Sarkaal ka tirsan booliiska gobolka Minnesta ee dalka Mareykanka oo toogasho ku dilay wiil Soomaaliyeed
Jimco, November 05, 2010 (HOL) – Sarkaal ka tirsan booliiska gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa toogasho ku dilay wiil Soomaaliyeed, kaddib markii ay ku weerareen guriga uu ka daggan yahay gobolkaas, sida ehellada ruuxaasi sheegeen.
"Wiilka la toogtay iyo gabar walaashiis ah, ayaa waxaa dhexmaray gacan ka hadal, taasoo keentay in wiilku uu middi ku dhaawaco mid ka mid ah shaqaalaha dhismaha ay dagnaayeen, ayna booliisku toogteen markii ay arkeen isagoo middi haysta," ayuu yiri ehellada ruuxa la toogtay oo sharraxayay sida ay wax u dhaceen.
Ehellada, wiilka la toogtay oo aan da'diisa iyo magaciisa la sheegin, ayaa xusay inuu ahaa wiilkooda la dilay uu ka xanuunsanaa madaxa, taasna ay keentay inuu middi ku weeraro shaqaalaha dhismaha ay dagganaayeen, oo la dhigay isbitaalka gobolka.
Ciidammada booliiska gobolka Minnesota, ayaan weli ka hadlin dilka ay u geysteen wiilka Soomaaliga ah ee la sheegay in madaxa looga jiro, waana markii labaad oo gobolakas ay ciidammada booliisku ku toogtaan wiil Soomaali ah oo madaxa looga jiro.
"Booliisku, waxay wadaan baaritaanno ku saabsan dhacada, iyagoo la hadli doona saxaafadda marka uu baaritaankoodu dhammaado," ayay yiraahdeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Minnesota.
Gobolkan midka ay daggan yihiin Soomaalida ugu badan ee dalka Mareykanka ku nool, ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay falal lagu dilay Soomaali aan wax dhibaato ah geysan, kuwaasoo lagu dilay goobo ganacsi iyo tagaasi ay wadeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




