Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
Xasan Daahir iyo ururkiisa Xisbul Islaam oo ku biiray Al Shabaab.
Muqdisho:( Sh. M. Network) Sid ay Shabelle u sheegeen ilo lagu kalsoonyahay, hogaamiyihii ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, saraakiishiisa iyo dhamaan ciidamadii Xisbul Islaam ayaa galabta si rasmi ah ugu biiray xarakada Al Shabaab.
Inkastoo munaasabad ay ku midoobayeen aysan dhican hadana wararka hordhaca ah ee Shabelle ay haleyso ayaa ku waramaya in maalmihii la soo dhaafay ay jireen kulamo gooni gooni ah oo dhex marayay saraakiil ka wada tirsan Xisbiga iyo AL Shabaab kuwaasi oo looga hadlayay sidii labada dhinac ay u midoobi lahaayeen, hase ahaatee galabta ayaa hogaamiyaha Xisbul Islaam iyo ciidamadiisa waxaa ay si rasmi ah ugu biireen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Xarumaha Ciidan ee Xisbigu ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho iyo deegaanada loobarakacay ee duleedka Muqdisho, ayaa waxaa durbadiiba caawa la wareegay ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyadoo Ciidamadii kale ee Xisbul Islaamna ay ka mid noqdeen Ciidamada Al Shabaab.
Goobaha ay Caawa la wareegeen Ciidamada Al Shabaab ee ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Xisbiga ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Falaronza, Howlwadaag, saldhiga Hodon, Saldhiga Huriwaa iyo deegaanada loo barakacay oo ay ka mid yihiin Siinka dheer, Ceelasha biyaha, Lafoole Carbiska iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo ahaa meelihii yaraa ee ay gacanta ku hayeen Ciidamada Xisbul Islaam.
Ilo ku dhow dhow Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Shabelle u sheegay in Sheekha Xasan oo ay wehliyeen saraakiil ay ka mid ahaayeen Sheekh Xasan Mahdi, C/qaadir Kumaandoos, Macalin Xaashi iyo xubno kale oo ka tirsanaa Xisbul Islaam laga dhigay saraakiil ka tirsan Xarakada AL Shabaab inkastoo aan wali la shaacin jagooyinka rasmiga ah ee ay Shabaab ka qabanayaan.
Ilaha ku dhow dhow Sheekh Xasan Daahir waxaa ay intaasi ku darayaan in Maalmihii la soo dhaafay ay jireen Cadaadisyo saarnaa Sheekh Xasan Daahir inkastoo ay ka gaabsadeen inay faah faah ka bixiyaan meelaha ay cadaadisyadaasi ka jireen.
Munaasabada ay ku midoobayaan labada dhinac oo ay ka qeyb galayaan saraakiil ka tirsan Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho ama duleedkeeda.
Midowga Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa neef ka soo fujiyay barakacayaasha ku dhibaateysan deegaanada loo barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ka cabsi qabay in Shabaab iyo Xisbul Islaam ay ku dagaalamaan dushooda maadaama xiisado dagaal oo u dhaxeeyay labadaasi dhinac ay ka taagneyd deegaanadaasi.
Arintaani ayaa ah guul in badan ay ku taamayeen Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo sanad ka hor bilaabay inay kala jajabiyaan Ururka Xisbul Islaam, hase ahaatee waxaa la is weydiinayaan halka uu cirib dhigi doono Xasan Daahir Aweys oo qaar ka mid ah Al Shabaab aysan la dhacsaneyn siyaasadiisa, waxaana suura gal ah in Xasan Daahir siyaasadiisa ay meesha uga baxdo si la mid ah sidii loo waayay siyaasadii Sheekh Xasan Turki uu horay ugu mid ahaa Xisbiga balse ku biiray Al Shabaab kaasi oo warkiisa iyo howlgaladiisa ay u dambeeyeen Maalintii uu ku biiray Al Shabaab.
Al Shabaab sidoo kale waxaa u suura gashay inay gacanta ku dhigaan deegaano iyo degmooyin in badan ay ku taamayeen in ay Maamulaan oo ay ka mid tahay deegaanka Ceelasha biyaha halkaasi oo xiligaan uu ka jiro ganacsi xoogan, waxaana lacagta kaga soo xarooneysa shirkadaha ka howlgala halkaasi Al Shabaab ay u arkaan mid kaabeysa dhaqaalahooda.
Saraakiishii Xisbiga ee galabta ku milmay AL Shabaab ayaa horay iyagoo u heysta inay yihiin kuwa isku kalsoon waxaa ay diideen inay ku biiraan Al Shabaab, balse waxaa ay xaajadu ku xumaatay markii Maamulo ka tirsanaa Xisbiga oo ay isku haleynayeen si la tashi la’aan ah ay ugu biireen Al Shabaab, waxaana Maamuladaasi Baladweyne, kuwii ka jiray degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, Bay iyo Maamuladii ka jiray ilaa 4 deegaan oo hoostaga Tooratoorow kuwaasi oo dhamaantood hoostagayay Xisbul Islaam.
Talaabadii ugu dambeysay ee Xalay Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Luuq uu ugu biiray AL Shabaab ayaa la sheegay in ay soo dadajisay ku biiritaanka Xasan Daahir iyo Ciidamadiisa ay uga mid noqdeen Xarakada Al Shabaab.
Al Shabaab oo horay fariin sarbeeb ah u diray Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam oo sanadkii la soo dhaafay kula dagaalamay Magaalada Kismaayo ayaa yiri ( Imaa Shariif, wa imaa Shacab wa, imaa Shabaab) taasoo micnaheedu yahay Xisbul Islaamoow doorta ka mid noqashada Shacabka, ama dowladda Shariif hadii kalena Shabaab.
Isku soo wada duuboo haatan Siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa isugu soo haray Xarakada AL Shabaab oo gooni u taagan, iyo dowladda KMG, AMISOM, Ahlu Sunna iyo Garabka Xisbul Islaam ee uu hogaamiyo Sheekh Yuusuf Indhacadde kuwaasi oo ku mideysan la dagaalanka Xarakada Al Shabaab oo haatan ka talisa gobolo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya

