War Deg-Deg ah: Shacab iyo Shabaab ku dagaalamaya Afmadoow Dusheeda
Published: 20 December 2010
Kn: Waraabe daalay dirirtiisaa loo dhacaa, waxay ahayd maahmaah, dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah ayaa ciidamada Alshabaab ee Afmadoow kala hortagay dagaal iyo iska caabin kadib markii ay maamulka damceen in ay xoolo kasoo aruuriyaan
Wararka ka imanaya deegaanka miyiga ah ee Afmadoow kaga began dhanka waqooyi waxay sheegayaan in dagaalka oo la’isu adeegsanayo hubka fudfudu uu socdey illaa gabal dhicii maanta
Gurmad Alshabaab ah ayaa Afamadoow ka baxay, iyadoo ay shaqaaqada cirka isku sii shareereyso xilli gudaha magaalada xitaa ay ka taagantahay xiisad kale oo ka dhalatay dilkii wiil dhalinyaro ah oo kubbad ay Shabaabka ku dilleen
Wali ma heyno faahfaahin intaasi dheer
KismaayoNews.com




