Posted by Lee Heelo on November 27, 2010 in Warar | 4 Comments

Tanyo bilowgii Sanadkan Waxaa Magaaladda Badhan ee Xaruunta Labaad ee Gobolka Sanaag ka socday Dhismaha Machadka Iqra Institute yadoo uu soo maray maraxlado kala duwan Waxaana dhawaan la filayaa in lasoo gaba gabeeyo.
Machadka Iqra Inqra Institute ayaa Waxaa dhismihii qeyb libaax ka qaatay islamarkaana u dhabar adeygay Jaaliyadaha dibada ee Reer Maakhir gaar ahaan Jaaliyada Reer Maakhir ee Magaaladda London ee Dalka Bretain .
Markan Machadka Iqra Wuxuu marayaa Meel Xaasasiya waxaana lagu rajo weyn yahay in dhawaan lasoo gaba gabeeyo, hadaanu nahay bahda LaasqorayNet Waxaanu dad weynaha soomaaliyeed ee khayrka jecel gaar ahaan reer Maakhir in ay ka qeyb qaateen dhameystirka Machadka Iqra.
Deegaanka Maakhir Waxaa la odhan karaa waayadan dambe waxaa ka socda Kacaan Waxbarasho yadoo sanadkan gudihiisa laga furay Dhowr machad iyo Jaamacadii Maakhir University ee mudada dheer reer Maakhir ku taamayeen.
Hoos ka Daawo Sawirada Machadka Iqra Institute
http://laasqoray.net/wararka-somalia/xa ... sawirro-4/



