Xilka R. Wasaarare oo loo magacaabay Saacid faarax Garaad
Muqdisho (Keydmedia) - Warar hoose oo ay keydmedia.net heshay ayaa sheegay in maanta xarunta madaxtooyada uu ka dhacay kulan dhex maray madaxweynaha iyo xildhibaanada qaarkoodad.
Kulankan ayaa Shariif Shiikh Axmed waxa uu xildhibaanada ugu soo bandhigay shaqsiga uu doonayo inuu u magacaabo R.wasaaraha kaasoo uu madaxweynaha damacsanaa inuu maanta ku dhaawaaqa waxaana xildhibaanada arinkaasi ay ka muujiyeen dhaliil.
Saacid faarax Garaad oo ka soo jeeda beesha Mareexaan isla markaana ah jufada Reer Dalal ayuu madaxweyne Shariif damacsanyahay inuu u magacaabo R/wasaaraha waxaana xildhibaanada dhaliishan xilkaasi in loo dhiibo Saacid ay sheegeen inuu yahay shaqsi aan madax banaaneyn isla markaana ka amar qaadan doona Shariif Xasan gudoomiyaha baarlamaanka, waxaana ay u sheegeen madaxweynaha in haddii uu magacaabo Saacid uu si fudud madaxweynaha xilkiisa ku weyn karo kadib marka ay is baheestaan xildhibaano fara badan oo uu gudoomiyaha baarlamaanka mowashin ku abuuri doono.
Mr Saacid waa nin aqoonyahan ah isla markaana galaangal aad u weyn ku leh howlaha UN-ka ee la xiriira Soomaaliya, waxa u dhaxday xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo ah Haweenay Soomaali ah oo ka shaqeysa arimaha Xuquuqda Dumarka iyo Nabadda taasoo bishoo October 2008 ku guuleysatay abaalmarin la yiraahdo Right Livelihood.
Inkastoo xildhibaanada qaarkood ay ka madax gilgilayaan magacaabistaasi ayaa hadana waxaa in badan la rumeysan yahay in aanu sinnaba uga laaban doonin madaxweynaha go’aankiisa maadaama uu Saacid gacan ka helayo UN-ka iyo dowladaha safka hore qeyba ka mid ah sida Kenya oo kale.
Inkastoo madaxweynaha talo ay ku ciirsantahay ayaa hadana waxaa la filayaa in saacadaha ina soo aadan uu ku dhawaaqo R.wasaarihiisa.