- Coeus
- SomaliNet Super
- Posts: 11709
- Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
- Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
So what? He will be remembered as a loser, always standing on the wrong side of history.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
coeus why dont you answer my question?Coeus wrote:So what? He will be remembered as a loser, always standing on the wrong side of history.
please go to the general section, I created a thread inviting you.
- Coeus
- SomaliNet Super
- Posts: 11709
- Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
- Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
Saaxib i will answer your question, just give me a hour or soThe_Patriot wrote:coeus why dont you answer my question?Coeus wrote:So what? He will be remembered as a loser, always standing on the wrong side of history.
please go to the general section, I created a thread inviting you.

-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
who are you going to ask your dad or are you running to the library

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
aways is on his way to destroy the black bantu infidels 

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
The_Patriot wrote:who are you going to ask your dad or are you running to the library![]()
![]()

- Cirwaaq
- SomaliNet Super
- Posts: 6472
- Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
- Location: Event Horizon periphery... HIILumination
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
Interesting development...
Allah protect the innocent.
Allah protect the innocent.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
Executive wrote:Good move
Aways wa nin qadiyad leh maha sida sh dalxiis oo marba tuuto been beena so xiidha oo Hillary clintion gacanta ka saalaxa

-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
If the two groups could have fought more than 200 civilian lives would have been lost within a week.
- Coeus
- SomaliNet Super
- Posts: 11709
- Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
- Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
The_Patriot wrote:who are you going to ask your dad or are you running to the library![]()
![]()

- abdisamad3
- SomaliNet Super
- Posts: 12628
- Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
- Location: Kismayo
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
shariif dameer doing the devils sign

-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Breaking News: Aweys joins Alshabab, and become soldier!
abdisamad3 wrote:shariif dameer doing the devils sign
lol, you really believe that shit?
it doesnt say anywhere in the quran nor hadith about devil's sign. So who is committing now bidcah?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 22 Replies
- 2362 Views
-
Last post by ababanoah
-
- 1 Replies
- 244 Views
-
Last post by eliteSomali
-
- 7 Replies
- 1109 Views
-
Last post by original dervish
-
- 7 Replies
- 714 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 3 Replies
- 694 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 41 Replies
- 2662 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 20 Replies
- 1872 Views
-
Last post by North brother
-
- 2 Replies
- 390 Views
-
Last post by original dervish
-
- 1 Replies
- 311 Views
-
Last post by noer
-
- 0 Replies
- 400 Views
-
Last post by canood