Dowladda Somalia oo ku eedeysay Puntland Midab takoor ay ku haayan dadka koonfurta kaso jeeda
Dowladda kmg ee Soomaaliya ayaa eedeyn aad culus u jeedisay maamulka uu madaxweynaha ka yahay DR. C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole”, iyadoo ku eedeysay in uu midab takoor uu ku haayo shacabka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.
Dowladda ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Puntland uu faraha kula jiro midab takoor ba’an oo ka dhan ah shacabka kasoo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool.
Maxamed Cali Cusmaan “Diinsoor” oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee dowladda Somaliya oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu cambaareynaayo ficilka uu maamul goboleedka Puntland uu kaga xaalufiinaayo deegaanada uu ka taliyo dadka kasoo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Diinsoor ayaa sheegay in maamul goboleed Puntland uu midab takoor ba’an uu ku haayo dadka kasoo jeeda gobolada Baay iyo Baay, isagoo intaasi ku daray in’ay ganacsi xoog leh ka sameysteen magaalooyinka waaweyn ee Puntland, hase ahaatee wuxuu sheegay in’ay ka xun yihiin ganacsiga ay halkaasi ka wadaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay markasta oo ay qaraxyo ka dhacaan ama wax-yeelo kale ay ka dhacdo magaalooyinka waaweyn ee Puntland, in uu maamul goboleedka Puntland uu gacanta kusoo dhigo shacabka kasoo jeeda Baay iyo Bakool, deetana wuxuu u soo tarxiillaa buu yiri Koonfurta dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cali Cusmaan “Diinsoor” ayaa sheegay in dad badan ay kasoo wadeen Puntland, iminkana ay ku sugan yihiin magaaladda Muqdisho, kadib markii buu yiri aanu u adkeysan weynay midab takoorka uu maamulka Puntland uu ku haayo shacabka kasoo jeeda Koonfurta.
waa markii ugu horeysay oo mudane ka tirsan baarlamaanka xukuumadda kmg ee Soomaaliya uu shaaca ka qaado, in maamul goboleedka Puntland uu midab takoor ba’an ku haayo shacabka kasoo jeeda Koonfurta, gaar ahaan kuwa Baay iyo Bakool.



