Masiirka Reer Maakhir Ka Weyn Dood Lagu Qabto Teleconference.
Posted by Lee Heelo on December 6, 2010 in Warar | 5 Comments
Indhawaalaba Waxaa Socday kulamo dhanka Taleefanka oo qaar kamid ah Jaaliyadaha Reer Maakhir ee Dibada qabanayeen kuwaas oo intooda badan ku dhamaada Fashil, Dhalinyaro huwan Magaca Jaaliyada Maakhir ee Mareykanka ayaa markan isku mashquuliyay Waxaan yaga iyo dadka reer Maakhir dani ugu jirin oo ah in ay qabtaan kulan taleefaneed lagu googaaleysto.
Habeenimadii Xaley aya Waxaa dhacay kulan dhinaca Teleefanka oo lagaga hadlayay Sidii Maamul loogu sameyn lahaa Deegaanka Maakhir Islamarkaana uga Madax banaanan lahaayeen Maamulada dhinacyada ka xiga, sida ay ii sheegeen qaar katirsan dadkii lagu casuumay shirkaas.
Shirkan Xaley ayaa waxaa ka horeeyay kulan kale oo ahaa Axadii hore oo lagaga hadlayay Xaalada Deegaanka Maakhir, shirkaas wax kasoo baxay majirin oo aan ka ahayn in dadku ka xun yihiin Mashaakilaadka kala duwan ee lasoo darsay Mandaqada Mudooyinkan dambe.
Waa Mihiim in dadku ka tashadaan Aayahooda oo is xogwereystaan bulshana waxay ku horu-martaa markay isku tashato, Bulshada Reer Maakhir gaar kuwa dibad jooga ah oo hore loogu xaglin jiray ka gaabinta dhinaca horu-marka deegaanka ayaa waxay markan la soo baxeen dhaqan aan horey loogu aqaan oo ah in ay habeen kasta shiraan hadana aysan waxba kasoo bixin oo shirkoodu noqdo biyo col dhaanshay
Shirarka badan ee aan lahayn ujeedada ayaa waxaa la rumaysan yahay oo la isku raacay in ay ku dhamaadan fashil waxayna noqdaan hal bacaad lagu lisay, Reer Maakhir waxaa looga baahan yahay in shirkoodu yeesho midho dhal
Ma Xuma in dadka Reer Maakhir Maamul Sameysto waana arin mihiima, hadaba waxaa is weydiin mudan dhalinyaro xiiqsan oo qiireysan ma dhisi karaan Maamul tankale Maamul caadifad lagu dhisay ma noqon karaa hana qaad waa maya sidaan filayo waxa loo baahan yahay in ay dadku si durugsan u farakaan oo meel fof wax laga eego
Sidee Lagu dhisi karaa Maamul amaba lagu horu-marin karaa Gobolada Maakhir waa wax simple ah marka afka laga leeyahay balse marka loo hawl galayo oo lagu dhaqaaqayo waxay u baahantahay karti iyo dadaal badan islamarkaana qofka ku dhaqaaqaya amaba bulshada ku dhaqaaysa waxaa laga rabaa in ay dhab ka tahay mawqifka ay aaminsan tahay
Waxaa nasiib daro ah in dadka reer maakhir isku wareeriyaan waxaan dhaafsiisaneyn afka amaba goobta ay markaas joogaan waxaan bulshada Reer Maakhir ka codsanayaa in ay iska dhaafaan maaweelada iyo sheeko xariirada oo ay si toosa u wajahaan Wixii ay awoodaan oo ay qaban karaan
Maamul u sameynta Deegaanka Maakhir waa in laga tashadaa dhamaan Isimada Deegaanka Waxgaradka deegaanka Culimada Deegaanka hadii kale wuxuu noqon doonaa maamul dad gaara dano ku fushadaan.
Ilaahow Tubta Toosan Na Garan Sii Adigaa Wax Walba Awoodee.
Qoraa Madax Banaan Yuusuf Sheekh Axmed
Maqaalkan kama turjumayo Aragtida ama Siyaasada Warbaahinta Laasqoray.Net Wuxuu gaar u yahay Qoraga oo laga xidhiidhi kara wixii talo tusaale ah.
Laasqoray.Net-



