Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

C/lahi iyo Faroole maxay ka wada hadleen?

Somali government affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
wagardhac
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 617
Joined: Sat Jan 02, 2010 9:28 pm
Contact:

C/lahi iyo Faroole maxay ka wada hadleen?

Postby wagardhac » Thu Oct 07, 2010 11:10 pm

Wararka ka imanaya magaalada Sanca ee dalka Yaman, ayaa sheegaya in kulan halkaasi ku dhexmaray wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, Ilkajiir, iyo kan horumarinta reer miyiga, iyo madaxweynihii hore ee TFG iyo Puntland, mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed. Kulankan ayaa saxaafadda qaarkeen ku sheegtay mid salaan ahaa, laakiin ilo aannu xaqiiqda dhabta ah ka helnay ayaa noo sheegay, in kulanku run ahaantii khuseeyey sidii Faroole xukunka looga casili lahaa, maaddaaba tan iyo intuu xukunka la wareegay 2009-kii, qas iyo dagaal Puntland ka bixi la’adahay.

Waxa kale oo isana ku leh kulankan Cadde Muuse oo isna ka mid ahaa madaxweynayaashii dhaxalka ku soo xukumay Puntland. Sida dhabta ah, oday C/lahi ayaa raba in Mr. Faroole iscasilo sababahan awgood.

1. Ammaan xumada dalka: dagaallo ka aloosan Gobolka Bari siiba Galgala iyo Ufeyn, Cagaarre, Gaalkacayo. Iyo weliba shaqaaqooyin ka dhacay caasimadda Garoowe.

2. Dhaqaalihii oo dhulka galay; sicir bararkii oo kordhay; mushahaaro la’aan haysata ciidanka ka hawlgala dalka.

3. La tashi la’aan odayaasha iyo waxgaradka dalka, iyo indhala’aan talada Faroole oo isugu maja ururtay Garoowe uun. Iyadoo Oday C/lahi ugula dardaarmay Faroole 2009kii: “meeshaad xukumi doontaa maaha Garoowe ee waa Puntland…,” Yuusuf.

4. Iskudir qabaa’illada walaalaha ah ee ku dhaqan geyiga Puntland, iyadoo si khaldan loo isticmaalayo shaatiga argagixisada.

5. Barakicin dad masaakiin ahaa oo koonfurta Soomaaliya ka soo qaxay. Kuwaasoo hantidoodii lagala wareegay, ka dibna loo gudbiyey xaafadda Baraxley ee Gaalkacayo. Masaladan oo si gaara welwel ugu haysa Oday C/lahi, maaddaaba maammulka Galmudug awooddiisa arritani wax ka beddeshay.

6. Fashilkii iyo iscasilaaddii ku timid Raysalwasaarihii hore ee TFG Cumar Cabdirashiid oo asal ahaanna Puntland ka soo jeeda. Tanoo odaygu u arko in Faroole ku fashilmay inuu badbaadiyo kursiga ina Cabdirashiid. Isla markaana ay u socon weydey inuu Faroole ku beddelo nin isla jifadooda ah.

7. Xal u helid la’aanta dilalkii madaxda sare ee Puntland ee la khaarajiyey intii Mr. Faroolo kursiga ku fadhiyey, gaar ahaan AHN) Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Bannaanka) oo Gaalkacayo lagu khaarajiyey, lagana qancin waayey beeshuu ka dhashay ee Ibraahiinno, wax u cuntami kara.

8. Nin jeclaysiga iyo u adeegidda laamaha dawladda ee Jifada Faroole. Tan oo khilaaf weyni dhalisay muddooyin badan maaddaaba shaqooyinka dawladda Faroole ku koobay ilmaadeerradiis oo qudha.

9. Dayrinta bulshada Reer Sool, oo dhulkoodii xoog lagu haysto gaar ahaan Laascaanood, iyo u gacan haadinta Faroole ee maammulka goonni u goosadka Somaliland.

10. Furitaanka qunsuliyadda Itoobiya magaalada Garoowe ka furatay iyo ka hawlgelidda ciidammada sirta ee Itoobiya gudaha Puntland. Gaar ahaan dhoofinta dadka walaalaha ah ee reer Ogadeeniya oo xukuumaddu cadow u gacan gelisay marar badan.

11. Ku lug lahaanshaha burcad badeedda ee Faroole, tanoo guux weyn dhalisay iyadoo budhcaddu salka dhigatay caasimadda Puntland ee Garoowe, ayna Eyl u tahay saldhig ay ka duulaan.

12. Tahriibta xeebaha Puntland ka aloosan, halkaasoo kumannaan masaakiina ku halaagsamaan bad yarada u dhaxaysa Soomaaliya iyo Yaman.

Qodobbadaa aan kor ku soo sheegnay iyo kuwa kale oo badan ayaa keenay in laga dalbo in Faroole is casilo. Waxana la sheegayaa in Oday Cabdullahi rabo in xukunka loo dhiibo Gen. Ilkajiir oo ay aad isugu dhow yihiin isaga. Faroole oo ka biya diiday talada oday Cabdullahi ayaa lagu wadaa in lagu samayn doono ‘impeachment’ oo macneheedu yahay in xukunka laga casilo iyadoo sharciga la raacayo.

Wixii arrimahan ka soo kordha kala soco Laasqoray Online

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somali Government”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 0 guests