This is a long story about Al-Itihad and their history in Puntland. The guy who is telling the story is one of those men who captured Abdulahi Yusuf.
Scroll down and see how Abdulahi Yusuf changed his name to Sheik Mohamed when he was caught. The author is calling him a coward and praising another dude for fighting with the captors. I think Abdulahi was the smart one.
This is the latest part they posted (13th) of god knows how many parts. I never knew sheikh Hassan Awes controlled Bosaso at one point. That's clear on the 12th section. So far I read 13th and partial 12th.
search this keyword "gaadh" or "gaadhay on "somalimemo.net I wen there to see the other side of the propaganda war.
Waxaan kala tagnay anaggoo sugayna in xabdaddu bilaabato iyo in nasri kale yimaado oo odayaashu isdhiibaan dagaal la’aan, mase dhicin oo xabaddii baa bilaabatay yaase bilaabay xabadda.
Akhristayaal waxaan galnay dagaal, marka waxaa loo baahan yahay inta dagaalku socdo oo lakala adkaanayo in aan ismaaweelino.
Bari baa waxaa jiray will iyo gabadh meel kuwada nool, ama hal reer jooga , wiilku wuxuu ahaa nin aan reerku dhalin oo shaqaale u ah ama ay adoonsadaan, gabadhuna waxay ahayd gabadh reerku dhalay oo aad loo kool kooliyo, sabankii baa xumaaday oo waxaa lagalay xilli dadku waayeen dhaqaale ku filan oo ay ama cunto ku gataan ama ku arad baxaan.
Gabadhii waxay u baahatay dhar cusub, xoolana lama hayo, waxay la tashatay aabeheed iyo hooyadeed, waxay soo jeedisay in dhar loo gado, jawaabtiina waxay noqotay hooyo maceenay hanti aan dhar kuugu gadno lama hayo aabihiina hadalkii ayuu hooyadii ku raacay. Waxay soo jeedisay fikrad ka maqnayd aabe iyo hooyo oo ah in ninkaan shaqaalaha ah suuqa lageeyo oo lagado wixii kasoo baxa oo hanti ahna lagu arrad bixiyo shirkiina waa xirmay ayadoon haa iyo maya toona ladhihin.
Muddaa la joogay aan badnayn, waxaa yimid wiilkii, wuxuu aabihii iyi hooyadii ka dalbaday fadhi degdeg ah, waa lakulmay, wiilkii baa hadalkii qaatay, waa ku dheeraaday, gunaanadkiina wuxuu soo jeediyay in gabadhaan aad dhasheen la’iiguuriyo aniguna aan xaqeedii ka soo baxo, shirkii waa xirmay waxaana lakala tagay ayadoon maya iyo haah toona la’oran.
Odagii iyo habartii fadhigiibay ku sii nagaadeen wiilkiina shaqadisii buu aaday, odaygii habartii buu jalleecay oo wuxuu ku yiri: Barrow iyo Barrey ismaba oga, waa labadii magac oo wiilka iyo gabadha ismaan dhaafsan. Qisadaan waxaan u keenay waxaa meesha ka socday u ek tahay waana idin xasuusinayay.
Wadaadadaan soo duulay waxay sii qorsheeyeen waxay ka samayn lahaayeen odayaashaan baas ee lakari la’yahay, waxay is weydiinayeen ma lay naa odayaashaan, ma xir-xirnaa, ma masaafurinaa, maxaan ku samaynaa!?.
Odayaashuna waxay sii qorshaysteen in wadaadadaan la qabto oo laga dhigo mid la dilo iyo mid loo masaafuriyo meeshuu ka yimid, waxayna ku mashquulsaan yihiin marka la laayo ninmankaan wixii ka hara dhaqaalihii ku bixi lahaa iyo ciddii bixin lahayd.
La’isma oga oo waa maankii Barrow iyo Barrey. Markii labadii col isku muuqdeen waxaa xabaddii bilaabay oo aan waxba u arkayn in dagaalku bilawdo isbahaysigii Cabdullaahi Yuusuf, maxaa yeelay malaha waaba lagu ka diyey ee ayagaaba soo socday.
