Cali Asad : Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Hargeysa Oo Ku Geeriyooday Jabuuti
February 3rd, 2011 Comments Off
Jabuuti (Somaliland.Org)-Alle ha u naxariistii Badhasaabkii hore ee gobolka Hargeysa Cali Xasan Maxamuud (Cali Asad), ayaa maanta ku geeriyooday dalka Jabuuti oo loo geeyay xaalad caafimaad.
Alle ha u naxariistee waxa la sheegay inuu marxuumku muddo u jiifay xanuun, sidaasna waxa shabakada Somaliland.Org u xaqiijiyay mid ka mid ah asxaabiitiisa oo ku sugan magaalada Hargeysa.
Marxuum- Cali Xasan Maxamuud ( Cali Asad ) waxa maydkiisa laga soo qaadi doonaa dalka Jabuuti waxaana lagu aasi doonaa Magaalada Hargeysa caasimada Somaliland.
Ilaahay ha u naxariistee Cali Asad, wuxuu hore dalka uga soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha fulinta dawlada Hoose ee Hargeysa, Maayarka Caasimadda, Wasiir Ku Xigeenka Macdanta, Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hareysa iyo Badhasaabka Gobolka Hargeysa.
Marxuumku wuxuu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbigii UDUB waxaanu la soo shaqeeyay Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland ee Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin.




