Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

THE FIRST 100 DAYS.........

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

THE FIRST 100 DAYS.........

Postby Cali_Gaab » Mon Nov 08, 2010 3:03 pm

Xukuumada cusub ee Somaliland ayaa maanta Huteelka Kaah ee Magaalada Hargeysa ku soo bandhigtay wax qabadkeedii 100-kii cisho ee u horeeyay, waxaanay sheegeen inay 80% ay fuliyeen waxyaabihii ay balan qaadeen.

Afhayeenka madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si qoto dheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay waxaanu yidhi

Dhismaha Xukuumadda

“Markii ugu horaysay waxaa la soo dhisay xukuumad tiro yar oo tayo leh oo ka kooban 20 wassaaradood iyo lix wasiir ku xigeen, waxaanay ka dhigtay xukuumaddii ugu tiro yarad intii Somaliland jirtay. Si aqooni ku jirto ayaa loo suuro geliyay in aanu isbedelku saamayn badan ku yeelan wada shaqayntii golayaasha iyo hay’addaha dawladda, taasna gacan adag ayaa lagu qabtay si toosa ayaanu u dhaqan galay.
Hay’addo badan oo hoos iman jiray madaxtooyada ayaa ayaa lagu celiyay meelihii ay mudnaayeen, sida Tv-ga qaranka oo la hoos geeyay wasaaradda warfaafinta, laanta socdaalka oo la hoos geeyay wasaaradda daakhiliga.
Waxa markii ugu horaysay si madax banaan u hawl galay hanta dhawrka qarank, taariikhda Somaliland waa markii ugu horaysay ee hanti dhawrka qaranku iskii u hawl galo isaga oo xor ah oo madaxbanaan.”

Arrimaha Amniga

“Waxaa la xoojiyay arrimaha nabadgelyada iyo ka qayb gelinta dadwaynaha, waxaa la sameeyay guddiyo nabadgelyo oo heer qaran, heer gobol ilaa heer xaafadeed ah. Waxaa laga hawl galay hawl galo isku dayo ahaa oo qaarkood aad xasuusan tihiin in argagixisadu isku dayday in ay nabadgelyada khalkhal geliso muddada isbedelku jiro dhexdeeda, waad ogtihiin in la soo bandhigay hub badan oo ay ka hawl galeen ciidamada amniga iyo kuwa ilaalada xeebaha ah Gobolada Togdheer, Saaxil iyo Hargaysa oo lagu qabtay ummadana hubkii loo soo bandhigay .
Waxaad xasuusan tihiin 300 oo nin oo ka soo degay xeebta galbeedka Somaliland oo ay iska kaashadeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, aakhirkiina dawladda Itoobiya oo ay dhinacooda ku socdeen ay ka aarsatay oo ay ka adkaatay.

Waxaa la kala diray oo madaxwaynuhu khudbadiisi ugu horaysay ku kala diray guddidii nabadgelyada ee lahayd awooda xukun ee aan sharciga ku dhisnayn. Waxaa saamaxaad madaxwayne lagu sii daayay maxaabiistii siyaasadeed ee xiligaa xidhxidhnayd.
Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray baaq nabadeed, khudbadiisii ugu horaysay waxa uu gogol nabad gelyo u fidiyo gobolada Sool iyo Sanaag bari oo shaqaaqo ka jirtay xiligaas, waxaana la isku dayay shaqaaqadii maalmahaa xooga lahayd in halkeeda lagu bakhtiiyo waana lagu bakhtiiyay, gogoshii madaxwaynuhu fidayayna way bilaabantay, guddidii hirgelin lahayd oo heer qaran ah ayaa gogoshaa qaybteedi ugu horaysay waxay todobaadkii hore ku qabsoontay Widhwidh, waxaana ka soo jawaabay baaqaa Madaxwaynaha iyo hogaan dhaqameedyo oo gacmo furan ku soo dhaweeyay.”


