xili uu ku sugnaa hotel uu ka deganaa.
Waxaana uu ku jiray nasasho gaaban isaga oo u soo socday dhanka gobolka Cayn, gaar ahaan magaaladda buuhoodle oo xiligan ay ka jiraan abaabul dagaal oo ka dhan ah maamulka Somaliland.
Sida Warar lagu kalsoonyahay ay sheegeen in ciidamo ka tirsan maamulka puntland oo laba tikniko ah siday ka kaxaysteen hotelkii uu ka deganaa magaaladda Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, mana jirto war ka soo baxay maamulka puntland oo la xidhiidha xadhiga Xoghayaha difaaca SSC.
Maalmo ka hor bay ahayd markii uu xoghayaha difaaca SSC uu shir jaraaid ku qabtay magaaladda muqdisho oo todobaadadii ugu dambeeya ku sugnaa isaga oo xiligii uu shirka jaraaid qabanayay sheegay inay qorshaynayaan in si deg deg ah oga saari doonaan maamulka Somaliland iyo ciidamo beeleedka kusoo duulay kalshaale.
Weli ma cadda in labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ay iska kaashadeen xadhiga xoghayaha difaaca SSC oo isaga hadda u waday bulshadda SSC hawlo baaxad weyn dhinaca ciidamada iyo difaaca.



