Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Foreign minister of Somalia delivers interesting comments

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Foreign minister of Somalia delivers interesting comments

Postby Coeus » Sun Jan 16, 2011 12:31 pm

Image


Wasiirka Arimaha Dibedda ee Dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo todobaadkan isaga iyo wefti uu hogaaminayey ku sugnaayeen magaalada Oslo, ayaa mar uu la kulmay xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee dalka Norway, ayaa waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay, sifihii uu ugu biiray dawlada Sheekh Shariif sanadii 2009 iyo ciddii la ogayd.


Maxamed Cabdillaahi Oomaar waxa kale oo uu ka hadlay, waxa lala maagan yahay shacabka iyo dawlada Somaliland, wixii ka dambeeya bisha Siddeedaad ee Sanadka 2011.

Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay In bishii koowaad akhirkeedii sanadkii 2009 isaga oo Hargeysa ku soo socda uu Jabuuti ku soo maray Sheekh Shariif, halkaana ay shan daqiiqo kulmeen, dabadeedna uu Hargeysa usoo ambabaxay. Laba todobaad kadib isaga oo marxuumkii Aabihii la qadeynaya in uu soo wacay Raysal wasaarihii Cumar Cabdirashiid, kuna yidhi arintaasaanu(Xilkaasaanu) isla soo qaadnee, maxaad ka odhan lahayd.


”Waxan ugu jawaabay maba xumee, laakiinse Somaliland baan jooggaaye bal horta waa inaan iyada weydiiyaa, in aan iska soo dhaqaaqo oo idhaahdo waa ikan wax caqliga gala ma aha’e.

Adigu Odayaashii iyo Cuqaashii baan u tagay oo aan u bandhigay, Saddex Saacadood kadib, waxay iigu soo jawaabeen Adeer haddii aad na weydiisay waad fasaxan tahay. Waan ka tegay Saraakiishii SNM ayaan doontay, Maxamed Kaahin, Dhagaweyne iyo Cali Guray iyo Qayrkood, waxay igu yidhaahdeen haddaad wax na weydiinaysaba waad wanaagsantee orod oo iska tag.

Markaa annigu kumaan tegin mansab raadis, mansabkeeda iyo nabadeeduna wax la hubo may ahayn. Balse anniga waxay iigu muuqatay, wakhti lagu qanco in dhibaato jirto waynu soo marnay, in meel uun lagu dhego oo maya la yidhaahdo waa laga fiican yahay. Kolkaa in la baadho dariiqooyinka jira, waxaanan isbarbardhigay laba shay:


Ka bilow Gigaal illaa Rayaale oo markaa joogay iyo Axmed oo markaa ahaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye illaa Odayaasha Guurtida. Qolo waliba waxay lahayd Koonfuri maalintay wax noqoto ayaanu la hadlaynaa, taa micnaheedu waxay ahayd bal meeshaa intay wax ka unkamayaan in la sugaa.

Qodobka labaad: Labaatan Sannadood baynu sugaynoo waa iska laalaadnaa, xal meesha jiraana ma muuqdo. Anniguna siyaasi ma ahayn, haddii aan siyaasi ahay kuma dhiiradeen, balse danbaan u arkay. Kolkaa waxan isweydiiyey haddii aad ku jirtid xaalad la iska laadlaado, maxay dhaxli doonaan jiilka yaryari? Koonfuri tashan kari wayday, innaguna danteena u seegi mayno, lahadli mayno.

Markaa waxan is idhi, haddii aad wax ka gaysan karo iyaga inta wax lala dhiso, hadhowto labada dawladood ha is hor-fadhiistaan oo iyagu go’aan ha ka gaadhaan, waa wax fiican haddii taa la heli karo.

Markaa haddii aan soo koobo, intii aanan tegina dad waa weydiiyey, markaan tegayna si san in aan uga hawlgalo waan ku dadaalay ”Xamartaa la leeyahay hanti iyo daaro ayuu raadsaday Huteel baan kaga jiraa,”
ma garatay!.

Mar uu ka hadlayey waxa lala maagan yahay Somaliland, wixii ka dambeeya bisha siddedaad ee sanadkan, wuxu yidhi: annigu waan ka hadlay waanan ku dhex jiraa, haddadaa aynu joognana iyo Siddeeda Bilood ee soo socdana waxa loo baahan yahay in wax la isla meel dhigo. Go’aankana idinkaa la idinka rabaa, sababtoo ah imika nidaamka socdaa waa dawlad ku meel-gaadh ah, bisha siddeedaad wixii ka dambeeya, Dastuurka cusub inta la dhaqangeliyo waa in loo gudbaa dawlad Federaal ah. Waxa laga baxayaa dawlada ku meel-gaadhka ah, waxaana loo gudbayaa dawlad rasmi ah.

Micnihii markaa muxuu noqonayaa, haddii aanay Somaliland ogayn oonay go’aan ka keenin, dadkeediina ka tashan. Iyada oo dad kale iska wataan bay ku daneysanayaan oo meeshay rabaan ka gaadhayaan. Kolkaa annigu waan ku dhex jiraa, qodob baanan taaganahay, qododkaasina mid la iga furfurayo maaha, laakiinse hiil baan u baahanay. Hiilku muxuu yahay? Waar dalka dhami hal sharci buu ku taagan yahay, sharci kaliya ayaa aasaaskiisa oo dhamiba yahay, kaas oo ah ”Act of union”. Laba dawladood baa isu yimi, qoraal bay kala saxeexdeen, kaas ayaa abuuray Somali Republic. Heshiiskaas ayaa yaalla Security Councel-ka, Africa Union-ka iyo Arab Leage-ga, kaasaanay aqoonsan yihiin.

Annigu waxan taaganahay Baydhabo iyo Kaalkacyo lama mid aha Gobolada Waqooyigu ee Koonfur oo kaamil ah iyo Waqooyi oo kaamil ah baa isku darsamay oo heshiis caalamiya ku midoobay. Markaa horta halkaa ha laga bilaabo, annigu halkaasaan taaganahay ee maxaa idinla gudboon.

Image

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Re: Foreign minister of Somalia delivers interesting comment

Postby Coeus » Sun Jan 16, 2011 12:44 pm

:lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 31 guests