Arrimaha Dhaaqaalaha


“Waxaa la xakameeyay in muddada kala guurka ah ee xilka lala kala wareegayo iyo maalmaha xiga toona aanay dhicin musuqmaasuq iyo hanta lunsi, si aanay taasi u dhicin waxaa la amray xisaabiyaha guud ee qaranka iyo guddoomiyaha baanka dhexe, waxa kale oo la hawl geliyay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada oo shaqo wanaagsan qabtay, waxa kale oo la hawl geliyay guddi uu xisbiga KULMIYE lahaa oo iyaguna arrimahaa la dagaalanka musuqmaasuqa ka hawl galay, arrintaas aad baa looga hawl galay oo in aanay hantida ummaddu dhexda ka bixin muddada kala guurka ah ee labada xukun xilka la kala wareegayaan waana la xakameeyay, oo si adag ayaa gacanta loogu dhicay.

Waxyabaha qabsoomay dhinaca dhaqaalaha waxaa ka mid ah bixinta mushahaarooyinka shaqaalaha dawladda ka maqnaa iyo kharashaadkii hawl socodsiinta. Waxaa ballanqaadkii xukuumadda ee boqolka cisho ku jiray musharka shaqaalaha dawladda ka maqnaa kaas oo la bixiyay. Musharooyinka shaqaalaha iyo kharashaadka socodsiinta shaqada ee la bixiyayna waxa ay kala yihiin:-
Mushaharka iyo kharashaadka la bixiyay oo ka soo jeeda bishii koobaad ilaa bishii todobaad ee sannadka 2010 waa 38 bilyan 862 milyan, taas oo ah mushaharka iyo kharashaadka ay ka tagtay xukuumadii hore ee daynta ah ee lagu lahaa ee ay xukuumadda cusubi bixisay. Intii ay xilka haysay xukuumaddanina waxa ay mushahar iyo kharashaadba u bixisay 58 bilyan, 240 milyan. Isu gayn waxa ay xukuumaddani bixisay 102 bilyan, 909 milyan ayay intii boqolka maalmood ahaa ay xukuumaddani kharash ahaan u bixisay. Waxaa intaa dheer raashinka ciidamada, shidaalka, qalabka xafiisyada iyo dayactirka gaadiidka.
Si loo dhamaystiro biriishka labaad ee Hargaysa oo dumay sannadkii 2004, boqolka maalmood ee ugu horeeyay waxaad ka garan kartaan Madaxwaynuhu goobaha uu socodka toos ugu tagay ayay ka mid ayayd biriijku markii uu xafiiska wax yar fadhiyay , maalintaa madaxwaynaha wax dayn ah oo kama maqnayd dhinaca biriijka oo la odhanayo madxtooyada ayaa lacagtii bixin wayday may jirin oo way haysteen, balse nasiib darro arrin dabeecad ah awgeed roobab iyo daadad jiray ayaa tiirka dhexe la xidhi kariwaayay, sabab uu qabyo u yahay oo aan taa ILLAAHAY ahaynina ma jirto. Waxa kale oo madaxwayne ku xigeenku soo dhagax dhigay wadada Dila iyo Boorame oo 4 km ay xukuumaddu dhisayso.”

Arrimaha Bulshada

“Wassaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo macdanta iyo biyaha iyaga nolol ahaan ayaad maalin walba taabataan oo warbixin badan iigama baahna, waxqabadkoodu horena wuu u jiray maantana ILLAAHAY mahaddii wuu kordhay, haddii aynu iyaga bilownana waynaan ka gayoonayn balse saxaafadda ayaanu idiinku soo gudbin doonaa maalmaha soo socda.”

Afhayeenku wuxuu sheegay in siyaada dibada Somaliland ay meel wanaagsan marayso,waxaanu tilmaamay In madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii todobaadkii hore dalka Jabuuti loogu soo dhaweeyay meeqaam aad u sarreeya.

User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby Cali_Gaab » Mon Nov 08, 2010 3:04 pm

Image

Image

Image

djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby djibsomali » Mon Nov 08, 2010 3:05 pm

reer somaliland waa dad waalaan wallahi!!

Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby Executive » Mon Nov 08, 2010 3:09 pm

^ They are the best people a government can have :lol:

Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby Cumar-Labasuul » Mon Nov 08, 2010 3:12 pm

I am very impressed not only with the President but with all his cabinet. Insha'allah may this progess continue :up:

- The road to success is always under construction -

User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby Cali_Gaab » Mon Nov 08, 2010 3:13 pm

Exec, be happy that you can say anything about your government. Couldn't have done so with the previous Afweyne regime. Free speech :up:

djib, maxaa dad waalan ka dhigay? Reer jaamac waal la gartay eh, laakin reer somaliland oo dhan?

Amiin Cumar :up:

djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby djibsomali » Mon Nov 08, 2010 3:16 pm

baal illahay baan inuguu dharshay baal waxaad lasso shiir taagaysaan eegaa!!
The first 100 days ???

loool
ahahahah

niyoo somaliland maa jahiiliin baaa??

Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby Cumar-Labasuul » Mon Nov 08, 2010 3:17 pm

Executive is annoyed he missed out on the booli qaran of the previous government, otherwise today he would have been sitting in the somali embassy in sweden. :lol:

User avatar
Elmi_Dheere
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 421
Joined: Mon Jun 06, 2005 3:22 pm
Location: Saylac

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby Elmi_Dheere » Mon Nov 08, 2010 3:19 pm

lol djib

Waxqabaad maa wuxuu noqdeey hooteel 200 qof khudbaad lagu akhriiyo :lol:
Rayaalahii ceebtii SL qarin jireyna waka cagaha wax kaa daaye.

Serious...I was expecting opening of Hargeysa bridge, Dila Road , etc. instead we have a speech :down:

djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby djibsomali » Mon Nov 08, 2010 3:22 pm

lol djib

Waxqabaad maa wuxuu noqdeey hooteel 200 qof khudbaad lagu akhriiyo :lol:
Rayaalahii ceebtii SL qarin jireyna waka cagaha wax kaa daaye.

Serious...I was expecting opening of Hargeysa bridge, Dila Road , etc. instead we have a speech :down:
waaxaa baa uguu daraan markay laa soo shiir tagayn!! (Arrimaha Amniga)
aahahahahaah

awdal baa laa dheex maray markaasay soo qor qorayaa Arrimaha Amniga loooolll

User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby Cali_Gaab » Mon Nov 08, 2010 3:30 pm

baal illahay baan inuguu dharshay baal waxaad lasso shiir taagaysaan eegaa!!
The first 100 days ???

loool
ahahahah

niyoo somaliland maa jahiiliin baaa??
Ok, since we record what the administration does within it's first 100 days in office and you class us as 'jaahils, does that include bintiland and the West? You're hating makes you look like a fool man.

Elmi, riyaale ceeb maxay ayuu qariyey? UDUB waa xukumada 4 bilood lacagta cidamada siin weydey, iyo tii shaqaalaha dawlada. 100 kan cisho ey xukumada cusub heysey na lacagtii aad siin kari weydey ayeey wada bixisay. Xukumad tiro yar ayeey soo dhiseen oo labaatan wasiir ah iyo lix wasiir ku xigeen. Maxjar cusub ayaa laga furay Berbera, terminal cusub ayaa laga furay, qaroonka Borame iyo Burco ayaa la furay. Iminkana waxaa laga dadaalaya ina la dhiso airport kooda. Xidhiidhka aan deriska la laheyn ayaa meel heer sarre maraysa. Bridge ka Hargeisa ayaa la dhisay, lacagta Berbera ayaa la wada tiriyaa oo war laga hayaa, lacagtii madaxtooyada lagu tirin jirey waa la joojiyey, xoolihii berbera ka shaqeyn jirey waa la wada bedelay. Lacag jeebka la gashado ma jirto!

hadal nacnac ayaad haysaan walee.

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby LiQaaye_TDH » Mon Nov 08, 2010 3:49 pm

:clap: :clap: :clap: :clap: The Best Goverment Somaliland ever Had after Cigaal anyway so Far :sland: :sland: :sland: :sland: :sland: :up: :up:

!!! Dowlada Somaliland waxey Dhaqaalahi Cirka geysay Number 1 Thanks to Ina Xaashi! The Berbera Port Generates over $200.000 a Day, The Taxes from Qaad Generates over 50.000 a Day, The Annual income of Somaliland is expected over $300 million 2012 :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:

!!!.... Dowlada Silaanyo waxey Furtay... Boorame Airport + They fixed the Terminal wich hasnt been used for 20 years :up: and now for the first time Reer Boorame dont have to travel to Hargeisa to catch a Flight to Ethopia,djibouti, or Nairobi!

