaayeen wada shaqayn wacanina ay dhexmarto.

Waxaa sidoo kale iyana Goobtaasi ka hadlay Odoyada Beesha uu ka soo jeedo Guuleed oo ay ka mid ahaayeen Oday Deer waxaanay sheegeen in loo baahanyahay in laga fiirsado talaabooyinka ay xukuumadu qaadayso iyaga oo si gaara u eedeyay waasiirka maaliyada oo ay ku tilmaameen mid xiligani baal marasan hawlihiisa Shaqo.

Ugu Danabytii Guuleed Daahir Samatar ayaa si rasmiya Gaadhigaasi u wareejiayay kuna wareejiyay maamulka Gobolka iyo masuuliyiin sarsare oo ka socotay madaxtooyada Somaliland.

Waxaad Akhristayaal Goor Dhaw Ka Daawandoontaan Shabakadani Oodweyne News sidii ay u dhacday Kala Wareejinta Gaadhigaasi iyo hadaladii Muslliyiintii Halkaasi ka hadashay.

Maxamed Cawed Maxamed

Oodweyne News/Burco Office

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 14 guests