Moderator: Moderators



Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo dagaal kula wareegtay degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud
Jimco, October 15, 2010 (HOL) - Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa la xaqiijiyay inay saakay la wareegeen gacan ku haynta degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, halkaasoo xarun u ahayd maamulka Ximin iyo Xeeb.
Wararka, ayaa waxay sheegayaan in dagaal xooggan uu dhexmaray maamulkii laga adkaaay ee ka talinayay degmadaas iyo ciidammadii Ahlusunna, wuxuuna kasoo bilowday deegaanka Godin-labe, halkaasoo ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka jireen tan iyo xalay.
"Degmada Cadaado, waxaa qabsaday ciidammo taabacsan Ahlusunna Waljamaaca o ay hoggaaminayaan saraakiil uu ka mid yahay Cabdi Shukri Cali Xirsi," sidaa waxaa HOL u sheegay suxufiyiin ku sugan degmada Cadaado.
Inkastoo, aan la ogeyn khasaaraha dagaalka ka dhashay, ayaa haddana waxaa la xaqiijiya in gebi ahaan degmadu ay gacanta ugu jirto Ahlusunna, waxaana xalay lagu afduubay degmadaas sarkaal u dhashay dalka Britain iyo nin Soomaali ah oo u shaqeynayay hay'adda Save the Children UK.
Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey, oo saaxafadda Muqdisho la hadlay saakay, ayaa sheegay in maamulkooda duullaan lagu yahay, ayna iska difaaci doonaan weerar walba oo lagu soo qaado.
Warar aanay HOL xaqiijin, ayaa sheegaya in saraakiisha hoggaaminayay ciidammada qabsaday degmada Cadaado uu ka mid ahaa afhayeenka ahna madaxa warfaafinta ee maamulka Ahlusunna Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf (Al-Qaaddi).
Degmada Cadaado oo ku taalla bartamaha gobolka Galguduud, ayaa waxay ahayd mid ka madaxbannaan maamullada Ahlusunna iyo Xarrakatul Shabaab oo tan iyo sanadkii 2008, ku dagaalamayay gacan ku haynta degmooyinka Gobolkaas.
Wararkii kasoo kordha dagaalka lagula wareegay degmada Cadaado iyo khasaaraha ka dhashay akhriste kala soco wararkeenna dambe, haddii Eebbe ogolaado.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online



as far as we know da guy is a warlord man...and ahlul subag are wadaado ...unless they change their rulesHe is Ahlu Sunna Waljamaacas man in Mudug choosen in Galkacyo

How is Cabdi Shukri a warlord ? the only thing he did was fight against uic years ago. Also he did not participate
in the somali civil war.

am not talkin bout the weapon issue .. am talkin bout dat he was the one who brought the deal of ashaho la dirir for sellin the culuma head man from the CIABeing a warlord for not handing over your weapon to Abu mansur and Dahir aweyssame men who was behind the killing
of the great man ilaheey u naxariisto Cumar xaashi think bro


Return to “Politics - General Discussions”
Users browsing this forum: No registered users and 10 guests