Sadex meelood ayaa laga soo galay meeshii shirku ka socday oo ahayd xeradii ciidankii milatariga ee Garoowe (Qaybtii 54), dagaalkii wuxuu socday mudo aan ka badnayd 20 daqiiqo qiyaastii, waxaa gudaha loo galay meeshii shirku ka socday ,waxaa u xilsaarnaa in ay odayaasha qabtaan koox Kumaandows ah oo uu watay madaxii dagaal galinta Sarkaal Xuseen Cismaan Garyar Taqabalahullaahu, waana ku guulaysteen in ay qab qabtaan odayaashii oo aan hal qof wax ka noqon, lakiin Xuseen iyo raggiisii waa ku dhamaadeen oo waxa kaharay in yar Taqabalahumullaahu Ajmaciin.
Waxaa ragga dhameeyay intiisa badan oday Sarkaal ahaa oo xerada shirku ka socdo madax ka ahaa oo waayeel ahaa oo la oran jiray Maxamed Dirir, asagiina dhaawac ayaan ku qabannay, oo baabuur aan watay baan ku qaaday aniga idin lahadlayaa asagii iyo kuwa kale oo dhaawac ahaa oo ciidankiisii ka mid ahaa. Waxaan soo qabanay oo ilaahay nagu guuleeyay qolooyinkii afarta ahaa ee meesha ku shirasay oo aan ka yarayn qiyaastii inta u dhaxaysa 40-50. oo kulligoodna madax ah, waxayna ka kala yimaadeen gobolada Daaroodku dago oo dhan, waxay wadeeen Takhdiid loo dhan yahay oo larabay in wadaadadaan koonfur ka yimid laga dhigo mid la dilo iyo mid sida loo cayrsanayo la gaarsiiyo Wabi Shabeelle ama aan laga harin illaa ay ka talaabaan Wabi Shabeelle.
Waxaa cararay oo meel ay jaan iyo cirib dhigeen la waayey ciidankii difaacayey dhagarqabayaashaan la soo qab qabatay, ciidan kaasuna ma yarayn, sababtoo ah meesha waxaa ku shirayay Daarood oo dhan baa ladhihi karaa, maadaama ay joogeen cuqaashii u talin jirtay intoodii badnayd, ilaahay baase jabiyay, maxaa yeelay diintiisii bay la dagaalamayeen.
Waxaa dhamaday dagaalkii, waxaan galnay in la soo arruuriyo Shuhadadii iyo dhaawicii oo aan yarayn, waxaan ku soo noqonnay saldhigeeni i annagoo gaadhnay hadafkaan dagaalka u qaadnay, ALLAAH ayaana ku mahadsan, asagaa jabijay isbahaysatadii aan marna ku fa karin waad jabaysaan ama waa la’idin ka guulaysanayaa.
Meeshaan dagannahay waa meel bannaan ah oo aan dhir lahayn, waxaase ku yaalay dhufaysyo waawayn oo rabaani ah oo ilaahay nagu xifdiyay oo qofkii gala aan la arkayn asaguna ku arkaya , waxaa ku yaala toga dhexdiisa meelo sidii guryaha usamaysan oo aad habeen iyo maalinba dhex seexan karto, biyuhuna agtaaday qulqulayaan, inaad cabto, inaad k uqabaysato, inaad wax ku karsato intuba waa noo sahlanayd Alxamdulillaahi.
Maxaabiistii waxaan gashannay dhufaysyadii dhufays ka mid ah qorina iriddaa lagala istaagay oo isma dhaqaajin karaan, waxaa la bilaabay in l adiiwaan galiyo oo magacooda la qoro, mid mid baa loola kulmay, sheeg magacaaga oo sadexan ayaa lalahaa qofwalbaa, dhamaana waxaa laga qoray magiciisii oo sadexan. Dhalinyaraa qoraysay magacyada maxaabiista markay dhameeyeenna waxaa loo gudbiyay maamulkii sare ee ciidanka, waa la eeg eegay, waxaa laga waayay ninkii ugu muhiimsanaa magaciisii, waa kee ninku??? waa Cabdullaahi Yuusuf Yeey.
