Postby Siciid85 » Mon Nov 29, 2010 4:03 pm
New faces for UDUB party. Starting with getting rid of Cumar Jamac former xoghaya siyaasada UDUB.
Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Si Dadban Ugu Quus Gooyay Guddoomiyihii Siyaasada Xisbiga UDUB, Sheegayna In Ay Dib U Habayn Ku Sameynayaan Xisbigooda
(Hadhwanaagnews) Monday, November 29, 2010
Hargeysa (HWN) Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ahna, guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa Si dadban ugu quus gooyay guddoomiyihii siyaasada ee xisbiga UDUB, isla markaana cadeeyay in loo gudbin doono gudida anshaxa.
Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB ayaa sheegay in dib u habayn lagu samayn doono xisbiga si uu ula tartamo dhigiisa kale ah isla markaana ninkii wax gashanayana looga baahan yahay in uu qaadhaanka bixiyo.
sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta, ka dib markii ay isugu yimaadeen shir ay kaga arrinsanayeen aayaha dambe ee xisbiga,.
Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa tilmaamay in ay shaqadii uu hayay ka joojiyeen Guddoomiyihii Siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar jaamac.
Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Ninka maanta ku hadlaya inuu yahay guddoomiye xisbi siyaasi ah, xisbiga afar nin ayaa xisbigu shirwaynihii ku doortay, anagu waxay mudadii ku egtahay in aanu golihii dhexana diyaarino, gudidii fulinta oo ku meelgaadh ah ayaanu samayno, golaha dhexe iyo fulintuna waa ku meel gaadh oo ilaa lagu ansixiyo shirwaynaha rasmi ah noqon maayaan.
Taana waxa lagu kala baxayaa ninku sida uu u shaqaysto iyo inuu bixiyo qaadhaankii xisbiga, xisbigana la hawlgallo, markaa haddii nin wax ahaan jiray oo wixii ka tageen maaha inuu sheegto ama afkii xisbiga uu ku hadlo, horta cidii hadashayba anagu maanta (shalay) shir aanu lahayn waxaanu ku go’aansanay in cidii hadashay ee ku hadashay afkii xisbiga shaqadii uu xisbiga u hayay laga joojiyo, gudida anshax marintana loo gudbiyo.”
Mar uu la hadlayay bahweynta xisbiga UDUB waxa uu yidhi “Waxaan bahwaynta xisbiga UDUB u sheegayaa, xisbiga UDUB waxa uu ku tallo jiraa mustaqbalka haldoorkiisa haddii ay tahay golaha dhexe iyo haddii ay tahay gudida fulinba inay noqon doonaan dhiig cusub (Dad cusub), xisbiguna waa inuu noqdaa mid rasmi ah oo qaadhaankiisa dadwaynuhu bixiyaan, markaa anagu waxaanu doonayna haddii qaar is leeyihiin rag-baa meesha ku dhagan, ragan meesha ku ururay waxa laga yaabaa in aanay bari jooginm, laakiin maaha xisbigu haddii uu ka baxay saaxadii hogaaminta dalka in xisbigii laga dhaqaaqo oo uu burburo maaha, waa in xisbigii la gaadhsiiyaa shirwaynaha dambe, si uu u doorto hogaamiyayaal cusub.
Markaa waxaan leeyahay xubnahan jaraa’idka ku yooyootamaya wixii meesha yimaada waa ku meel gaadh, markaa waxaan leeyahay ninkii shaqaysanaya ee doonaya inuu noqdo xisbiyahan rasmi ah ha shaqeeyo hana sugo shirwaynaha dambe.”
Hadalkan Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB ayaa daba socday warsaxaafadeed uu shalay guddoomiyaha siyaasada ee xisbiga UDUB Cumar jaamac eeda guul daradii xisbigooda ka soo gaadhay doorashadii madaxtooyada dhabarka ugu saaray wasiirkii hore ee maaliyada Xuseen Cali Ducaale.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Last edited by
Siciid85 on Mon Nov 29, 2010 4:33 pm, edited 1 time in total.