!!! Same thing with Burco, the Airport is finally opened after 4 years closed down! + the goverment spent 20.000 to fix the Terminal for the passengers and the runway!

!!! Berbera Airport--- The Goverment managed to open a second Terminal for berbera port spent 50.000 us dollars and did a great job... and also Berbera Port has been finally upgraded and the goverment spent over 200.000$

!!! The Goverment paid over 3.5 million Dollars to the Goverment staff, such as Teachers, soldiers and police.. Riyaale stole all their money and left the country in 21 million Debt, that money was for the Teachers, police, and the Army!


We are still waiting for President Axmed Silanyo to change the currency in Easten Somaliland and the Road from Burco to Ceerigabo 8-) 8-) 8-) 8-)

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby Dhaga Bacayl » Mon Nov 08, 2010 3:52 pm

:clap: :clap: :clap: :clap: The Best Goverment Somaliland ever Had after Cigaal anyway so Far :sland: :sland: :sland: :sland: :sland: :up: :up:

!!! Dowlada Somaliland waxey Dhaqaalahi Cirka geysay Number 1 Thanks to Ina Xaashi! The Berbera Port Generates over $200.000 a Day, The Taxes from Qaad Generates over 50.000 a Day, The Annual income of Somaliland is expected over $300 million 2012 :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:

!!!.... Dowlada Silaanyo waxey Furtay... Boorame Airport + They fixed the Terminal wich hasnt been used for 20 years :up: and now for the first time Reer Boorame dont have to travel to Hargeisa to catch a Flight to Ethopia,djibouti, or Nairobi!

!!! Same thing with Burco, the Airport is finally opened after 4 years closed down! + the goverment spent 20.000 to fix the Terminal for the passengers and the runway!

!!! Berbera Airport--- The Goverment managed to open a second Terminal for berbera port spent 50.000 us dollars and did a great job... and also Berbera Port has been finally upgraded and the goverment spent over 200.000$

!!! The Goverment paid over 3.5 million Dollars to the Goverment staff, such as Teachers, soldiers and police.. Riyaale stole all their money and left the country in 21 million Debt, that money was for the Teachers, police, and the Army!


We are still waiting for President Axmed Silanyo to change the currency in Easten Somaliland and the Road from Burco to Ceerigabo 8-) 8-) 8-) 8-)

Your report is way more tangible. :lol:

Laakiin Dolarkan hoos u sii socda tolow maxaa ugu wacan?

User avatar
Elmi_Dheere
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 421
Joined: Mon Jun 06, 2005 3:22 pm
Location: Saylac

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby Elmi_Dheere » Mon Nov 08, 2010 4:17 pm

Kow !

I don't consider renovating a one-room terminal in an airport with a bucket of paint as waxqabaad. or ground-laying stone on road wtf?
Alot of bullshit no real development.

And I'm not even hating but truth hurts the blind followers of Siiraanyo , the country security is deteriorating to the worst level ever . Rayaale was the strong-man of Somaliland , KGB-trained with military background and his cabinet was full of competent and skilled both in security and development. Not ppl appointed on family ties....war heedhe odeyguu miyaanu xiishooneyn

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: THE FIRST 100 DAYS.........

Postby LiQaaye_TDH » Mon Nov 08, 2010 4:21 pm

Kow !

I don't consider renovating a one-room terminal in an airport with a bucket of paint as waxqabaad. or ground-laying stone on road wtf?
Alot of bullshit no real development.


And I'm not even hating but truth hurts the blind followers of Siiraanyo , the country security is deteriorating to the worst level ever . Rayaale was the strong-man of Somaliland , KGB-trained with military background and his cabinet was full of competent and skilled both in security and development. Not ppl appointed on family ties....war heedhe odeyguu miyaanu xiishooneyn
If you dont concider it much, Your so called Daahir Riyoole couldn not even afford to paint the Daamn Air :down: port


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 13 guests