Waa la’isku dhex yaacay oo la raadiyay waxa jira oo Cabdullaahi ciidankii kala dhex baxay, waa la soo quustay, aad baana looga xumaaday in ninkii ugu muhiimsanaa balaayadaan la soo xereeyay laga dhex waayo maxaabiistii.
Wakhtigii wuxuu gaaray gabal gaab ama qorax dhac, ayagana waxaa lasoo qabtay subaxnimadiiba ama 9 subaxnimo qiyaastii. Cabdullahi ninkaan aqoon haduu arko umalayn maayo in uu yahay nin madax ah, mana ahan dadka dhalaala haday rabaan kareem ha marsadaane, malinkaasna waa isa sii dulleeyay oo madaxuu hoos u rogtay oo wuxuu isgashaday garka iyo laba dalaw ilmana ama oohinna waa qarsanayay, waana la garan waayay asagoo ciidankii maxaabiista ahaa ku dhexjira. Waxaa mudan in laga sheekeeyo maxabiista qaarkeed maalinkaas geesinimada ay muujiyeen waliba ayagoo yaqiinsana in la’layn doono oo mawdkii u jeeda Waxaan ka soo qaadanayaa hal nin oo ladhoho, Gen: Maxamed Abshir Hamaan.
U kala hiilin maayo labada nin oo waxaan ogahay in waligood loolan ka dhexeeyay waa Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Abshir Haamane, waxaanse markhaati ka ahay in maalinkaas lakala baxay oo ina YeeYna maradii ka qayday Ina Abshir Hamaana uu taagnaa meeshii Badar uu taagnaa Abuujahal!. Maalinkii Badar wuxuu sameeyay Abu jahal ayadoo inta dhaawac xun soo gaaray naftu kus ii daba yartahay ayaa waxa u yimid Cabdullaahi Ibnu Mascuud RDC, wuxuu damcay in uu madaxa ka gooyo si uu nabiga SCW u tuso madaxiisa, asagoo mindidii ku kirkiraya luquntiisa ayuu lahaa war Cabdullaahi yay guushii raacday? Cabdullaahina wuxuu yiri cadwgii ilaahayaw guushii waxay raacday Jeeshkii ALLAAH.
Waxaan ahaa raggii wax ka waardiyaynayay maxaabiista marbaan ku sigtay in aan laayo dhammaantood, waxaana arinkaas sabab u’ahaa Ina Abshir oo aan ka waayay war iga fogaw oo intuu dhuunta kaa soo galo ayaad isleedahay wuxuu kaaq aadan doonaa ama kula qabsan doonaa qoriga, markaad qoriga ku waabisana wuxuu akhrinayaa Qur’aan aan ka xasuusto macninihiisu in uu-ahaa: Nugudhicimayso ilaahay wuxuu noo qoromooyee, markaasuusan il kaa libiq sanayn, anna inta carooday ayaan waxaan damcay in aan dhulka lasimo ama laayo dhammaantood mase dhicin arintaasu.
Wallaaahi waxaan isaga daayay Mujrimiintaas in aan laayo in layiraahdo Culumadoodii bay gacan dhaafeen ama khilaafeen, oo maanta magacii dhalinyarada raacaa ka hari maayo oo waxaa la dhihi waa kuwii waagii inta khilaafay Culimadoodii sidaas ku jabay oo khayr ma leh!. Maalinkaas waxaa cadaatay in Ina YEEY fulay yahay bootoole ah Ina Abshirna geesi yahay, waxayse ahaayeen laba dambiile.
