good work mayarDegmada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaa laga bilaabay dhowaan howlihi canshuur uruurinta kadib mudo labo sano wax canshuur ah laga uruurinin degmadaas.
Duqa degmada Laasqoray Yuusuf Jaamac Dibad oo wareysi siinayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socoto howlihi lagu uruurinaayo lacagaha canshuuraha.
Wuxuu sheegay in Wasaarada arimaha gudaha ee Puntland ay iyadu soo jeedisay in dib loo bilaabo uruurinta lacagaha canshuuraha,isagoo xusay in maamulka degmada ay hirgeliyeen talaabadaas.
Duqa Laasqoray Yuusuf Jaamac ayaa intaas raaciyey in shacabka ku dhaqan degmada ay soo dhoweyeen arintaan balse ay soo jeediyeen in lacagaha laga uruuriyo wax lagu qabto arimaha amaanka iyo baahiyaha kale.
Dhanka kale degmada Laasqoray iyo degaanada kale ee ku dhow waxaa ka da’ay roobab mahiigan ah oo siweyn loogu diirsaday iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay halkaas ka jireen abaaro saameyey dad iyo duunyadu.



