Magaalada Damalam Xagare ee ka Tirsan Sanaag ayaa waxa ku suu qul qulaya Duubab deegaanka Maakhir ka Tirsan kuwaasi oo doonayan inay Waan Waan Nabadeed ku dhameeyaa Xuruf Soo kala Gaadhay Dad Walaalo ah oo Halkaasi degan, warka aanu Helayno ayaa Tibaaxaya in Gudi Odayaal ah ay ka Baxeen Magaalada Dhahar ee Hayland Caasimada u ah kuwaasi oo Sii Maridoona Magaalada Xingalool, Badha, Shinbiraal,e iyo Ceelbuh si ay isu Kaashadaan Odayaasha deegaanka.
Suldaan Siciid C/Salaan oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa isna xidhiidh la sameeyay dadka deegaanka iyo Odayaasha dalkii ku Sugan si Xal Waara looga gaadho Wax kasta oo ka dhaca deegaanka.
Dhanka Carmale iyo Xarunta Sanaag ee Ceerigaabo ayaa iyana waxa ka soo baxay Odayaal deegaanka ka soo jeeda iyada oo Magaalada Damal Xagare ay Maanta la Ciir Ciirayso odayaal Dhaqaameed Fara badan.
Guud ahaan Gobolada Hayland,iyo Sanaag ayaa inta badan waxa Talada loo Dayaa Odayaasha marka Mashaqo Noocan oo kale ay dhacdo.
Xafiiska Ceerigaabo
Muuse AHmed Faarax
Galgalanews@Gmail.com