Qoraxdii baa dhacday, lakiin wali waa iftiin Cabdullaahina lama hayo, waxaa maxaabiistii soo dhex istaagay ama agtooda yimid nin askarta ka mid ah, ishuu mariyay asagoon waxdan ah kalahayn cidnana raadsanayn, wuxuu arkay nin Cabdullaahi uu u maleeyay, wuu kusoo dhawaaday, wuxuuna hubsaday in uu yahay Cabdullaahi Yuusuf, intuu dhaqaaqay oo madaxdii u tagay ayuu ku yiri maxaad u lahaydeen Ina yay waala waayay soo kan ciidanka dhex taagan, waa lasoo yacay, warmee? Wakaas Futajaariga buluuga ah qaba, waa dharkuu markaas qabay, Cabdullaahi gooni baa loola baxay, waxaa lag aqaaday imtixaan hor leh, waxaa la’ogaaday in uu sheegtay magaciisii magac aan ahayn, oo muxuu sheegtay? Wuxuu sheegaty Sheekh Maxamed, oo haduu og yahay in magaca culumadu sharaf lee yahay ama lagu badbaadayo maalinka ciriiriga la galo muxuu culumada u laynayaa oo ku imtixaamay, waataan la yaabanahay arrintaas!. Allaw ceebtayada astur, Cabdullaahi mana uu badbaadin waana is ceebeeyay,. Ma taqaan ninka gartay Ina YEEY? waa Cali Takar Taqabalahullaah.
Waxaa dhacay qorraxdii, waxaa la kala galay dhufaysyadii, waxaa lagu jiraa xaalad cakiran inkastoo muraalkii noo soo noolaaday markaan Cabdullaahi helnay, hadana colaadu sidii bay u taagan tahay, shuhadadii baa noo daadsan oo aan wali laxabaalin ama la’aasin, shirbaan loo kala kicin ay ku jiraan raggii taladu kago’day, waxaa la’isku mari la’yahay maxaabiistaan la qabtay qaabki iloola tacaamulilaah. walaw ragga meesha fadhiyaa uusan ra’yiga ku kala fogayn oo aan meeshaba khilaaf oolin ee ay tahay waxa laga doodayaa sida wax loo farsamayn lahaa ama raggaanu u kala dambi badan yihiin.
Walaalayaal aan-idin xasuusiyo meeshaan joognaa waa Garoowe, waxaana meesha nalaga xukumana waa Boosaaso, Boosaaso waxaa fadhiya taliskii guud ama golahii sare ee dawladda Al-Itixaad Al-Islaami, waxaa ka mid ah golah asare oo meesha fadhiya: Sheekh Xasan Daahir, Cabdi Casiis Faarax (lagujiray), Faarax Xasn Faarax iyo rag kale oo fara badan. Waxaa heegan buuxa ku jira ciidankii joogay Boosaaso Ma’aysan galin wax dagaal ah waase diyaar garoobeen oo magaladii bay meel walba ka fadhiyaan oo u diideen wax isu socod ah illaa warkayagu ka cadaado oo aan qabsanno Garoowe iyo madaxtooyaddii Garoowe oo ay markaas ku dhamaayeen wixii laga biqi lahaa in ay dadka dhibaateeyaan.
Ilaahay waa nagu garab galay oo waataan ku qabsannay magaaladii iyo madaxtooyadiiba saacad wax ka yar, waxaa kaloo guul soo hoyatay noqotay in sharwadayaashii oo dhan gacanta lagu hayo.
Boosaaso markay aragtay ciidankaan magaaladii meel walba ka fadhiya ayay lasoo hadashay Garoowe, waxaa loo soo sheegay in la qabsaday dhamaan magaalada iyo madaxdiiba, dagaalkiina dhammaaday. waxaa kaloo loo sheegay in wali raggii nool yihiin oo maxaabiis ahaan loo hayo.
Boosaaso salkay dhulka ku dhifatay oo waa is dhiibtay, qoryahoodiise ma’ay keenin oo nin waliba guri giisuu la galay qorigiisii, wadaadaduna ismaba oran dhibbaa ka imaan kara arintaas ah in nin waluba qorigiisii guriga la galo.
