
Gudiga Maakhir ee Nairobi ayaa Kulmay
November 29, 2010
By Axmed Muuse Dheere
Waxa shalay oo Taariikhdu ahayd, Nov,28 [2010] Kulan yeeshay Gudiga Jaliyada Maakhir ee dalka Kenya ku dhaqan, Kulankaasi waxa Marti Galiyay oo Qaban qaabada dhigay Afhayeenka Jaliyada Maakhir C/Qaadir Khaliif Cabdi Nuur [Saban Tuulo],ujeedka Kulanka Gudiga ayaa ahaa in layska warayso xaalidii ugu danbeeyay ee deegaanka.
1-Is Waraysi Gudiga iyo Xog uruurin Gudaha dalka.
2- Furitaankii Sanduuqii Dhaqaalaha ee Jaliyada.
3- Xidhiidhkii Jaliyadaha dibada oo Laga hadlay.
4- La Kulanka Hay’addaha Daneeya Arimaha Somaliya.
5-Dhiiri galinta Bulshada deegaanka dal iyo dibada.
Qodobadaasi ayaa ugu waynaa kuwa laga hadlay Shalay waxana Kulankaasi Joogay.
C/raxmaan Maxamuud Maacir
C/Qaadir Khaliif Cabdi Nuur
Saleebaan Cismaan Saalax
Ahmed Yaasiin Maxamuud Maxmaed Gees
Jaama Ayaanle Feyte
Kaltuun Mursal
Ayaan Muuse Ismaaciil.
Gudiga Loo Magcaabay Dhaqaalaha iyo Wacyi Galinta
Sheekh C/Salaan Cismaan Bulqaas
Gu. Saleebaan Cismaan Saalax
C/raxmaan Maxamuud Maacir
Nabadoon C/Laahi Xasan Xabeeb Goobe
Ayaan Muuse Ismaaciil
Ubax Suldaan C/laahi Cartan.
Dhanka Xidhiidhka Jaliyadaha Qurbaha
Jaamac Ayaanle Feyte ayaa Loo Magcaabay inuu xidhiidh Joogta ah la Sameeyo Jaliyadaha kale ee Reer Maakhir kuwaasi oo Daafaha Aduunka ku Kala Nool.
Waxa la Balamay Hadii eebe Idmo Maalinta Arbacada ah ee soo socda si Gudiga Warbixin kale looga Dhegaysto.
Jayliyada Maakhir ee Dalka kenya ayaa inta badan lagu Amaanaa inay ugu Fir Fircoonyihiin Marka laga hadlayo Abaabulka Shirarka iyo Dareenkoodii ay ka qaateen Dagaalkii Buuraha GalGala.
Waxa xusid mudan in Shir dhanka telefoonka ay yeesheen Qurba Joogta Maakhir iyaga oo ka soo qayb Galiyay Odayaasha dalka Jooga iyo Siyaasiyiinta deegaanka ee TFG, PL iyo Somaliland.
La xidhiidh Maamulka



