Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ciid-ul Adha in Gedo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12573
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Ciid-ul Adha in Gedo

Postby XimanJaale » Thu Nov 18, 2010 6:34 am

http://www.allgedo.com/2010/11/18/sidee ... olka-gedo/

Shacabka ku dhaqan magaalooyinka kala gedisan ee Gobolka Gedo ayaa maalintii 3-aad u dabaal degya munaasabadda Ciiddul Adxaa oo kamid ah munaasabadaha ay u fantasyeeyaan Muslimiinta caalamka.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Beled-xaawo ayaa sheegaya in Kumanaan shacab ah ay ku damaashaadayaan wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi waxayna isdhaafsanayaan waxyaabo macmacaan ah oo ay isugu hadiyadeynayaan.

Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa iyana kamid ah meelaha sida farxadda leh looga oogay munaasabadda Ciidda, shacabka Gedo iskuma khilaafin dabaal degga ciidda, salaaddii ciidda ayay dadku ku dukadeen fagaarooyin ku yaal degmooyinka Gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Gedo u qaabilsan Xoogaga Islaamiyiinta Sheekh Bishaar ayaa shacabka ku dhaqan Gedo ugu hambalyeeyay soo gelidda munaasabadda Ciidda.

Gudoomiyaha oo shacabka kala hadlay Idaacadaha gudaha ayaa sheegay in shacabka Gedo ay sanadkan ku haystaan amaan iyo kala dambeyn wuxuuse ka tacsiyadeeyay shacabkii ku dhintay dagaallo dhawaan ka dhacay magaalada Beled-xaawo.

magaalada Caasimadda ah ee Garbahaareey ayaa lagu Gowracay Boqolaal neef oo udxiyo ahaan ay u sadaqaysteen dad Muxsiniin ah, shacabka magaaladaasi ay helay Hilib badan oo ay ugu deeqeen ganacsatada magaalada iyo dadka Jeebkoodu ladanyahay.

Magaalooyinka Ceel-waaq iyo Ceel-cadde ayaa iyana si heer sare ah looga dabaal degay Munaasabadda Ciidda, carruurta ayaa ku ciyaarayay qalabka ciidda sida Bastooladaha leyrka leh iyo agabyo kale waxaana sanadkan meesha ka baxay baaruudda ay caruurtu Bastooladaha ka ridaan.

Ganacsiga magaalada Beled-xaawo ayaa ah mid aad u sareeya waxaana wax kala gadasho saa’id ah laga dareemayaa qoobaha lagu iibiyo cabitaanada iyo waxyaabaha Macmacaanka ah.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay shacabka ku nool gobolka Gedo si isku mid ah ugu dabaal degaan munaasabadda Ciidul Adxaa, sanadkii lasoo dhaafe ayaa sidaan oo kale loogu damaashaaday ciidda.

Daahir Guuleed, Allgedo Online

:som:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests