
Guddomiyaha Wargeyska Waaheen Maxmuud Cabdi Xuuto Oo Xoriyadiisii Dib Loogu Soo Celiyey
Hargeisa(OWN)- Xukuumada Somaliland ayaa Maanta duhurkii abaaro 12:00 duhurnimo xoriyadiisii dib ugu soo celisay Gudoomiyihii Wargeska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto), ka dib markii uu 24 saacadood si sharci daro ah ugu xidhnaa Xarunta dambi baadhista ee CID-da ee Magaalada Hargeysa.
Sii daynta Gudoomiyaha Wargeyska maalin laha ah ee Waaheen ka dib ayaa Waraysi kooban oo uu bixiyay wuxuu sheegay in aanu garanayn sababta rasmiga ah ee xorriyadiisa looga qaaday, waxaanu xusay in sifo ka baxsan sharciga loola dhaqmay iyadoo aan loo soo marin dariiqii sharciga ahaa, talaabadii lagu xidhaynta ay tahay wax gef ku af sharciga Saxaafada iyo Xorriyatal qawlkaba.
Talaabada shalay ay xukuumada Somaliland ku xidhay Suxifigan ayaa si wayn uga cadhaysiisay dhamaanba bahda saxaafada Somaliland, gaar ahaana bah-waynta saxaafada madaxbanaan, iyagoo si wayna u cambaareeyey xadhigan lagula kacay saxafigan.
Waa markii ugu horaysay ee ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xabsiga u taxaabta Suxufigii ugu horeeyay tan iyo intii ay xilka Dowladnimo la wareegtay, iyadoo saraakiil ka tirsan Xukuumadu baryihii la soo dhaafay xad-gubyo gacan ka hadal iyo af-lagaado isugu jira kula kaceen Suxufiyiin dhowr ah.
Oodweynenews/HargeysaOffice