Waxaan galnay diyaar garow isdifaac ah. Magaalada waxaa dhankeeda koofureed ku wareegsan buuro iyo togag waawayn, waxaan ciidan dhignay wadda walba oo gurmad ka imaan karay.
Meesha looyaqaan Rabaable oo ay marto wadada Garoowe ka tagta ee Xamar aada un ajirta magaalada qiyaastii 30-40 km. waxaan dhignay ciidan aan lasoogudbikarin oo aad u hubaysan, wax Alla wixii buurta isdhaha ka soo dagana xabad bay sanka ka galiyaan.
Halkaas waddaa ka soo gasha dhinacaas, waa dhanka koofureed, dhanka bariga waxaa ayana ka soo gasha wadada dheer ee aada Boosaaso ama dhanka ayraboorka, ayadana ciidan xoog leh ayaan dhignay, dhanka Xasbahalle ama koonfur bari waxaa ka soo gala wadooyin yaryar, ayadana waxaan dhignay ciidan kufilan meeshaas, annaguna waxaan isku wareejinnay ciidan xoog leh, maxaabiistiina waxaa laga qabtay waardiye dheeraad ah ama waxaa lasiiyay feejignaan.
Isgaarsiintaan casriga ah ma jirin, waxaa lahaystay hal taar oo kaliya, waxaa soconayay habeenkii oo dhan wadahadalo ka dhexeeya taliskii guud ee Boosaaso fadhiyay iyo taliskaan Goroowe fadhiya oo gacanta ku haya Jabbaabiradaan la soo uruurshay sidii laga yeeli lahaa. Waxaan soo marnay in ay magaalada nooga yimaadaan culumo uu kamid yahay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Cabdalle Codwayn, Cali Xaaji, iyo Hoorri nin lagu magacaabo.
Wadaadadaasu maalinkii intii dagaalku socday guryohooday is nabeen, waxayna sugayeen natiijada iyo waxay ku dhamaato iyo macarakadaan Caramramka ah ama aad u culus.
Qoraxdii markay dhacday oo ay madaxa kor u qaadeenna waxay ogaadeen in magaladu faaruq tahay oo saakayba lagu kala baxay, dadkii magaalada camiri jirayna waxay noqdeen mid dagaalkaan labada kooxood u dhexeeye ka cararay si aysan xabadda wiiftada ahi ugu dhicin, mid gurmad raadsaday oo raba in uu soo rogaal celiyo, waxaa kaloo loo sheegay in gacanta lagudhigay wax Alla wixii saraakiil ahaa oo ciddulahayd.
Waxay u soo carareen dhankii Ikhwaanka ay ku ogaayeen. waxay galeen teendhadii madaxtooyada oo ay fadhiyaan sarakiishii ciidanka ugu sarraysay waxaana kamid ahaa: Col. Sheekh Maxamuud Ciise (Abuumuxsin), Col. Sheekh Siciid Maxamed (Oorfane), Sheekh Cabdulqaadir Cabdullaahi oo ah markaas sargaalka ugu sareeya goobta lajoogo Taqabalahumullaahu Ajmaciin. Amiin Amiin.
Wadaadadii magaalada ka yimid markay arkeen Saraakiishoodii, Cuqashoodii Culumadoodii iyo Waxgaradkoodii oo ilmirigle ah ama dullaysan oo maxaabiis ah ayay miyir daboolmeen oo is hayn waayeen, waxayna markiiba la soo boodeen war ragga sii daaya annagaa naqaanee! Wadaadadii Ikhwaanku waxay si sahlan u dheheen annaguba aqoon baan u soo qabannay!. markay arkeen waxay ka hadlayaan iyo waxa meesha yaalaa in aysan isu dhawayn ayay waxay bilaabeen in ay hoos uhadlaan oo ragga qaar lafaqaan.
