waa labo is xiga. Both are Rer Shirwa (Rer Ugas Shermake) bal dhageyso what this mangaab Bare Qoje talks about
Beledxaawo(Saadaal Media) Barre Maxamed Faarax (Barre Qooje ) waxaa uu ka mid yahay masuuliyiinta ugu saraysa ururka Al shabaab ee gobolka gedo waxaana uu yahay nin arimo badan lagala tashto marka laga fulinayo guud ahaan gobolka Gedo isagoo.
Barre Qooje waxaa uu sheegtaa in uu yahay mujaahid difaacida diinta iyo dadka Soomaaliyeed oga yimid dalka South Afrika halkaas oo uu ka ahaa ganacsade balse howlahaas oo dhan uu isaga soo tagay kadib markii uu arkay dhibaatada dalka ka jirta isagoona ku biiray ururka Al Shabaab ee haatan ka taliya inta badan gobolada dalka Soomaaliya.
Beesha dagta gobolka Gedo waxaa ay ku eedeeyaan Barre qooje in uu u gaystay tacadiyo badan gaar ahaan markii uu dhacay dagaalkii u dhaxeeyay Ahlu Sunna iyo Al Shabaab ee ee kol hore ku dhex maray dagmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayadoo la sheego in Barre Qooje uu amray in la dilo oo qudha laga jaro dhalin yaro dhowr ah oo dagaalkaasi dhaawac ahaan ay ururka Al Shabaab ugu qabteen.
Ninka sidaasi ah waa qof noocee ah diinta uu sheeganayo sideebuu ugu dhaqmaa ma yahay qof runta ka sheega waxaa uu afka ka yiraahdo ee ah in uu kitaabka ilahay wax lagu dhaqo qabyaaladna ay ka fogyahiin ururukooda .
Dad badna o somaliyeed oo ku dhaqan gobolka Gedo waxaa ay isweydiinayaan mar hadii uu sidan yahay ninkaan sheeganaya in difaacida diinta uu oga yimid dalka fog maxaad moodaa kuwa kale ee ka sareeya ama ka hooseeya ee haatan dalka jooga.
Dhagayso warbixin dhexmartay Barre Maxamed Faarax (Barre Qooje ) oo ah sargaal sare oo ka tirsan ururka Al Shabaab ee gobolka Gedo iyo masuul kale oo ka tirsan ururka Ahlu Sunna ee ku sugan dagmada Dolow ee isla gobolka Gedo oo ay jifo ahaan isxigaan Barre Qooje .
DHAGEYSO HERE
http://www.zshare.net/audio/86735085df817fde/





