
Maxkamada darajada kowaad ee laanta dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta xukun ku riday ilaa 6-nin oo lagu soo eedeyey falalka Burcadbadeednimada.
Lixda nin ee maanta la xukumay ayaa bartamaha bishaan Xeer ilaalinta maxkamada soo gudbisay dacwado ka dhan ah oo ku saleysan falal Burcadbadeednimo,waxaana ay kala yihin ragga la xukumay;
* Abshir Cabdullaahi Cabdulle
* Khadar Axmed Maxamed
* Maxamed Cabdirisaaq Kulan
* Cumar Cismaan Maxamed
* Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan
* Cabdiwaaxid Jaamac Maxamed
Guddoomiyaha maxkamada dambiyada culus ee Puntland Maxamed Xareed ayaa ku dhawaaqay xukunkooda,waxaana uu sheegay in midkii lagu xukumay 5-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 50-milyan oo shilin Soomaali ah una dhiganta $1,700-doolarka Maraykanka.
Ragga maanta la xukumay ayaa goobjoog ka ahayn maxkamada xilliga lagu dhawaaqayay xukunka.
Dhinaca kale maxkamada ayaa sii deysay eedeysane Cabdi Fu’aad Axmed Nuur oo isagu lagu eedeyey falalka Burcadbadeednimada laguna waayey.
Xukunada lagu riday raggaas ayaa loo cuskaday sharciga ka dhanka Burcadbadeeda ee sanadkii lasoo dhaafay ay ansixiyeen mudaneyaasha Baarlamaanka Puntland.
Horseed Media



