Madaxweynaha Maamulka Puntland Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa ka hadlay Mawqifkiisa ku saleysan Raisalwasaaraha cusub ee dhawaan buuxiyey booskii uu baneyey Cumar C/rashiid Cali,waxaana uu Madaxweyne Faroole sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay in xilkaasi loo magacaabo Maxamed Cabdilaahi Maxamed.
Madaxweyne Faroole ayaa sheegey inuu aad u soo dhaweynayo magacaabista Mudane Farmaajo,waxaana uu xusay inuu Dr Farmaajo xaq u leeyahay inuu xilkaasi qabto,waxaana uu daboolka ka qaadey inuu tageerayo isla markaasna la garab taagan yahay hiil & hooba.
Dr faroole ayaa yiri:
" Aad baan ula dhaqsanahay in xilkaasi loo magacaabo nin ka soo jeeda beesha darood,waana soo dhaweynayaan,waxaana balan qaadayaa inaan sidii loogu tallo galay u tageero Raisalwasaraha cusub ee soomaaliya,waanuna ku soo dhaweyneynaa dhulkiisa puntland oo ah degaano beeshi degto,waana nin u qalma xilkaas''.
Faroole waxaa uu intaas raaciyey:
" Dr Farmaajo Aqoon uma lihi balse Warbaahinta Caalamka ayaan ka maqlay tariikh nololeedkiisa,waana nin aqoon le isla markaasna ka samata bixin kara umadda soomaaliyeed dhibaatada haysata inkastoo uu dalka soomaaliya muddo badan ka maqnaa,Waxaana u rajeyneynaa in ilaahay u fududeeyo xilkaas loo magacaabay''.
Waxaa kale uu Faroole Yiri:
" Masuulkaas cusub waxaan uga digayaa inuu ka feejignaado kooxo nabadda puntland lid ku ah xafiisyana caalamka ka furtey,waxaana uga digeynaa inaysan kooxahaasi maro habaabin Raisalwasaraha cusub ee soomaaliya,waxaana wanaagsan inuu fiiro gaar ah u yeesho kooxahaas''.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Faroole ayaa sheegey in maamulkisa uu aad u taageersan yahay Raisalwasaaraha cusub ee soomaaliya,waxaana uu carabka ku adkeyey inay si wanaagsan u soo dhaweynayaan masuulkaasi cusub ee xilkaasi lo idmaday.
Daahir Axmed Khaliif
Bosaso-Gedo-News





