Moderators: Moderators, Junior Moderators
hadda nahay reer bari waagii hore waanaga badiyay bahasha sababo jiro awgood sida saacadii weyneed ee stadion mugdisho ku taalay ayaan fiirsan jirnay lakin hadda waan naqaan kubada Home ayaa nahay reer bay,bakool,kismaayo,muqdisho waan qaqabaneynaa koobkana waan qaadeynaa insha allah, VIVA G.BARI






you remind me of my Friend called WarsanGO
BANADIR
GO!!!!!
![]()


is that u?:+D


Halyeey Cabdi Bile Cabdi oo Maanta Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe
December 28, 2010 |
Halyeyga Soomaaliyeed ee Cabdi Bille Cabdi ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe, waxaana Halyeygu uu si toos ah ugu gudbey garoonka Mire Awaare halkaas oo ay ka socdaan ciyaaraha gobolada Soomaaliya.
Halyeey Cabdi Bille Cabdi ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey kumaankun qof ee u soo daawashada tegay ciyaartii xiisaha lahayd ee Nugaal iyo Banaadir taas oo loogu baxaayey ciyaarta kama danbeysta ah.
Sida aan ka soo xiganayno masuuliyiinta Puntland Halyey Cabdi Bile Cabdi ayaa saxaafadda la hadli doona maalinta berri ah, muhimadda u weyn ee uu u yimid magaaladfa Garoowe ayaa ah in uu dhiiri geliyo ciyaaraha iyo sidii loo soo nooleyn lahaa Isboortigii Soomaaliya ee muddada 20 sano ah burbursanaa.
Cabdi Bille Cabdi ayaa ahaa halyeygii sharafta u soo hooyey dalka Soomaaliya kadib markii uu noqdey sanadkii 1987-dii horyaalka dunida ee orodka 1500 miter, kuwaas oo lagu qabtey magaalada Roma ee dalka Talyaaniga sidoo kale sanadkii 1989-kii ayuu ku guuleystey IAAF World Cup magaalada Barcelona, waxaana uu magaca Soomaaliya ku xariiqey taariikhda Isboortiga ee dunida.
Daawo Soo Dhaweyntii loo sameeyey markii ay cayaartu socotey:
[youtube]OevPadDNiQA&feature=player_embedded[/youtube]

Return to “General - General Discussions”
Users browsing this forum: No registered users and 62 guests