Wararkii ugu dambeeyey Dagaalada Sool iyo Ceyn iyo Ciidamada Puntland oo qarka u saran Laascaanood
Garowe(Puntlandi.com) Tan iyo markii Puntland ku dhawaaqdey Dagaal ay la galeyso Somaliland ayaa waxaa dhamaan deegaanada Sool iyo Ceyn laga dareemayaa Xaalad dagaal, inkastoo Talisyada Ciidmada Puntland ay adkeeyeen in warar toosa kasoo baxaan dhaqdhaqaaqa ciidamada.
Wakiilka noo jooga Magaalada Laascaanood oo aan khadka teleefoonka kula xiriirney wuxuu noo xaqiijiyey in magalada uu Qax xoogan ka bilowdey shaley galab, ka dib markii ay soo gaareen magaalada wararka ku saabsan Ciidamada Puntland ee kusoo wajahan Laascaanood, Ciidamdii Soomaaliland ee joogey Laascaanood ayaa ka baxey magaalada, shacab fara badan oo u badan dadka ayidsan maamulka Somaliland ayaa iyana qax bilaabey saaka.
dhinaca Ciidamada Puntland oo xaley u ho’ydey meel aan saas uga fogeyn Laascaanood ayaan ilaa hada la kulmin wax ka horyimaada ama ishortaaga, Wasarada Abniga Puntland iyo Talisyada Ciidamdu waxey xanibeen in wax wara oo ciidanka ku saabsan uu soo gaaro saxaafada. inkastoo ay jiraan Dad iyagu iska odorasaya wararka ama sameynaya war aan jirin taasna waa laga digey.
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helney aaga hore ee ciidanka waxey noosheegeen iney Cidamdu hada kusugan yihiin meel aan wax saasa ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha ee Laascaanood, wax dagaal ahna uusan dhicin balse wakhti kasta uu dhici karo.
Ciidamada Puntland waxey hada kusugan yihiin dhamaan goobaha Furinta hore, waxaana dhinaca gobolka Ceyn weheliya Ciidamada deegaanka oo iyagu horey dagaalka ugu jirey. Wararkale oo aan si hoose u helney ayaa sheegaya in laga yaabo in Khadka Teleefoonka laga jaro dhamaan goobaha dagaalada looga cabsi qabo iney ka bilowdaan, arintaana waa codsi kayimid taliyayaasha ciidanka, sida aan warka ku helney Sirdoonka Puntland (PIS) ayaa hada wada howlo kusaabsan sidii shirkadaha Teleefoonadu u xanibi lahaayeen isgaarsiinta soonahaas oo dhan, Hadii taasi dhacdo waxaa adkaanaya in wararka dhakhso loo helo.
Puntlandi.com kala soco wararka xaqiiqda ah ee gobolada Sool iyo Ceyn,.