Akhristayaal soo ma ogidin in ay noo yaalaan Shuhadadii iyo Dhaawicii oo larabo in qaarna la asturo qaarna la dabiibo oo dhiig joojin iyo faashado loo raadiyo, haa Allaylehe, hadaba yaanaan u kala harin gurmadka walaaleheen, mid biyo soo dhaamiya ,mid cunto soo kariya, mid daaweeya dhaawaca, iyo mid waardiyaha la qabta walaalihiis. waana inoo waabariga iyo wixii ka soo baxa culumadan lafaqaysa ciidanka qaarkiis.
Al-itihad Histoy - in their own words
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
Niya
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2955
- Joined: Sat Jun 02, 2001 7:00 pm
- Location: At the end of the tunnel, waiting for the light to come on.
Re: Al-itihad Histoy - in their own words
Al-Itihaad and Takfiirs in Puntland are fitna wadaayaal diinta ku dhuumanaayo. I hope PIS is keeping a close tab on them.
Re: Al-itihad Histoy - in their own words
Sxb for many of us the reading Somali language isnt our strong point, so it be great if you could provide a summary after you complete reading and understanding it.
Thanks
Thanks
- abdalla11
- SomaliNet Super

- Posts: 8228
- Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
- Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one
Re: Al-itihad Histoy - in their own words
Interesting read. As far as i know al-itixad had the control of basoso port but they were too extreme and wanted total control. They captured 50 odayaal including the islaan of beesha and AY. Xassan daahir played smart and ordered a man who had the same qabiil as the majority of the odayaal to do the excution, AY made the famous qoute 'hadaad idhishiin waad ka washlayneysiin hadaad ideysiina waa ka shaleyneysiin'. When they were released AY didn't waste a day and attacked them. The capture of the odayaal was an eye opener even Abdulqaadir Gacamey, one of the founders of al-itixad left them.waryaa wrote:This is a long story about Al-Itihad and their history in Puntland. The guy who is telling the story is one of those men who captured Abdulahi Yusuf.
Scroll down and see how Abdulahi Yusuf changed his name to Sheik Mohamed when he was caught. The author is calling him a coward and praising another dude for fighting with the captors. I think Abdulahi was the smart one.
- Shift
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1740
- Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
- Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin
Re: Al-itihad Histoy - in their own words
Intresting read.
Re: Al-itihad Histoy - in their own words
Youtube version?
Re: Al-itihad Histoy - in their own words
estarix, I'll see what i can do after i read all the series.
Hearing history from the 1st hand is priceless. we somalis don't document things as they happen and that's we are called oral society.
Hearing history from the 1st hand is priceless. we somalis don't document things as they happen and that's we are called oral society.
- muftaax
- SomaliNetizen

- Posts: 626
- Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
- Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir
Re: Al-itihad Histoy - in their own words
Estarix wrote:Sxb for many of us the reading Somali language isnt our strong point, so it be great if you could provide a summary after you complete reading and understanding it.
Thanks
Watchout for this one
- kambuli
- SomaliNet Super

- Posts: 17268
- Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
- Location: Proud Toothless Old Faqash Woman
Re: Al-itihad Histoy - in their own words
The sad part is, when they attacked and killed people and got killed, they did a press release in Jabuuti later on and said "It was wrong to do the attack they made"
Goormay hadlayaan ma goor naf iyo maalba la burburiyey 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 40 Replies
- 3479 Views
-
Last post by Murax
-
- 12 Replies
- 1000 Views
-
Last post by shiniile9
-
- 22 Replies
- 1468 Views
-
Last post by Shirib
-
- 3 Replies
- 375 Views
-
Last post by CoolPoisoninthisbijj
-
- 1 Replies
- 362 Views
-
Last post by KuwaitiBoy
-
- 6 Replies
- 469 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 0 Replies
- 383 Views
-
Last post by musika man
-
- 26 Replies
- 2062 Views
-
Last post by gurey25
-
- 33 Replies
- 9507 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 29 Replies
- 1947 Views
-
Last post by BABYGIRL123