Banaanbax balaaran oo looga so horjeedo xiritaanka Maxamed dheere oo ka dhacay Muqdisho
Kumanaan dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa saakay isugu soo baxay waddooyinka waaweyn, kuwaasi oo dalbanayay in la sii daayo hoggaamiyaha siyaasadeed ee ugu firfircoon beesha Muddulood, iyagoo dibadbaxayaasha socod dheer ku soo maray qaar ka mid ah degaanada ay dowladdu maamusho.
Dadweynaha dibadbaxayaalka ah ayaa sheegay in Maxamed Dheere uu yahay hoggaamiyaha kaliya ee gargaarka u fidin jiray, gaar ahaan marka ay degaanadooda ka dhacaan dhibaatooyinka dabiiciga ah, isagoo u samafalayay qoysaska barakacayaasha ah ee degan degmooyinka Shangaani iyo X/Weyne, waxayna ka dalbadeen
Abgaal Threaten 2 Fully Side With AlShabaab If M/Dheere Isn't
dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM inay xoriyadiisa dib u soo celiyaan.
Sidoo kale bannaanbaxayaasha ayaa dalbaday in dowladda KMG ah wax ka qabato xaaladda ammaanka goobaha ay maamusho, iyagoo ku dhaliilay sida ay uga gaabisay gurmadka dadka dhibaateysan ee guryahooda uga soo barakacay nabadgelyo la'aanta.
Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo ah hoggaamiyaha siyaasadeed ee beesha Muddulood ugu cadcad oo dhowaan ciidamada AMISOM ay ka kaxeysteen gurigiisa, waxay bannaanbaxayaasha Muqdisho sheegeen inuusan heysan wax hub ah, isla markaana uu wixii hub iyo saanad milateri ee uu lahaa uu wareejiyay saddex sano kahor.
Dhinaca kale bannaanbaxaasi oo u muuqda inuu yahay mid ay soo abaabuleen dadweynaha Muqdisho, ayaa waxa uu yahay midkii ugu weynaa ee loo sameeyo hoggaamiye sumcad ku leh dadkiisa iyo dalkiisa, waxayna ka hadleen qaabka xarigiisa inuusan ahayn mid sharciga waafaqsan, waayo bay yiraahdeen arrintaasi waxay u muuqataa mid lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha siyaasiyiinta beesha Muddulood ayna ka dambeeyaan shaqsiyaad dibad joog ahaa oo haba yaraatee aan waxba kala socon xaaladda dalka kana tirsan Dowladda KMG ah.
"Ciidamada AMISOM Maandheydkooda ma ahan inay xarig siyaasadeed ka sameeyaan dalka, waa inay sii daayaan hoggaamiye Maxamed Dheere" ayay tiri haweeney ka mid ah dibad baxayaasha Muqdisho oo sheegtay in haddii Maxamed Dheere lagu tuhmayo dembi loo yeero kaliya balse ma aha in AMISOM Kaarayaal ku soo weerarto gurigiisa, ayay tiri haweeneydaasi oo sheegtay in Muqdisho dembiyada ka dhaca ay fara badan ayna ugu dambeysay dhacdadii 20-ka ruux ku dhimatay ee ay ka dambeeyeen ciidamada Dowladda "Maxaa taas wax looga qaban waayay?" ayay isweydiisay haweeneydaasi.






